Dhakhtar Saykoolaji oo Gabadh Jingalay, Aqoontii uu muddada badan soo baranayay isyidhi ku dawee? Maxaa dhacay….?

 


Saaxiibkey Aqoonta Saykoolajiga ( Psychology) ayuu aad ugu yaqaannaa. Dhawaanna Degreega labaad ayuu ka qaatay. Wuxuu aaminsanyahay in waxa Gabdhaha ka dhexhadlaa uuna Jin ahayn. Balse, dadkaas ay Diiqad nololeed iyo walbahaar adduun la soo darsay oo xaalad nafsiya ku jiraan. Dadkaas ay xanuunsanayaan oo Dhakhaatiir aqoonta Saykoolajiga soo baratay lala kaashado.

Haddaba saaxiibkey, gabadh noocaasa oo xanuunsan ayaan ugu yeedhay. Qolkii ay ku jirtay ayuu galay, maadaama aanay soconkarayn. Anigu qol kale ayaan fadhiistay, waxa aan ka dhursugayaa sida Dhakhtarkaas aqoonta Saykoolajiga soo bartay gabadhaas aqoontiisa ugu samatabixiyo, waxa hayana uu ogaado. Markii koowaad, waaka gabadhii eegay ee ku yidhi ' Walaal, xaaladdaada ka warran, sided u xanuunssanaysaa?' Halkuu Jawaab ka sugayay waata intay sare ugu boodday candhuuf indhaha kaga tuftay ee xabbad feedh ahna ilkaha kaga dhufatay, ee waliba tidhi ‘ Aabbahaa iyo xaaladdaada bee naga tag...’ Weli wuu yaabbanyahay oo far ma dhaqaajin. Waata haddana dhirbaaxo indhaha kaga dhufatay. Hadda ayuu isyidhi iskadifaac. Iskaqabo markuu isyidhi ayay haddana uga hoosbaxday. Gacmaha iska qabo ayuu isyidhi, waata gebigiisiiba dallacday ee dhulka ka jartay, feedh iyo dhirbaaxana la dhacday. Dhakhtartii Xanuunnada Maskaxeed waaka qaylyay ee ‘ iga qabtaay ku waashay!’ Gabadha walaalkeed, abtigeed, iyo adeerkeed ayaa soo orday, way ka qabteen oo ka jiideen, anna waxoogaa ka dib ayaan soo galay qolkii Dhakhtarkii saaxiibkey ahaanna wuu wada bararsanyahay oo six un bay u dishay!

Dhakhtar, maxaa sidan kuu galay ayaan ku idhi? Gabadhaas oo xoog kale la socdo ayaa I dishay, oo waan iska qaban kari waayay, ayuu yidhi? ‘Dee haddii ay tahay gabadhii aad taqaannay oo xanaaqsan oo diiqad nololeed la soo wajahday, maxay kuula dagaashaay? Maxaadse iskaga qabanwayday adigaa ka xoggwayne?’ ayaan ku idhi.

Kuye “ Walaal, waxa ila dagaallamayay xoog gabdheed, wuu ka waynnaa, gabadhana waadigaa arkayoo xoog ay ani igu garaacdo malaha’ e waxbaa ku lammaanaa oo xooninayay, waxaasina waaka ani dhulka u dhigay, ee aniga oo feedhahaa leh I garaacay, aanan iska xejin kari waayay ee iska caabbin waayay.”

Hayee ‘ Waxan gabadha la socdaa waa maxay?’
Dhakhtarkii hadal wuxuu iigu soo koobay ‘ Waxani gabadhii ma ahaynne Jin galay buu ahaa.’

Dhakhtarkii ku takhasusay Culuunta Saykoolajiga, Farmasii ayaan geeyay, oo wixii nabura ee jinku gaadhsiiyay o oil ilko dhaqaaqay, iyo dhawr nabur ahaa yuu iska soo daweeyay. Wixii Tobannaanka sano lagu shubayay ee la lahaa ‘ Haddii aad aragto gabadh dhacday, diiqad nololeed iyo wax kale ayaa la soo darsay, xaalad nafsiya weeyi… Jin ma galo e yaan sida caammada lagu harawsan…. Waa xaalad nafsiya oo Dhakhtarrada culuunta Saykoolajiga soo baratay uun baa dawaysa.’ Hadda wuu ka tanaasulay, oo dhawrkaa daqiiqo ee Practical ka uu ku arkay ayaa qubay theory-gii dhawrka sano lagu dul akhriyay sidii caammada ee ‘ Waa in si Saykoolajikaal ah loola taacaalaa, lana idhan jin baa galay.’ Ugu danbaynna wuxuu igula kaftamay ‘ Intay lahaayeen waa xaalad nafsiya, waa kuwaa ilkihii naga guray.’

Dhakhtarkaasi waxbuu ishiisa ku arkay, oo waatii la odhan jiray ‘ Seeing is bleaving ~ Ishaa macallina.’ Hadda wuxuu qabaa in aqoontaasi markuu baranayay waxbadan oo xaqiiqo ah laga dulboodsiiyay, oo la harawsaday. Waxa dadka noocaasa ka dhex hadla ee xoogga intaas le’eg lehi inuujin yahay, sababta doontaaba ha keento e.

Miskiinkaas been bay ilkihii kaga gureen, oo wakaa immika taagan ‘ Waar Jin baa ilkihii iga ridaye, haddaan magtaydii doonana lahaay, yaan u doonan? Waa inaan kuwii I lahaa, waa xaald nafsiya u doontaa. Kkkk

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?