Sookoobidda buugga “ Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah?”



Hordhac

Buuggan la yidhaa “Akhri: Sideed wax akhriska uga dhigi kartaa qeyb noloshaada ka mid ah” Carabi ayuu ku qoranyahay, ladhkiisuna waa “اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك.” Waxa qoray Dr. Saajid Al Cabdali, oo ah dhakhtar caafimaad,  qoraa, iyo aqoonyahan arrimaha siyaasadda ku lug leh. Wargeysyo, jaraa’iddo, iyo mareego badan oo Internetka ah ayuu si maalinle ah wax ugu qoraa Saajid. Ururro badan, oo kuwo Diineed, iyo kuwo siyaasadeed bal eh ayuu ka soo mid ahaa. Xilal kala duwan, iyo mansabyo muunad lehna wuu ka soo qabtay. Ugu danbayn qoraa, sheekh, iyo siyaasi madaxbannaan ayuu ku danbeeyay. Buug badan, oo akhriska iyo qoraalka la xidhiidha ayuu qoray. Waxa ka mid ah “القراءة الذكية .”

Buuggan waxa la daabacay, sannadkii 2011kii. Waxa uu ka koobanyahay 136 bog. Si guud waa sagaal Cutub, oo mawduucyo kookoobani soo hoosgalaan.

Buuggan waxa uu kaga warramayaa akhriska iyo sida uu qofku noloshiisa qayb ka mid ah uga dhigi karayo. Sidoo kale, inuu qofku wax akhriska waqtigiisa qayb uga qoondeeyo, oo ku talagalo. Akhriswadareedka iyo faa’idadiisa, iyo sidoo kale in carruurta lagu barbaariyo dhaqan wax akhris.

                                                                                            

Nuxurka Buugga

Qoraaga marka uu buugga bilaababa waxa uu ku bilaabaya wayddiin odhanaysa “ Sideed u akhriyi kartaa buug adiga oo uuna kugu soconnin (xiisaynayn) akhriskiisu?” Warcelinta wayddiintan ayuu qoraagu sheegayaa. Qodobbo uu u arko inay xal u yihiin buug aan kugu socon, iyo waxa aad ka yeelayso ayuu taxayaa.

Qodobbadaa waxa ka mid ah:                 

1-      Wax kalaba intaanad gaadhin ka hor, naftaada ha ku qasbin akhris aynna rabin: Akhris aan nafta lagu qasbayn qoraagu waxa uu ka wadaa akhriska xorta ah ee qofku iskii iskaga akhristo, iyada oo aan cidina ka doonayn. Oo kama hadlayo haddii qofku imtixaan ku galayo, ama Dugsi, Jaamacad laga rabo inuu soo akhriyo. Waayo, markan akhris XORA lama yidhaa. Waa akhris qofka ku waajib ah, ha jeclaado ama yuuna jeclaan. Waa laga rabaa. Kan markaa kama hadlayo. Ka qofku iskii iskugu diro ee intuu buug soo qaato ama soo gato uu akhriyayo ayuu jeedaa qoraagu. Markaa kaa ha akhrin buug aanad xiisaynayn.

2-    Ku dadaal inaad dooratid buug kuu qalma oo habboon: Akhristayaashu mawduucyo kaladuwan, iyo buugaag kaladuwan ayay xiiseeyaan, xataa mawduuca markii dhexgalo qaybihiisa hoose ayay sii kala xiiseeyaan, oo qofba ladh bay ugu baxdaa. Waxa jira kuwo jecel akhriska suugaanta, kuwa kale buugaagta fekerka ku saabsan inay akhriyaan ayay jecelyihii, kuwa kalana akhriska buugaagta Falsafadda ku saabsan akhrintooda ayay jecelyihiin. Ma jiro buug gebi ahaantii wada fiican, iyo qoraa waxkasta buuggiisa kaga warramayaa toona. Markaa adigu ogow buugga, iyo mawduuca ay naftaadu xiisaynayso inay akhrido.

