Qisada Asma Bintu Abiibakar: Asxaabiyada Cajiiba
Asma oo markan ahayd duq gabawday oo xataa indhaha aan waxbadan ka arkin, hooyadii ayuu Cabdillaahi ku yidhi: “ Salaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabaraaku.” Hooyadii ayaa ugu jawaabtay “ Wa Calaykuma Salaam Cabdillaahiyoow. Saacaddan maxaa ku keenay ee ku wada, waayo hubkii iyo rasaastii uu Xajaaj soo tuurayay ee ciidankaaga ku tuurayay aya gilgilaysa guryaha Maka? Cabdillaahi baa hooyadii ku yidhi: “ Waxa aan kuugu imid si aan kuula tashado.” Markaasay tidhi: “ Maad ila tashanaysaa.. Oo maxaad igala tashan?’ Markaas ayuu yidhi: “ Dadku way I hoojiyeen, waxayna igu beereen cabsi aan ka cabsanayo Xajaaj. Xataa carruurtaydii iyo ehelkaygii way iga eryeen. Kaliyaatana waxa ay ii reebeen koox yar oo raggaygii ka mid ah; si kasta oo ay dulqaad badanyihiin una adkaystaan ma samri karaan wax ka badan saacad ama laba saacadood. Raggii reer Banii Umayana waxa ay igula gorgortamayaan inaan hubka dhigo oo taageero Cabdilmalik Ibnu Marwaan, iyaguna ay iigu baddelaan oo siiyaan hanti in alla ...