Posts

Showing posts from July 10, 2022

Faallaynta Buugyaraha ‘ Wehel Jaceyl”

Image
Waxa dhawr maalmood Baraha Bulshada, gaar ahaanna Faysbuugga haystay buugyare la yidhaahdo ‘ Hadiyad Jaceyl.’ Dabeecadda bini’aadanka ayay noqotay in wixii ay dadku IN BADAN arkaan ay si Owtomaatik ah iskaga jeclaadaan. Anigu marka aan buug akhriyayo kuma xusho in buugga aad loo xayaysiiyo oo dad badan oo aan akhriyin aayar iska caashaqaan. Aslan ba buugga aan qofka ka dhegaysto haddii uu igula telinayo waa buugga uu qofkaasi akhriyay ee uuna arag uun. Marka qofku buugga akhriyo ayuu ku odhan karaa ‘ Buuggaasi waa mid wacane akh.’ Se qof aan akhrin oo isku sawiray inuu kugula taliyo maaha, sawirkuna kama tarjumayo in buuggaasi akhris mudanyahay. Buug qofkastaa wuu isku sawiri karaa, se qofkastaa ma akhriyi karo. Buugkasta oo dadku isku sawiraanna maaha inuu yahay buug muhiim ah, ama buug wax cirkasoodhac ahi ku qoranyahay. Haddaba saaka ayuu buuggani madal aan joogay iigu yimid. Waqti baan u helay oo waan kala furay. Marka hore ayaan xantiisa hayay inuu caanbaxay yahay. Haddaba maxaan

Xeerarka Aasaas u ah sidii aad u Horumarin Lahayd Luuqaddaada English ka

Image
1-       Dhegaysiga: In aad dhegaysigaaga horumarisid waa hab wayn oo awood leh. Dhegaysiga iyo hadalkuna way isasaameeyaan, oo waa run 100% in waxkasta oo aynu dhegaysanno aynu ku hadli karno. Dhegaysigu waa xirfad, oo haddii aad xrifaddaas ku wanaagsantahay hubaal si dabiiciya ayaad Ingiriisiga ugu hadli kartaa. Sidaas darteed noqo dhegayste wanaagsan. Qofka dhegaystaha wanaagsan ahi had iyo jeer waa qof si wanaagsan ugu hadla luuqadda. Maalinkasya dhegayso Ingiriiska, oo ugu yaraan maalintii dhegayso 20 daqiiqo oo aroortii ah iyo 20 daqiiqo oo galabtii ah. 2-      2- Ku Hadalka Luuqadda: Waa in aan maalinkasta Ingiriiska ku hadalnaa si aan u kobcinno xirfadeenna ku hadalka luuqadda. Ku hadalka luuqadda maantaba bilow, oo berri ha la sugin. Macno malaha in Garaamarkaagu saxyahay ama in uuna ahayn ba; kaliya samayso saaxiib kugula hadla, oo inaad ku wada hadashaan bilow. Dad badan waxa ay ka cabsadaan inay luuqadda ku hadlaan, waayo way xishoonayaan. Ha ka xishoon ku hadalka luuqa