3-     Xaddid ujeeddada aad u akhriyayso buugga: Isku day inaad koobtid, oo si gooniya aad u ogaatid ujeeddada aad buugga u akhriyayso iyo waxa kugu riixaya akhrintiisa.

4-    Akhriska ha dedejin: Marka aad wax akhriyayso ha dedejin oo ha boobsiin. Isdeji oo si deggan oo qunyarsocod ah u akhri. Naftaada ha barbardhigi kuwa kale ee hore u dhammeeya, oo ha is odhan “ Kuwaasiba hore ayay u dhammeeyeene adna hore u dhammee.” Marka aad caajisto ‘ iska dhig buugga” ha sii wadin. Wax kale oo naftu rabto samee. Waqti kale halkii ka sii bilow.

5-     Mararka qaar meelaha qaar calaamadso: Marka aad wax akhriyaysid, meelo waxa jirta aad rabtid oo ku xiisageliyay. Calaamadso. Sidoo kale, waxa jirta meelo aad aragti ku darsan kartid oo aad fekraddaada barbardhigi kartid. Meelahaanna calaamadso oo qalin masaxmaya isticmaal. Se waa marka aad adigu buugga leedahay. Haddii aanad lahayn wax dushiisa iyo hoostiisa toona ha ku qorin.

6-    Iscusboonaysii oo xasuusnow in akhriska xorta ah ujeeddadiisu tahay raaxo, dabadeed ayay timaaddaa faa’idadu: Akhrinta waxyaabaha aad maalinlaha u qabatid ku dar.

Intaa ka dib qoraagu waxa uu haddana iswayddiinayaa wayddiin kale, oo aad innoo anfacaysa. Waxa ay tahay “ Sideed u noqon kartaa akhriste jecel waxa uu akhriyayo?”

Inkasta oo ay dadka midabkooga, doonistooda iyo diintooduba kala duwantahay, haddana waxa ay ka simanyihiin, oo isla qirsanyihiin muhiimadda akhriska. Se lama joogteeyo wax akhriska ayuu qoraagu leeyahay. Waxa uu qoraagu soo xiganayaa Abrahaam Maslo, isaga oo ka warramaya in wax akhrisku yahay waxyaabah aasaaska u ah baahiyaha bini’aadanka waxa uu leeyahay Abrahan:

1-      Jidh ahaan dadku waxa ay u baahanyihiin cunto, cabbid, hoy, iyo hu IWM.

2-    Dareen ahaan, waxa uu u baahanyahay amni.

3-     Bulsho ahaanna, waxa uu u baahanyahay asxaab, iyo dad ku dhaw.

4-    Inuu guul gaadho wuu u baahanyahay, oo ka shaqeeyo raalligelinta naftisa

Si uu markaa akhriska u jeclaado waa inuu kuwaa aasaaska ah la xidhiidhsiiyo wax akhriska, oo qofkii asxaab wanaagsan doonayaa akhriska hala saaxiibbo, qofkii doonaya inuu bulshadiisa ku xidhnaadaa akhriska haku dadaallo ayuu qoraagu leeyahay.

  Si markaa qofku waxyaabah iskugu xidho, oo akhriska u jeclaado, una sugo oo uu ku nagaado waa inuu iswayddiiyaa wayddiimo shan ah. Qoraagu buugga kale ee uu qoray ee la yidhaa “القراءة الذكية .” ayuu xusayaa inuu 5 wayddiimood ku sheegay. Wuuna soo xiganayaa. Se xabbad lixaad oo kale ayuu ku darayaa. Waa kuwan wayddiimaha uu qofku iswayddiinayaa:

1-      Maxaan akhriyaa?: Wayddiintan inuu qofku ka jawaabaa afka way uga fududdahay, se samaynteeda ayaa adag. Qofku marka uu xulanayo buugga waa inuu ku xushaa jaceylka uu qabo. Dabadeedna, waa inuu buuggaa sidaa ku qaataa moo ku akhriyaa.

