Posts

Showing posts from January 26, 2025

Dheelmintii Nebiga SCW

Image
Taariikhyahannadu waxa ay iswayddiiyaan waqtigii ay dhacday dheelmintii Nebigu SCW.  Waxa ay isku waafaqsanyihiin inay dhacday Hijradii Nebiga SCW ka hor. Balse, waxa ay isku khilaafeen sannadkii ay dhacday dheelmintu sannadka uu ahaa. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen wuxu dhacay 16 bilood ka hor hijradii Nebiga SCW, halka culimada qaarkood kale ay yidhaahdeen waxa ay ahayd hijrada ka hor sannad badhkeed; culimada qaarkood intaa wax u dhawa yay yidhaahdeen. Intaas ka dib waxa ay ku kala duwanaadeen bisha ay dhacday dheelmintu. Culimada qaarkood waxa ay ku adkaysteen inay dheelmintu dhacday bisha Rabiicu Saanii, Bishan waxa xoojiyay Imaamu Nawawi.  Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen dheelmintu waxa ay ahayd bisha Dulqacda. Culimada qaar ka mid ahina waxa ay yidhaahdeen waxa ay ahayd bisha Ramadaan. Sidoo kale, Culimada qaar baa tidhi bisha Rejab ayay ahayd. Gorfaynta arrimahan laga sameeyay way badanyihiin, mas’alooyin badan baa laga yidhi. Aqwaashan waxa aan ka dhadhan...