Posts

Showing posts from July 11, 2021

Safarkayii Ceerigaabo

Image
  Hordhac Markii koowaad ayaan tagay magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo waa caasimadda ama xarunta Gobolka Sanaag. Gobolka Sanaag waxa lagu naanaysaa “ Gobolkii Awawyada.” Ceerigaabo waa magaalo qadiimi ah. Muddo hore ayaa la degay. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo waxyaabaha aan Ceerigaabo ku arkay, meelaha aan booqday, muuqaalka guud ee magaalada, waxyaabaha magaalada u gaarka ah, iyo guud ahaan intii aan joogay wixii aan la kulmay intii aan la kulmay Ceerigaabo. Safarkaygii Ceerigaabo 27kii May, 2021kii xilli barqo ah waxa aan ka baxay magaalada Boorama. Saacaddu waa abbaaro 11kii barqannimo. Waxa aan u sii jeedaa oo ku socdaa magaalada Ceerigaabo. Waa markii ugu horraysay ee aan indhaha saaray Ceerigaabo. U jeeddada aan Ceerigaabo u tagayayna waxa ay ahayd safar shaqo, oo waxa aan ka shaqaynayay Doorashadii Isku Sidkanayd ee Soomaalilaan ka dhacday May 31, 2021ka. Ceerigaabo waa Caasimadda Gobolka Sanaag. Waxa ay ku taallaa Bariga Soomaalilaan. Waxa