2-    Maxaan u akhriyayaa?: Waa sababta uu qofku uj akhriyayo buugga. Ujeeddooyin kaladuwan ayaa buugaagta loo akhriyaa, qaar xiiso ayaa loo akhriyaa. Kuwa kale, xog haka heshid ayaa loo akhriyaa. Qaar aad wax ka baadhid baa loo akhriyaa. Qaarna aad naqdisid ayaa loo akhriyaa. Markaa waa inuu ogaado sababta uu u akhriyayo.

3-     Halkeen ku akhriyaa?:  Waa wayddiin afka si fudud looga jawaabi karo, se ay adagtahay xulashadeedu. Qofku meesha uu wax ku akhrisanayaa saamayn ayay akhriskiisa ku leedahay. Meeshu waa inay noqoto meel deggan, oo aan buuq lahayn, si akhrisku ugu socdo.  Sidoo kale, waa inay meeshu ahaato meel iftiin leh oo cimiladu deggantahay.

4-    Goormaan akhriyaa?: Waa wayddiin muhiim ah, oo qofku u baahanyahay intuuna akhrin ka hor inuu akhriyo. Waa inuu doorto xilliga ugu wanaagsan ee uu akhriyi karo, fahmina karo ee naf ahaan isaga u fiican. Waxa jira waqtiyo wax la akhriyo oo akhrisku qofka ku socon karo.

5-     Sideen u akhriyaa?: Qofku qaabka uu u akhriyayo waxa uu akhriyayo waa inuu ogaadaa. Qofkastaa qaab uu wax u akhriyo ayuu leeyahay. Qaabka wax loo akhriyayo waa lagu kala duwanyahay. Ogoow, qaabka aad wax u akhriyayso.

6-    Inteen akhriyaa?: Qofku inta uu akhriyayo maalintii, toddobaadkii, iyo bishii waa muhiim. Sidoo kale, waxa muhiim ah inuu ogaado buugga inta bog ee uu maalintii ama halka gellin ka akhriyayo.

 Intaa ka gadal qoraagu waxa uu sheegayaa dhawr tabood oo akhristaha wanaagsan laga rabo. Waxa ka mid ah:

1-      Inuu ku samro oo joogteeyo akhriska.

2-    Inuu nafta baro inay fekerro cusub kala soo dhex baxdo.

3-     Waa inuu bartaa xulashada buugga wanaagsan ee anfacaya.

4-    Buugga waa inuu qaabab kala duwan u akhriyaa, oo dhiancyo kaladuwan ka eegaa.

                                                                                                       

Qoraagu qaybaha xiga waxa uu kaga warramayaa waxa loo ayqaan “ Akhriswadareed” oo ah in dad badan inta ay isku yimaaddaan wax wada akhriyaan, iyaga oo hal qof marka hore dhagaysanaya. Marka danbana aragtida wadaagaya oo lafaguraya waxa ay ka hadlayaan. Qofkastana waqti ku filan la siinayo.

Qoraagu waxa kale oo uu qabaa in ‘ Akhriswadareedku’ uu qayb ka noqon karo in qofku akhriska noloshiisa qayb ka mid ah ka dhigo. Akhriswadareedku waa inay dad badan wax wada akhriyaan, oo aragti buugeed, maqaalleed ama aqooneed iswaydaarsadaan. Tirada dhawr qof ayay noqon karaan. Qoraagu waxa u xusayaa inay tirada ahaadaan wax ka badan 3 qof, ugu badnaanna ay gaadhaan illaa 12 qof. Waqtiga ay wax wada akhiyayaanna iyaga ayu ku xidhanyahay. Se qoraagu waxan uu leeyahay waa inuu ahaado 2 saac (120 daqiiqo).Meesha ay wax ku akhriyayaan waa inay meel ku habboon akhriswadareedka ahaato. Inta badan qof baa soo akhriyaya buug oo la dhagaysanayaa, marka uu dhammeeyana fekrad iyo wixii laga fahmay ayay xubnaha madasha fadhiyaa ku darsanayaan. Qofkaa markaa buugga soo akhriyayaa, ma lagama maarmaan baa inuu sooyaalka qoraaga buugga uu soo akhriyay soo diyaariyaa oo ka warramayaa? Ayuu qoraagu iswayddiinayaa. Maaha lagamamaarmaan, se waa muhiim ayuu qoraagu leeyahay. Waa inuu qofka buugga soo akhriyayaa intuuna nuxurka buugga u gelin ka hor sooyaalka qoraaga waxyar ka sheegaa ayuu leeyahay.

