Waayaheennna Ila Eeg..


Saaxiib Saddiiqoow, ogaalku waa hooyada iska dhicinta, iyo iska tuuridda heeryada gumeystaha. Ogaanshuhu waa waxyaabaha lagala dagaallamo ummadkasta oo la rabo in la addoonsado, ama lagu danaystaba. Qofku ama Ummaddu haddii ay ogaal leedahay (si kale aan u dhigo) aqoon leedahay lama addoonsado ama la gumeysto. ‘Aqoon’ markaan leeyahay uma jeedo in Jaamacado ama xarumo waaweyn laga soo baxay e waxa aan u jeedaa ogaanshaha, la socoshada, iyo fahansanaanta kolba wadciga taagan, iyo saamayntiisa. Kaliya waxa la fahmay oo dad badan isla waafaqsanyihiin in haddii la rabo in Ummadd la addoonsado ama la gumeysto waa in kaliya laga ilaaliyo ‘ ogaanshaha.’ Waayo, haddii ay ogaadaan cidna ka yeeli maayaan in ay wax u yeedhiyaan, ama waxooga ay ka qaataan. Innaga ogaanshiyaha ayaa la innaga xayiray qayb ka mid ah, oo weli waa sababta kolba la innoo dhacayo. Dib u xasuuso gurigii Carabtu siduu ku bilaabmay. Bulshada ayaa baraarugtay, dabadeed niman 30 sano, 20 sano, dhawr iyo toban sano dhiiggooda jaqayay ayay xaaladdooda iyo saamayntooda ogaadeen. Markay OGAADEEN ayay heeryadii iska tureen. Sidoo kale xasuuso goormay Afrika Gumeystaha iska bixisay. Markay OGAADEEN in waxoogii iyom kheyraadkoogii guranayo…. Wad uun. Ogaanshuhu waa hooyada horumarka iyo ilbaxnimada. Halkaa mid dheh.
***
Saaxiib, waxa aad ogsoontahay in maalin dhawayd Hargeysa dadka masaakiinta ah ee wax ku iibiya waddooyinkeeda lagu cawaandadooday oo loo xoogsheegtay. Waliba cawaanadadda iyo daandaansigu kala roone, kani wuxuu ahaa kii ugu darnaa: awoodsheegasho. nin xil haya ayaa masaakiin qarracanka iyo niyadjabku hayo u awoodsheegtay. Maalin aan sii dheerayn aniga oo xilli Barqo ah Suuqa waraaqo aan berri Imtixaan ku galayay u doontay, ayaan arkay suuqii oo aad mooddo in Ciiddan hubasani ku soo kallahay oo qaniimo badan inta la helay la bililiqaystay! Waxa waddada loox daadsan, waxa alaab la jajabiyay meesha tuban, waxa meesha dhar lagu daadiyay, waxa meesha dhis la dumiyay, waxa meesha miskiin Kaaryoone (Gaadhigacan) wax ku riixayay laga daadiyay, waxa meesha alaab lagu rogay….. wad uun. Intaa markaan arkay, ayaan dhawr qof waraystay. Waxa la ii sheegay in “Waddoballaadhin la rabo oo dadkan meesha ka qaxa la yidhi, meel kale oo ay wax ku iibiyaan markii ay waayeen ay iska sii joogeen, dabadeed dawladdii Hoose timid oo waxa aad arkayso ku samaysay.” Aad baan uga murugooday, ka xumaanshiyo aan la qiyaasi karin ayaan qaaday. Horta ma xuma in waddada la ballaadhiyo e waaba arrin fiicane, se goorma? Markii dadkan meel ay ku ganacsadaan ama ku iibiyaan loo diyaariyo, ayay sax noqonaysaa in waddo ballaadhin laga hadlo. Balse, in masaakiinkii cashuurta laga qaadayay uuna haysan meel uu Kaaryoone la istaago, ma mudna in wadda la ballaadhinayaa lala soo istaago. Waa dadnimol’aan. Saaxiib, bal sawiro, adiga oo AFAR carruur ah, xaaskii, Hooyadaa, iyo Aabbahaa oo duq ah, xaafadda kuu fadhiyaan. Carruurtu cunno iyo waxbarashaba kaa doonayaan. Waalidkiinna aad kolba xanuunkiisa la tacaalayso. Oo aad Kaaryoone ama Miis meel aad dhigatay aad waydday, ugu danbayn Waddada agteeda aad la joogsatay inta laguu yimid lagu yidhi ka guur, markii aad tidhi ‘ Halkeen u guuraana,’ inta Miiskaagii dhawrka qof ildhaqaale u ahaa lagaa burburiyay? Maxaad dareemi lahayd. Anigu ma qiyaasi karo, aniga oo aynna igu dhicin ayaan ilmaynayaaye, haddii ay igu dhici lahayd ma qiyaasi karo saamaynta nafsadeed, dhaqaaleed, iyo dareeneed ee ay igu yeelato. Hargeysa, iyo Boorama oo aan ogahayba taasaa ka dhacday.
