Safarkayii Ceerigaabo


 



Hordhac

Markii koowaad ayaan tagay magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo waa caasimadda ama xarunta Gobolka Sanaag. Gobolka Sanaag waxa lagu naanaysaa “ Gobolkii Awawyada.” Ceerigaabo waa magaalo qadiimi ah. Muddo hore ayaa la degay. Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo waxyaabaha aan Ceerigaabo ku arkay, meelaha aan booqday, muuqaalka guud ee magaalada, waxyaabaha magaalada u gaarka ah, iyo guud ahaan intii aan joogay wixii aan la kulmay intii aan la kulmay Ceerigaabo.

Safarkaygii Ceerigaabo



27kii May, 2021kii xilli barqo ah waxa aan ka baxay magaalada Boorama. Saacaddu waa abbaaro 11kii barqannimo. Waxa aan u sii jeedaa oo ku socdaa magaalada Ceerigaabo. Waa markii ugu horraysay ee aan indhaha saaray Ceerigaabo. U jeeddada aan Ceerigaabo u tagayayna waxa ay ahayd safar shaqo, oo waxa aan ka shaqaynayay Doorashadii Isku Sidkanayd ee Soomaalilaan ka dhacday May 31, 2021ka.

Ceerigaabo waa Caasimadda Gobolka Sanaag. Waxa ay ku taallaa Bariga Soomaalilaan. Waxa ay ku jirtaa 6da magaalo ee Soomaalilaan ugu waawayn, sidoo kale waa caasimad ka mid ah 6da xarumood ee xukuma 6da gobo lee Soomaalilaan ugu waawayn. Marka Ceerigaabo lagu socda ee Galbeedka laga imanayo waxa la sii maraa magaalooyin badan, 5 ta magaalo ee Soomaalilaan ugu waawayn ee 5 ta gobol xukumana 4 magaalo oo ka mid ah waa la sii maraa.

Boorama, ayaan 11kii barqannimo ka baxay. 12:30kii ayaannu ka sii qadaynay Hudheelka Galoolley ee duleedka magaalada Gebilay. Socdaalkayagii ayaannu sii wadnay, 2dii ayaannu Hargeysa sii marnay. Waannu sii soconnay, Casar gaaban ayaannu Berbera sii marnay, cadceed dhacii ayaannu buurta Sheekh dulmarnay, Burco ayaannu Cishaa’igii gaadhnay. Markii aannu Burco marayno ayaannu waxoogaa yar hakannay oo baabuurku naga xumaaday. Intii la hagaajinayay ayaa waqti qaadatay. Ugu danbayna gaadhi kale ayaa nalagu wareejiyay. Ila meerayso ayay noqotay oo Burco waxaannu ka baxnay meelahaas 11kii Habeennimo. Waddada qummaatiga magaalada uga baxda ayaannu qaadnay, halka ay saddexda waddo ee midi Ceerigaabo tagto, midna Laascaanood tagto, midna Burco ka baxdo ayaannu yara istaagnay: Isgoyska. Waxyar ka dib waxaannu qabsannay waddada u leexata dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Jidka Ceerigaabo loo maraa waa mid aad u dheer, oo aad u culus. Inta hore magaalooyin ayaa la sii maraa, inta ugu dheer ee si toos ah iskugu xigtaa waa Burco illaa Ceerigaabo. Banka Sarareed oo surmi ah ayaa la sii maraa, annagu xilli seqdhexe ah ayaannu ku beegannay oo sii marnay. Tuulooyin yaryar oo sida War’idaad, iyo kuwa kale ayaannu sii marnay. Waxa kale oo aannu sii marnay magaalooyinka Gar’adag, Ceel’afwayn IWM. Ugu danbayn xilli 6dii Aroornimo ah waxaannu gaadhnay Ceerigaabo. Gaadhiga ayaa aayar socday, marmarna joogsanayay, oo aad uma dheeraynayn. Taasaa keentay in aannu waqtiga intaas leeg sii soconno.

Ceerigaabo xilli aroor hore ah ayaannu ku beegannay. Qabaw daran ayaan dareemay. Meel aan isleeyahay way cimilo kululayd ayaan ka imid sidii aan u arkayay. Waqtiga oo aroor ahaa, aniga oo dhar fudud xidhnaa, qaaddiraysnaa iyo jawiga oo qabaw ahaa waxa aan dareemay dhaxan. Aroortii magaalada ayaan iska galay markii aan magaalada imid, ma seexan, hurdana uma hollan.

