Posts

Showing posts from February 16, 2020

Sookoobidda buugga “ Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah?”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah” Carabi ayuu ku qoranyahay, ladhkiisuna waa “ اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك .” Waxa qoray Dr. Saajid Al Cabdali, oo ah dhakhtar caafimaad,   qoraa, iyo aqoonyahan arrimaha siyaasadda ku lug leh. Wargeysyo, jaraa’iddo, iyo mareego badan oo Internetka ah ayuu si maalinle ah wax ugu qoraa Saajid. Ururro badan, oo kuwo Diineed, iyo kuwo siyaasadeed bal eh ayuu ka soo mid ahaa. Xilal kala duwan, iyo mansabyo muunad lehna wuu ka soo qabtay. Ugu danbayn qoraa, sheekh, iyo siyaasi madaxbannaan ayuu ku danbeeyay. Buug badan, oo akhriska iyo qoraalka la xidhiidha ayuu qoray. Waxa ka mid ah “ القراءة الذكية   .” Buuggan waxa la daabacay, sannadkii 2011kii. Waxa uu ka koobanyahay 136 bog. Si guud waa sagaal Cutub, oo mawduucyo kookoobani soo hoosgalaan. Buuggan waxa uu kaga warramayaa akhriska iyo sida uu qofku noloshiisa qayb ka mid ah uga dhigi karayo. Sidoo kale, inuu qofku wax