Posts

Showing posts from April 8, 2018

Waddankeenna Waxaa ka Jira Kun Maadays!

Image
                                 Nin baa maalin iska dhextaagay dad salaad tukanaya, dadkiibuu fiiriyey; wuxuunna arkay in wajiyadoodu si yihiin, indhuhuna hurdoonayaan. Dabadeed imaamkii ayuu fiiriyey, wuxuuna arkay odey cajuus ah oo si adag u socda, hadlaya balse, dadku ayna maqlayn hadalkiisa. Wuxuuna iswayddiiyey; maxay kuwani yihiin? Maxaa masaajidka ka socda? Maxaa isbaddelay? Maxay dadku Masaajidka u yimaaddeen? Ma Salaad   mise seexasho? Ma si ay uga nastaan wixii ay lumiyeen, mise in ay Allah ugu tagaan safar macno leh? [Ninkii] Masaajidkii wuu ka baxay, wuxuunna fadhiistay maqaaxi meel shaaric ah ku taal. Sidii caadada u ahayd dadkiibuu fiiriyey mar labaad, wuxuuna arkay in dadka halkani ayna la mid ahayn kuwii masaajidka joogay, wajiyadoodu way noolyihiin, sidoo kale indhahooguna way furanyihiin. Dadadeed wuxuu eegay ninkii lahaa maqaaxida, wuxuuna arkay wiil dhallinyaro ah oo xoogweyn, si nool u socda, si diirran u hadlaya, dadkuna ay fahmayaan hadalkiisa.   Dadadee

Waxa aan ka bilaabay Dhaqidda Saxniga illaa aan Noqday Maamulaha [Shirkadda] Qantas!

Image
  Jamila Gordon waa waddo dheer oo ka timid Tuulada ay ku dhalatay gabadhu . Soomaaliya waxa ay ka qaxdey dagaalkii sokeeye ka hor; waxayna tagtay Ustaraaliya. Waxoogaa ayaa English-ka uga bidhiiqay, laakiin may joojin doonistii ay doonasay in ay ka shaqayso shirkado tiknoolajiyadeed oo ay ka mid tahay Qantas. “Tuulada aan ku dhashay waxa ay ahayd mid dhas badan, waxaanan haysannay ceelal biyo ah.” Ms Gordon ayaa u sheegtay Wakaalada SBS. “ Hooyaday sannadkasta uurbay qaadi jirtay, ama ilmay dhali jirtay… ugu danbayna waxa ay yeelatay 16 carruur ah.”   Qoykeedu waxa ay u guureen Muqdisho si ay uga gabbadaan abaarta. Balse, dagaalkii sokeeye intuuna qarxin ka hor ayay ka tageen. Ms Gordon, waxaa loo diray/geeyay qaraabadeedii oo Kenya deggan. “ Saaxiibadeydii Kenya ku yeesha waxaa ka   mid ahaa oo aan la kulmay nin Australian ah. Waxayna ahayd maalintiisii labaad ee uu Kenya joogo, waxaananu noqonnay saaxiibbo.” Ayay tidhi. Dabadeed way is guursadeen waxayna u guureen Usta