Xilligii barqada waxa aan booqday fadhiistay maqaaxi caan ah oo magaalada ku taallay. Maqaaxida waxa la yidhaahdaa ‘ Xeelo.’ Waa maqaaxi in muddo ah jirtay. Hal arrin bay Maqaaxiyaha kale dheertahay. Arrintaasi ay dheertahay waxa weeyi in Shaaha lagu cabbo Jabcado, ama Fijaannada u jeeddooyinka kaladuwan loo isticmaalo. In shaaha Jabcad lagu cabbaa wac cusub maaha, oo aniguba xaafaddayada marka aan joogo Jabcadda waan ku cabbaa shaaha. Dadka qaar aan weligood Jabcad shaah ku cabbin ayaa u arka wax cusub. Beri dhexdiiya ayay dhallinyar iyaga oo maqaaxida jooga oo jabcad shaah ku cabbaya soo sawireen, arrintii ayaa xiiso keentay, oo dad badan ayaa u hanqaltaagay maqaaxida. Tii waxa ay keentay in qofkasta oo Ceerigaabo booqdaa uu maqaaxida tago oo mar uun yidhaahdo ‘ Maqaaxidii Xeelo ee Jabcadaha shaaha lagu cabbi jiray ayaan tagay’ ayuu ku hammiyaa. Arrintaasi suuqgayn fiican ayay u noqotay meheradda, macaamiil farabadanna way u soo jiidday. Balse, waxa ii muuqatay in Mulkiilaha ama hantiilayaasha Maqaaxida lehi ayna arrintaas suuqgaynta bilaashka ah aad u fahansanayn. Hadal iyo dhammaan maqaaxidu waa mid ka mid ah maqaaxiyaha ugu qadiimsan magaalada, suuq fiicanna leh ee dadku aad u yimaaddaan.



Qofku marka uu magaalo tago waxa jirta meelo gaar ah oo uu horbarto, ama si wanaagsan u tilmaansan karo. Meelaha aan magaalada ka hor bartay waxa ka mid ahayd Masjid Jaamaca oo badhtanka Suuqa ku yaalla, iyo goobaha u dhawdhaw.

Galabtii waxa aan lug ku dhex maray qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Ceerigaabo, gaar ahaanna xaafadaha Shicibka. Arrinta isoo jiidatay waxa ay ahayd dhirta qurxoon ee cidhifkasta magaalada kaga taalla. Magaaladu waa magaalo cagaaran, sakadkasta oo aad ka laabtid dhir ayaa ka beeran. Geedo bilicsan, iyo dhir qurxoon ayaa ku yaalla meelkasta. Intaas waxa dheer xaafado badan waxa ay leeyihiin beero, oo xaafaddu dayrkeeda waxa ay ka samaysataa beer wayn; weliba beerta waxa laga beeraa khudaar. Khudaartaasi xaafado badan waxa ay u noqotaa mid ay cuntada ku samaystaan, oo nolol maalmeedkooda ku noolaadaan. Taasi waxa ay keenaysaa in xaafadda ay lacag badan u baaqato oo ay adeegsadaan waxa beertooda ka soo baxay.

Waxyaabaha cusub ee aan magaaladan ku arkay, lana gaarka tahay waxa ka mid ah in guryuhu laba albaab leeyihiin. Guri kastaa waxa uu leeyahay laba albaab, mid xagga hore ah iyo mid xagga danbe ah. Arrintaas magaalooyin badan kuma arag, haddii ay jirtana waa guryo kooban oo ah kuwa waawayn ee Bangalada loo yaqaanno, balse aqallada yaryar ee sidan kuwan Ceerigaabo labada albaab lihi malaha e hal albaab ayay leeyihiin magaalooyinka kale.

Dadka magaalada ku nool asal ahaan hadalladooda waxa aad mooddaa inay qallafsani badan ka muuqato. Qallafsanida, hadal’adkaanta, iyo erayada taagtaagan waxa aad mooddaa inay dhaqan tahay. Dadka ku nool hadalladu lama taagtaagna oo way la qabsadeen, balse dadka ku cusub waxa ay uu qaadanayaan dagaal ama waxkale.

Saddex cisho markii aan magaalada Ceerigaabo joogay ayaan maalintii afraad ka baxay. Waxa aan tagay deegaanka Carmala oo dhinaca Koonfurbari ka xigta qiyaas ahaan 70KM. Aroortii qiyaas ahaan 10kii ayaan ka baxnay magaalada Ceerigaabo, waxa aannu u jeedsannay tuuladii Carmala ee aannu ku soconnay. Afar saacadood ka dib ayaannu gaadhnay Carmala. Habeenkii ayaan u hoyday Carmala. Waxa ay ahayd goobta aan ka shaqaynayay doorashada Soomaalilaan ee aan ku qornaa. Dadkeedu waxa ay ahaayeen dad dabeecaddoodu qallafsanayd.

Habeennimadaa maalinteeda berri oo kale ah waxa la qabanayay codbixintii Doorashada Soomaalilaan. Waa doorasho isku sidkan: Doorashadii Golaha Wakiillada, iyo Doorashadii Golaha Deegaanka. Maalinnimada Berri ah oo ahayd 31 May, 2021 ayay si toos ah dalka uga bilaabmaysay 6da Gobo lee Soomaalilaan, oo uu ku jiro gobolka aan joogo ee Sanaaag.

