Waxa aan ka bilaabay Dhaqidda Saxniga illaa aan Noqday Maamulaha [Shirkadda] Qantas!



 Jamila Gordon waa waddo dheer oo ka timid Tuulada ay ku dhalatay gabadhu . Soomaaliya waxa ay ka qaxdey dagaalkii sokeeye ka hor; waxayna tagtay Ustaraaliya. Waxoogaa ayaa English-ka uga bidhiiqay, laakiin may joojin doonistii ay doonasay in ay ka shaqayso shirkado tiknoolajiyadeed oo ay ka mid tahay Qantas.
“Tuulada aan ku dhashay waxa ay ahayd mid dhas badan, waxaanan haysannay ceelal biyo ah.” Ms Gordon ayaa u sheegtay Wakaalada SBS.
Hooyaday sannadkasta uurbay qaadi jirtay, ama ilmay dhali jirtay… ugu danbayna waxa ay yeelatay 16 carruur ah.”
 Qoykeedu waxa ay u guureen Muqdisho si ay uga gabbadaan abaarta. Balse, dagaalkii sokeeye intuuna qarxin ka hor ayay ka tageen. Ms Gordon, waxaa loo diray/geeyay qaraabadeedii oo Kenya deggan.
“ Saaxiibadeydii Kenya ku yeesha waxaa ka  mid ahaa oo aan la kulmay nin Australian ah. Waxayna ahayd maalintiisii labaad ee uu Kenya joogo, waxaananu noqonnay saaxiibbo.” Ayay tidhi. Dabadeed way is guursadeen waxayna u guureen Ustaraaliya.
 Si degdega ayay u baratay English-ka waxayna ka baratay TAFE, dabadeed waxa ay tagtay Jaamacad ku taalla Melbourne si ay uga barato cilmiga xisaabinta (Accounting), ka hor intayna dhigan IT-ga (International Tecnology) ee uuna jacaylku ku dhicin.
 Sida ay sheegtay shaqadeedii u horraysay Ustaraaliya ayay ka bilowday, waxayna xali/dhaqi jirtay suxuunta. Waxayna qaadan jirtay shan Dollar ($5) saacaddiiba.
 Ms Gordon IT-gu wuxuu uga mid ahaa waxyaabaha lala yaabo markii ay dhigan jirtay Dugsigeegii u horreeyay ee ku yaallay Soomaaliya.
 “ Habkii aan u xifdiyi jiray Qur’aanku markii aan yaraa waxa uu dhab ahaan ula mid ahaa habka software programming-ka, aan samayn jiray markii aan dhigan jiray Jaamacadda Latrobe.” Ms Gordon ayaa tidhi.
Markii ay Jaamacaddii dhammaysay ka dib waxa ay heshay shaqo ah software programming, wayna ku sii siqaysay Sallaanka, illaa ay ka shaqaysay Shirkadaha ugu waaweyn Yurub, ayna ka mid tahay IBM. Dabadeed waxa ay tagtay Ustaraaliya, waxayna noqotay Guddoomiyaha xafiiska Macluumaadka ee Qantas.
Intan oo English ah Lingaxan ka akhriso: (https://www.sbs.com.au/news/my-australia-from-washing-dishes-to-qantas-executive )   Source SBS News. 2 February , Jarni Blakkarly.
   April 2018
W/T: Cabdirasaaq  sandheere.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?