Xeerarka Aasaas u ah sidii aad u Horumarin Lahayd Luuqaddaada English ka
1- Dhegaysiga: In aad
dhegaysigaaga horumarisid waa hab wayn oo awood leh. Dhegaysiga iyo hadalkuna
way isasaameeyaan, oo waa run 100% in waxkasta oo aynu dhegaysanno aynu ku
hadli karno. Dhegaysigu waa xirfad, oo haddii aad xrifaddaas ku wanaagsantahay
hubaal si dabiiciya ayaad Ingiriisiga ugu hadli kartaa. Sidaas darteed noqo
dhegayste wanaagsan. Qofka dhegaystaha wanaagsan ahi had iyo jeer waa qof si
wanaagsan ugu hadla luuqadda. Maalinkasya dhegayso Ingiriiska, oo ugu yaraan
maalintii dhegayso 20 daqiiqo oo aroortii ah iyo 20 daqiiqo oo galabtii ah.
2- 2- Ku Hadalka
Luuqadda: Waa in aan maalinkasta Ingiriiska ku hadalnaa si aan u kobcinno
xirfadeenna ku hadalka luuqadda. Ku hadalka luuqadda maantaba bilow, oo berri
ha la sugin. Macno malaha in Garaamarkaagu saxyahay ama in uuna ahayn ba;
kaliya samayso saaxiib kugula hadla, oo inaad ku wada hadashaan bilow. Dad
badan waxa ay ka cabsadaan inay luuqadda ku hadlaan, waayo way xishoonayaan. Ha
ka xishoon ku hadalka luuqadda, haddii aanad si saxa ugu hadli karin luuqadda
xataa isku day inaad Ingiriis jajaban ku hadashid, oo adigu bilow uun inaad ku
hadashid. Qaladka la galaa waa mid caana, sidaas darteed waxba ha ka werwerin
qaladka aad luuqadda qaldaysid, kaliya isku day inaad soo bandhigtid adigu naf
ahaan.
3- 3- Akhriska: Akhrisku
sidoo kale waa xirfad. Akhristayaasha wanaagsani waa hoggaamiyayaal wanaagsan.
Waxyar akhri, se si taxaddir leh wax u akhri. Maalinkasta akhri 2 Bog, se ku
celceli marar badan. Akhrisku waa xirfad ku fiican inaad kobcisid
Garaamarkaaga, dhisma jumladaha, iyo erayada.
4- Qoraalka: Samayso
meel aad wax ku qoratid ( Note). Isku day in aad maalinkasta heshid shan illaa
toban jumladood, ka dibna meel ku qoro. Jumlahadahaas aad qoratay marar badan
akhri. Isku day inaad fahantid qaabdhismeedka jumladda. Marka aad fahantid
qaabdhismeedkii jumladda, waxa aad jumladdaas kaliya ka samayn kartaa jumlado
badan.
5- 5- Fekerka: Bilow in aad
Ingiriisi ku fekertid: mFekerku waa muhiim, waana qayb ka mid ah ku hadalka
Ingiriiska, waayo markasta oo aad fekertid, waad hadli karaa. Sidaas darteed
caado ka dhigo in aad luuqadda ingiriiska ku fekertid. Bilowga hore waxa laga
yaabaa inay kugu adkaato. Balse, ku celceli oo ku celceli suurtagal ayay
noqone.
Sided Ingiriiska ugu fekeri kartaa? Waxa aad maskaxdaada dib u
xasuusisaa dhamaan waxyaabihii ay soo qabatay, wixii ay hore u dhegaysatay,
wixii aad saaxiibbadaa kula hadashay, wixii aad akhriday, iyo dhammaan
waxyaabihii aad buugga xasuusahaaga ( Note kaaga) ku qoratay… Habkan waxa aad
ku samayn kartaa caado aad ku fekertid oo luuqadda Ingiriiska ah.
W/Q: Easy English 444
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
Julaay, 2022
Comments
Post a Comment