***
Saaxiib, hadda casri waxaynnu maraynaa dawladnimadii cid dheef u noqotay cidna dhib ku noqotay. Innaga oo joogan ayaa bahasha been ah la innagu dulmetelayaa. Berigii hore waa laga xishoon jiray, xataa haddii dadka laga xishoon waayo Allihii ku abuuray ayaa laga xishoon jiray. Hadda se maya. Ina Buubaa wuxuu saxaafadda ka sheegay in $80 oo dayn ah dawladda lagu leeyahay. Waxaa barbarkiisa taagnaa Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire juuq kama odhan waxaa Ina Buubaa shubayay. Sida qof kasta oo caqlilihi garankaro in haddii in Buubaa beensheegayo inuu waakii makaroonka qaatee hortiisa ka yidhaabay ahayd ‘ Ina Buubaa waa beenaalee wax dayn ah naluma laha, labadii wasiirna wax dayn ah iskumay wareejin.’ Ninkii nintaasiba u furnaayeen, wuxuu maalintii labaad innala horyimid ‘ Wax dayni ma jirto.’ Xishoodla’aan halkii u danbaysay weeyi. Laba hadal oo aan isqabanna labo cisho ayuu saxaafadda ka horsheegay. Ta kale isaga iyo MD Biixi, hadalladoodu waa isku mid, Biixi wuxuu sheegay in aan Kiro la bixin, Sacad na in Kiradii la sii qaddimay. Waa ayaandarrada dhacaysa markasta.
***
Saaxiib, musuqmaasuqa dalka ka jiraa maaha mid la yaraysan karo. Saw ma ogid in sannadkasta dawladda Kumannaan Deeqo waxbarasho ah la siiyo, oo muwaadiniinta in si xora loogu qaybiyo loogu talogalay? Haa. Halkay martaa markaa deeqdaasi. Dalka waynnu joognaa weli maynaan arag waxaa la rabaa intaasoo ardey oo dalalka noocaas ah wax ka soo barata. Kaliya marka laga reebo tii Itoobbiya ee dhawaan oo iyaduna dhinac ka rarnayd. Kumannaan deeqo cidda ku macaashtay ee qaadataa waa inta dawladda ku jirta iyo mudanayaasha Baarlamaanka. Sidoo kale, way iibiyaan oo kumanaan Dollar ayaa laga siiyaa dad shicinb ah oo hantiilayaal ah. Sida aynnu ogsoonnahay, Wasiirkasta oo dalka waxka badan 1 Sano xilka hayaa, carruurtiiisa dalka debaddiisa ayuu waxbarasho ugu diraa. Waa markaan idhaahdo ‘ Dawladdu dad gaaray u adeegtaa.’ Dadka qaarkood waa halka ay cuqdadda ka qaadaan ee ay ku fekeraan haddii markii lagu maamulayay lagu dhacay adna markaad maamul noqoto waxdhac. Xakame malaha markaa.
***
Saaxiib, maalin dhawayd Darbijiif baa Hargeysa lagu xidhay. Dabadeed Maxkamadda ayaa la soo taagay, waxaa lagu eedeeyay Wasaaradda Shaqogelinta ayay ku buuqeen oo ka shaqayn kari wayday. Nin aqal wayn gala Buste dhaxanta ka huwada, oo cunto macaan u cuna ayaa xukumay! Halkii ay ka ahayd in xaqooga la siiyo oo wasaaraddani iyaga ayayba u shaqayasaaye ay xaqooga siiso. Waliba kaagadaranta lix bilood ayuu ku xukumay. Waa arrin laga xumaado, haddii aan xataa waxba loo qabanayn in Jeelka laga daayo ayay mudnaayeen. Wiil darbijiifa ayaa hadlayay oo wuxuu yidhi; ‘ Haddii hoy nala siin lahaa, waxbaan baran lahayn oo Ummaddaan wax u qabanlahaa. Daroogada uun baa na dilaysee…” Murugo. Xabagtaa ay dhuuqayaan werwerka iyo walbahaarka nololeed ayay isku dhaafiyaan oo kumannaanka shay ayay ku illaawaan. Bal waxa aad sawirataa, adiga oo Hooyadaa,iyo Aabbahaaba dhinteen, qaraabo kuu dhaw oo wax kuu qabatana haysan, ama garayanba, guri aan lahayn, meel aad cunto ku ogtahay aynna jirin, kolba gidaar seexda. Dalka Dawladi ka jirto, oo tobannaan wasaaradoo, iyo hay’adood oo adiga dartaa loo sameeyay ay jiraan. Waxba kuu qabannayn. Kumannaanka Doollar ee Shidaalkooga iyo Shaahooga ku baxa haddii ay wax saguaro biiqasato kaa siin lahaayeen aad nolol fiican ku noolaanaysid. Dabadeed intaa ay Shaaha ku cabbaan kuu quudhiwaayay! Markii aad wax u doonatana lagu leeyahay ‘ Xidha, oo xukuma.’ Waa marka dadka qaarkood ku hammiyi karaan inuu Ilaahay geeri degdeg ah oo addoonsigan adduunyo dhaanta u keena. Xaaladda Darbijiifku xukun uma baahnee, xal lagu baxnaaniyo oo wax lagaga qabto ayay u baahantahay.[…………..]
***
Weli waxba kama dhawe intaa ha innoogu joogto.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Febraayo 1, 2019



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?