Posts

Showing posts from September 14, 2025

Asxabigii la La jarjaray/Googooyay!

Image
  Kumannaan dad ah ayaa meel barxad ah iskugu soo baxay oo soo dareeray. Goobtu waa meesha la yidhaahdo Tanciim oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay. Sababta la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Binu Caddi oo ka mid ahaa Asxaabtii Nebi Muxammad. Kumannaanka qof ee goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaan la toogan ka hor. Hadalkiisii degganaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaas uu tukanayay waxa eegayay Saciid Binu Caamir, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.” Khubayb wuxuu fiiriyay madaxdii qoomka oo isaga soo eegaya oo indhahoodii ku soo maqanyahay, markaasuu yidhi: “ Wallaahi haddii aydaan u malaynayn in aan Salaadda u dheeraynayo cabsi aan geerida ka cabsa...