Aroortii hore ayaan kacay, shaqadii ayaan waqti hore bilaabay. Shaqadu way adkayd, wayna caqabado badnayd. Shaqadii aannu aroortii bilownay waxa aannu dhammaynay 1dii habeennimo. Ugu yaraan 17 saacadood oo xidhiidh ah ayaannu shaqaynaynay. Waxa ay ahayd maalin adag oo qaranka oo dhan shaqada laga qabanayay. Markii aannu seqdii dhexe shaqadii dhammaynay 2dii ayaannu ka baxnay Tuuladii Carmala. Waxa aannu u dhaqaaqnay dhinacaas iyo Ceerigaabo. 4 Saacadood ayaannu sii soconnay, waxa aannu Ceerigaabo gaadhnay 6 Subaxnimo. Markaas ayaannu qalabkii shaqada iyo ammaanadii doorashada, iyo sanaadiiqdii iska wareejinnay oo gaynay Xaruntii sanaadiiqda la keenayay. Habeenkaas oo dhan maanaan seexan. Sidii aannu aroornimadii u kacnay ayaan ku soconnay. Ceerigaabo oo qabaw ayaannu soo galnay sidii maalintii hore oo kale.



Inaan meelo badan tago waan jeclaa, balse waqtiga iyo diyaargarawga ayaa igu koobnaa. Meelaha aan booqday waxa ka mid ahayd Buurta caanka ah ee Daalo. Daalo waxa ay waxyar oo aan badnayn u jirtaa magaalada Ceerigaabo. Waa silsilad caan ah oo aad u ballaadhan. Daalo, waxa ay leedahay qurux dabiici ah oo aad u qurux badan. Inta badan marka Ceerigaabo la tago iyadna waa la tagaa oo meelaha ugu horreeya ee la booqdo. Quruxda deegaanka, dhirta, xayawaanka, buurta iyo quruxda dabiiciga ah ayay indhuhu ku doogsanayaan. Fiiqa sare ee buurta ayaan koray, waxa ay indhahaygu qabteen meel laga gooyay geed aad looga wada xumaatay oo Sannadkii 2020 Dawladdu goysay. Sababta geedkaas loo geeyay waxa lagu sheegay inuu khatar ku ahaa dadka buurta booqda ee geedkaas fuula ee sawirka ku soo gala. Geedku wuxuu yaallay laalaadka buurta, qofka ka siibtaana naf laguma gaadhayn. In la gooyo may ahayn, waxa ay ahayd in xal kale loo keeno. 



3 cisho oo kale ayaan magaalada Ceerigaabo sii joogay. Meelaha aan booqday waxa ka mid ahayd Maktabadda Ceerigaabo. Aniga sida ii caadada ah Magaalo marka aan tago meelaha ugu horreeya ee aan booqdo waxa ka mid ah Maktabaha, xarumaha akhriska, iyo goobaha si uun ula xidhiidha akhriska, qoraalka, buugta, qalinka IWM. Intii aan Ceerigaabo joogay waxa aan booqday Maktabadda Ceerigaabo. Waa Maktabad kooban oo ay hammigeeda, abaabulkeeda, diyaarinteeda, hirgelinteeda, maamulkeeda, hannaankeeda, horusocodkeeda, hal'abuurkeeda, iyo horumarinteedaba dhallinyaro leedahay. Dhallinyaro isxilqaamayaal ah muddo aan sii dheerayn dhexda u xidhatay. Markii ay arkeen in magaalada goobaha akhrisku ku koobanyihiin ayay ku hammiyeen inay Maktabad dhex ah sameeyaan.

 Goobtu waa Hool wayn oo buug ku sharraxantahay. Khaanadaha waxa ka buuxa buug noockaste leh, balse aad mooddo inay Ingiriisi u badanyihiin. Kuraasi ku habboon wax akhriska oo wiilal iyo hablaba loogu talagalay ayaa yaalla goobta.



Magaaladu sidii hore maaha, akhriska way la soo qabsanaysaa. Dhallinyarada wax barata, iyo dadka jecel akhriska iyo qoraalka ayaa si joogta ah u soo booqda goobta oo yimaadda.

 

Dhinaca horumarka magaaladu way soo kobcaysaa, oo koboc baa iiga muuqday. Waxa aan arkayay waddooyin la dhisayo, iyo horumar kale oo socda.

Gebagebo

Muddo 7 cisho ah ayaan Ceerigaabo iyo agagaarkeeda joogay. Dib ayaan uga soo laabtay. Dhawr magaalo ayaan soo maray.

 

Cabdirasaaq Sandheere

Julaay, 2021.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?