Posts

Showing posts from February 13, 2022

Dhakhtar Saykoolaji oo Gabadh Jingalay, Aqoontii uu muddada badan soo baranayay isyidhi ku dawee? Maxaa dhacay….?

Image
  Saaxiibkey Aqoonta Saykoolajiga ( Psychology)  ayuu aad ugu yaqaannaa. Dhawaanna Degreega labaad ayuu ka qaatay. Wuxuu aaminsanyahay in waxa Gabdhaha ka dhexhadlaa uuna Jin ahayn. Balse, dadkaas ay Diiqad nololeed iyo walbahaar adduun la soo darsay oo xaalad nafsiya ku jiraan. Dadkaas ay xanuunsanayaan oo Dhakhaatiir aqoonta Saykoolajiga soo baratay lala kaashado. Haddaba saaxiibkey, gabadh noocaasa oo xanuunsan ayaan ugu yeedhay. Qolkii ay ku jirtay ayuu galay, maadaama aanay soconkarayn. Anigu qol kale ayaan fadhiistay, waxa aan ka dhursugayaa sida Dhakhtarkaas aqoonta Saykoolajiga soo bartay gabadhaas aqoontiisa ugu samatabixiyo, waxa hayana uu ogaado. Markii koowaad, waaka gabadhii eegay ee ku yidhi ' Walaal, xaaladdaada ka warran, sided u xanuunssanaysaa?' Halkuu Jawaab ka sugayay waata intay sare ugu boodday candhuuf indhaha kaga tuftay ee xabbad feedh ahna ilkaha kaga dhufatay, ee waliba tidhi ‘ Aabbahaa iyo xaaladdaada bee naga tag...’ Weli wuu yaabbanyahay oo far