Madashan “Akhriswadareedku” guddoomiye inay yeelato ayaa wanaagsan. Guddoomiyuhu waa inuu sifooyinkan lahaado:

1-      Inuu waqtiga ilaaliyo.

2-    Inuu aamusnaado waqtiga uu qofku soo jeedinayo.

3-     Inuu hadalka si wanaagsan u qaybiyo.

4-    Inuu akhris badanyahay.

5-     Inuu wax soo ka soo baadho kolba buugga la soo jeedinayo.

 

Faa’idooyin kalana akhriswadareedku wuu leeyahay. Faa’idooyinka akhriswadareedka waxa ka mid ah:

1-      Waxa ka mid ah inuu qofku akhriska kula qabsado.

2-    In qofku joogteeyo akhriska.

3-     Inuu qofku akhriska waqti siiyo.

4-     Inuu qofku aragtidiisa soo bandhigo.

5-     Inuu qofku doodda iyo falanqaynta ku barto.

6-    In qofku fekeridda ku sii barto.

7-     Qofku ixtiraamka aragtida ayuu ku baranayaa.

 

Waxa kale, oo qoraagu ka hadlayaa “ Akhriska iyo carruurta.” Carruurta yaraantooda in akhris lagu tarbiyeeyo ayuu qabaa. Sida loogu tarbiyaynayo marka ay yaryihiin ayuu taxayaa. Waxa ka mid ah, in la sameeyo qodobbadan:

1-      In carruuta loo sheekeeyo, xataa inta uuna hadalka baran in lala hadlo oo sheekooyin carruureed looga sheekeeyo. Way caawimaysaa oo waxa ay ka caawinaysaa inuu luuqadda barto.

2-    Waa in ilmaha lala fadhiisto oo wax lala akhriyo, maalintiiba in lala fadhiisto illaa 30 daqiiqo.

3-     In waalidku wax akhriyo oo xaafadda buugaag keento. Ilmuhu markuu arko waalidkiisii oo wax akhriyaya wuu ku dayanayaa.

Qoraagu waxa uu ku sii darayaa “ Akhriswadareedka Carruurta”- In carruurta inta la soo ururiyo hal goob la iskugu keeno oo wax ay wada akhriyaan, ama loo akhriyaba. Inay muhiimtahay ayuu xusayaa.

Buugga waxa uu ku soo xidhayan dhawr tusaale oo uu ka bixinayo sida buugaagta la wada akhriyayo loo soo koobayo. Waa tusaale uun. Intaa ka dib gebagebadii buugga ayuu soo gaadhayaa. Wuuna xidhayaa.

 

Gebagebo

Buugga waynu soo dhexjibaaxnay. Akhriska wanaagsan iyo wayddiimaha la iska wayddiinayo, ee lagamamaarmaanka ah ayaynnu soo taxnay.

Haddana waxa aynnu waxoogaa ka warrannay akhriswadareedka iyo sida uu noqonayo, shuruudda laga rabo iyo muhiimaddiisa.

Waxa kale, oo aynnu soo sheegnay akhriska iyo carruurta. Muhiimad wayn inay arrintaasim leedahay ayaynnu sheegnay. Ugu danbayn waxa aynnu ku soo xidhnay carruurta iyo akhriswadareedka.

Buuggu arrimo badan oo aynnu u baahi qabno ayuu ka hadlayaa. Markaa waa innoo muhiim.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

02.02.2020

 

 


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?