Noqo Qof Anshax leh

  

Anshaxu waa qayb wayn oo ka mid ah waxyaabaha qofku ku gaadhi karo guul waarta iyo nolol wanaagsan. Anshaxu wuxuu qofka ka dhigaa mid leh habdhaqan nololeed sida habdhaqan shaqo, habdhaqan cibaado iyo habdhaqanno kale oo wanaagsan.

Haddii aad rabtid in aad noqotid qof anshax leh, raac taallaabooyinkan:

1-     Maalinna ha joojin shaqada iyo dadaalka: Anshaxu maaha in aad hawlaha kuu yaal si wayn u qabatid marka aad doontid, balse waa in aad qabatid adiga oo ayna naftu doonayn.

2-   Fuli ama qabo waxa aad sheegtid in aad qabanaysid: Ixtiraamka nafta waxa lagu helaa in aad qabatid waxa aad ballanqaadid, ha jabin xeerkan.

3-   Haddii aad subaxda si fiican u maamusho, maalinta oo dhan waad maamuli doontaa: Sida aad maalinta u bilowdo ayaa go’aamisa sida aad u dhamayso. Xakamee subaxyadaada / noqo mid si buuxda u maamula waqtiga subaxda.

4-   Ha u gorgortamin si tamardarro ah: Marka aad bilowdo marmarsiiyo, waad khasaartay durba (guuldarradu waxa ay ka bilaabantaa cudurdaarka). Ku adkayso qorshaha oo ha ka leexan qorshaha aad dejisay.

5-    Raaxo-la’aantu ha noqoto saaxiibkaaga cusub: Waxyaabaha aad ka cararaysid ama ka fogaanayso ayaa ah kuwa ku kobcinaya, raadi oo ku dhaqaaq oo si geesinimo leh u waajah.

6-   Jidhkaaga dhaqaaji maalin kasta (jimicsi samee, soco, dhaqdhaqaaq joogto ah): Maskaxda dhisani waxay u baahan tahay jidh adag. U tababbar jidhkaaga  sidii mustaqbalkaagu ku xidhanyahay oo kale—dabcanna runtii wuu ku xidhanyahay ba.

7-    Dib u dhig raaxada degdegga ah (ka tanaasul wax ku farxad gelinaya hadda si aad u gaadho wax ka weyn berrito): Kuwa guuldarreysta waxay daba ordaan raaxada ku meelgaadhka ah. Si xikmad leh u dooro.

8-   Naftaada ku hareeree dadka qiyamka sare leh: Meesha aad joogto waad ka muuqan ama waxa ku liqi oo ku shiiqin meesha aad la qabsatay ee ku nooshahay. Si deggan dadka u xulo.

9-   Baro oo la qabsado inaad kaligaa noqoto adigoon ka baqayn ama ka xumaan: Naftaada si buuxda u baro oo u xakamee marka aad kaligaa tahay, oo yayna xaalad, qof, ama duruufo ku maamulin.

10-                       Anshax iyo nidaam joogto ah ayaa ka xoog badan dhiirrigelin ku-meel-gaadh ah: Dhiirrigelintu way yaraataa ama way dhammaanaysaa waqti ka dib. Balse, anshaxu waa caadada hore kuu sii wadda marka dhiirrigelintu dhammaato.

11- Iska jar wax kasta oo ku mashquulinaya adigoon ka labalabeyn: Haddii shaygaasi aanu ku wanaajinayn, wuu ku sii tabardarraynayaa. Garo inaad tidhaahdo “maya.”

12-                       Xakamee dareennadaada: Ha u oggolaan in dareennadaadu go’aamiyaan ficilladaada. Balse, waa inay ficilladaada hoggaamiyaan macquulnimada (Logic) iyo anshaxu.

13-                       Samayso hannaan ama nidaam maalinle ah ood raacdid: Guushu kama dhalato wax iska yimaada oo kedis ah, Maalmahaaga u habee si nidaamsan, si anshaxu u noqdo wax fudud oo dabiici ah, ee uusan u baahnayn dadaal iyo dagaal maskaxeed mar kasta.

14-                       La dagaallam daciifnimadaadahana iska indhatirin: Waxa aad isku daydaa in aad daciifnimadaada (Weaknesses) si xaqiiqo ah u waajahdid, u abbaartid ka dibna tirtirtid. Horumarku wuxuu yimaadaa marka aad naftaada ka adkaato.

15-                        Hawlaha adag marka hore qabso,  dib ha u dhigin: Marka aad hawl culus dib u dhigtowaxay kugu noqotaa culays maskaxeed. Hadda qabo.

16-                       Hadalladaada u fiirso: Haddii aanad adigu is aaminin yaa kale eek u aaminaya? Daacadnimo iyo anshax sare waa waxa ugu muhiimsan nolosha.

17-                        Ka xakamee daciifnimadaada iyo caadooyinka xunxun: Waxyaabaha sida balwadda, caadooyinka xun, iyo mashquulka aan faa’iidada lahayn waxay burburin karaan noloshaada haddii aad u oggolaato. Naftaada xakamee.

18-                       Iska dhig sidii mashiin oo shaqada sameeya xitaa marka aadan dareemayn rabitaan ama dhiirrigelin: Qofka anshax lihi kuma tiirsana shucuurtiisa; balse wuxuu shaqeeyaa xitaa isagoo  daalan, xanaaqsan, ama niyad jabsan. Wuxuu ku shaqeeyaa mabda’ iyo nidaam, mar walba iyo xaalad kasta oo uu ku suganyahay.


W/Q: Page ka Mastering manhood (https://www.facebook.com/photo?fbid=122229765950269424&set=a.122101728182269424 )

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

5 Febr. 2025

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Muhiimadda Shaqada