Posts

Showing posts from February 10, 2019

Waayaheennna Ila Eeg..

Image
Saaxiib Saddiiqoow , ogaalku waa hooyada iska dhicinta, iyo iska tuuridda heeryada gumeystaha. Ogaanshuhu waa waxyaabaha lagala dagaallamo ummadkasta oo la rabo in la addoonsado, ama lagu danaystaba. Qofku ama Ummaddu haddii ay ogaal leedahay (si kale aan u dhigo) aqoon leedahay lama addoonsado ama la gumeysto. ‘Aqoon’ markaan leeyahay uma jeedo in Jaamacado ama xarumo waaweyn laga soo baxay e waxa aan u jeedaa ogaanshaha, la socoshada, iyo fahansanaanta kolba wadciga taagan, iyo saamayntiisa. Kaliya waxa la fahmay oo dad badan isla waafaqsanyihiin in haddii la rabo in Ummadd la addoonsado ama la gumeysto waa in kaliya laga ilaaliyo ‘ ogaanshaha.’ Waayo, haddii ay ogaadaan cidna ka yeeli maayaan in ay wax u yeedhiyaan, ama waxooga ay ka qaataan. Innaga ogaanshiyaha ayaa la innaga xayiray qayb ka mid ah, oo weli waa sababta kolba la innoo dhacayo. Dib u xasuuso gurigii Carabtu siduu ku bilaabmay.