Maalin Taariikhiya 26 Dec. 2025: Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland
Hordhac Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26ka bisha Diisambar, sannadka 2025 waxa ay bulshada Somaliland u ahayd maalin wayn oo taariikhiya. Waxa Somaliland u rumawday riyo ay lahaayeen 34 sano, oo ay maalin uun sugayeen in ay helaan madaxbannaani iyo aqoonsi dhaba. 34 sano waxa ay Somaliland gaadhay horumar wayn, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar baaxad leh. Waxa keliya ka dhinnaa wuxuu ahaa in la qiro horumarka ay gaadheen iyo awooddooda dawladnimo. Sannadkii 1991kii bishii May 18-kii ayay Somaliland ka go’day dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaliya oo ahaa Soomaaliya iyo Somaliland oo midoobay 1960kii- ka dib markii Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga, halka Somaliland na ay ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska. Aqoonsiga Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland oo jirta 34 sano ka dib markii ay xorriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya. Intaa ay Somaliland jirtay waxa ay gaadhay horumar baaxad leh. Waxa ay dhisatay nidaam dawladeed oo dhis...