Faallaynta Buugyaraha ‘ Wehel Jaceyl”




Waxa dhawr maalmood Baraha Bulshada, gaar ahaanna Faysbuugga haystay buugyare la yidhaahdo ‘ Hadiyad Jaceyl.’ Dabeecadda bini’aadanka ayay noqotay in wixii ay dadku IN BADAN arkaan ay si Owtomaatik ah iskaga jeclaadaan. Anigu marka aan buug akhriyayo kuma xusho in buugga aad loo xayaysiiyo oo dad badan oo aan akhriyin aayar iska caashaqaan. Aslan ba buugga aan qofka ka dhegaysto haddii uu igula telinayo waa buugga uu qofkaasi akhriyay ee uuna arag uun. Marka qofku buugga akhriyo ayuu ku odhan karaa ‘ Buuggaasi waa mid wacane akh.’ Se qof aan akhrin oo isku sawiray inuu kugula taliyo maaha, sawirkuna kama tarjumayo in buuggaasi akhris mudanyahay. Buug qofkastaa wuu isku sawiri karaa, se qofkastaa ma akhriyi karo. Buugkasta oo dadku isku sawiraanna maaha inuu yahay buug muhiim ah, ama buug wax cirkasoodhac ahi ku qoranyahay.
Haddaba saaka ayuu buuggani madal aan joogay iigu yimid. Waqti baan u helay oo waan kala furay. Marka hore ayaan xantiisa hayay inuu caanbaxay yahay. Haddaba maxaan ku arkay? Marka aan akhriyo waxa aan xaq u leeyahay inaan sheego waxa ku qoran ee aan kala kulmay. Se haddii aanan akhrin ma soo hadalqaado, oo waanigii iska aamusnaa ee aan waxba ka odhanayn muddadii xayaysiisku meelkastaba noogu imanayay.

Akhriste, si kooban buuggu ma badan gebigiisuba waa 122 bog oo waraaqadda A5 ah. Waxa qoray Cabdisamad Sumcadda. Waxa intaas ku dhex qoranna waa 5 CINWAAN, Mahadnaqa, Hibada, iyo Tusmada. Bes waa intaas. 5taas Cinwaan ee buugga ku qorani waa Sheekooyin JACEYL oo aanu qoraagu kala caddayn ma mala’awaal baa? Mise waa dhab? Se sida ay u muuqdaan waa sheekooyin mala’aal ah oo qoraagu u fadhiistay, sidii isaga ula muuqatayna u qoray.
Shantaas mawduuc waxa ay cinwaannadoodu kala yihiin:
1- Lamafilaan
2- Burburka Jaceylka iyo Saamaynta Dabeecadda.
3- Geeddiga jacaylka iyo gedgeddoonka waayaha.
4- Yaa u kala warrama?
5- War la’aan indhoolka iyo walbahaarka.

Buugga gebigiisuba waa intaas. 5taas sheeko ee buugga gebigiisuba ka hadlayaa waa Wiil baa GABADH jeclaaday ama Gabadh baa WIIL jeclaaday; ka dibna way isla silceen, oo muddo ayay wada socdeen, ugu danbayna way isguursadeen ama way iswaayeen! Bes. Waa shan sheeko oo isku sargo’an; oo meel ka wada bilaabmaya, meelna ku wada dhammaanaya.

Marka buug sheeko jaceyla la qorayo marka sheeko laga sheekeeyo waxa xagga danbe laga raaciyaa waxa qofka akhristaha ahi ka korodhsan karo, illayn caqli maaha qofkani sheekadan jaceyl ha akhristo sidii jaraa’idka, ka dibna ha iska laabo isaga oo aan ogaan waxa ay noloshiisa ku biirin karto. Taasina qoraaga way seegtay oo sheekooyin qallalan oo aan Majlisyada ku hal’abuuri karno ayuu noo qoray, oo weliba buug nooga dhigay.

Wayddiinta iswayddiinta mudani waxa ay tahay waa maxay ujeeddada sheekooyinkan jaceyl? Ama guud ahaan ujeeddada buuggu? Waa mid aan qoraagu ka jawaabin, haddii aan ujeeddada buugga hordhaca hore lagu sheeginna wuu kala dhimanyahay.
Su’aasha aan iswayddiiyay waxa ay “ Waa maxay sababta uu qoraagu buugyaraha Wehel Jaceyl ugu bixiyay?” Marka buug loo magacbixinayo dhawr arrimood, waxa ugu muhiimsan waxa weeyaan in magaca buuggu xidhiidh toos ah la yeesho waxa gudaha buugga ku qoran.

Arrinta kale waxa ay tahay inuu buuggu bilaa hordhacyahay. Astaamaha buugta waxa ka mid ah hordhaca. Hordhacu waa ubucda waxsoosaarka qoran. Haddii se qoraagu ka tago hordhaca buuggu wuxuu noqonayaa mid bilaa lug ah, oo wax badan kala dhimanyihiin.

Arrinta kale ee aan iswayddiiyay waxa ay tahay ‘ Maxay tahay faa’idada uu buuggu ku soo kordhinayo isjecel ee akhriyaya?’ ama dhinac kale, “ Haddii aan buuggan saaxiibbadday/xaaskayga u iibiyo” maxay ka baran kartaa? Jawaabta buugga waan kan dhex arki waayay, qoraaguna kuma sheegin.

Comments

  1. Sheekh sandheere aniguba lacagtii aan ku iibsaday waan ka qoomamaynayaa , sheekooyinkaygii LADAN ee RIYO AAN RUMOOBIN , AAMUSNAANTA AYAA I DISHEY , RAJO , JACAYL IYO GARAB WAAYAY ,ayaa dhaama wallahi , si fiican ayaad u bayaamisay macno la,aanta buugaa ku dhex jirta qorraa

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?