Posts

Showing posts from February 1, 2026

Noqo Qof Anshax leh

Image
   Anshaxu waa qayb wayn oo ka mid ah waxyaabaha qofku ku gaadhi karo guul waarta iyo nolol wanaagsan. Anshaxu wuxuu qofka ka dhigaa mid leh habdhaqan nololeed sida habdhaqan shaqo, habdhaqan cibaado iyo habdhaqanno kale oo wanaagsan. Haddii aad rabtid in aad noqotid qof anshax leh, raac taallaabooyinkan: 1-       Maalinna ha joojin shaqada iyo dadaalka:  Anshaxu maaha in aad hawlaha kuu yaal si wayn u qabatid marka aad doontid, balse waa in aad qabatid adiga oo ayna naftu doonayn. 2-     Fuli ama qabo waxa aad sheegtid in aad qabanaysid:  Ixtiraamka nafta waxa lagu helaa in aad qabatid waxa aad ballanqaadid, ha jabin xeerkan. 3-     Haddii aad subaxda si fiican u maamusho, maalinta oo dhan waad maamuli doontaa:  Sida aad maalinta u bilowdo ayaa go’aamisa sida aad u dhamayso.  Xakamee subaxyadaada  /  noqo mid si buuxda u maamula waqtiga subaxda . 4-     Ha u gorgortamin si tama...

10 Xeer ee ay tahay In ninkastaa la noolaado

Image
   1-       Had iyo jeer ilaali erayada afkaaga ka soo baxaya, gaadhna ka hay eraykasta oo kaa soo baxaya. 2-     Baro sidii aad naftaada u difaaci lahayd dhinac kasta. 3-     Waxa aad dhisataa ama yeelataa habfeker xoogan oo ka adag dhagaxaanta. 4-     Markasta runta sheeg xataa haddii ay kugu adagtahay. 5-      Iska ilaali muranka adiga oo u murmaya uun waa la murmaa ama doodaa uun. 6-     Dharkaagu markasta ha dhiibsanaadaan oo ha kaawidaysnaadaan. 7-      Waxa aad tidhaahdaa ‘ Maya’ waxyaabaha aanad rabin ama jeclayn. 8-     Had iyo jeer dhoollacaddayn kaga jawaab haddii lagu caayo. 9-     Waqti u samee waxyaabaha kuu muhiim ah. 10-                         Yeelo jidh dhisan oo muuqal ahaan xooggan.  

Inta aanad gaadhin 30 jir waa in aad ogaataa arrimahan:

Image
   1-       Ma jiro qof inta uu meesha aad joogtid kuugu yimaad ku badbaadinaya oo barwaaqo iyo raaxo ku gelinaya. 2-     Dhiirrigelintu waa dhalanteed, halka anshaxu ( Descpline) ku yahay xaqiiq:  Dhiirrigelinta waxa la arkaa marka noloshu fududdahaay, anshaxuna wuxuu soo muuqdaa oo la dareemaa marka aad daallantahay, marka aad shiidka tahay, marka aad werwersantahay iyo marka aad niyadjabsantahay. Qofka la qabsaday dhiirrigelintu waa qof bilaa joogtayna, halka qofka anshaxa lihi uu yahay qof aan la loodin karin oo cidna joojin karin. 3-     Caadooyinkaagu waa dhibaatooyinka dhab ahaan ku haysta : Waxa aad samaysaa ficillo isku midmida oo aad ka sugaysid natiijo, tusaale ahaan: habeenkii ayaad xilli danbe seexataa, cunto liidata ayaad cuntaa, wax qorshe ah ma lihid, wax keyd ah na ma lihid, wax layliya ma samaysid. Noloshu maaha kedis, waa natiijo ka dhalata waxyaabaha aad sida maalinlaha ah u samaysid. 4-  ...