Dheelmintii Nebiga SCW

Taariikhyahannadu waxa ay iswayddiiyaan waqtigii ay dhacday dheelmintii Nebigu SCW.  Waxa ay isku waafaqsanyihiin inay dhacday Hijradii Nebiga SCW ka hor. Balse, waxa ay isku khilaafeen sannadkii ay dhacday dheelmintu sannadka uu ahaa. Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen wuxu dhacay 16 bilood ka hor hijradii Nebiga SCW, halka culimada qaarkood kale ay yidhaahdeen waxa ay ahayd hijrada ka hor sannad badhkeed; culimada qaarkood intaa wax u dhawa yay yidhaahdeen. Intaas ka dib waxa ay ku kala duwanaadeen bisha ay dhacday dheelmintu. Culimada qaarkood waxa ay ku adkaysteen inay dheelmintu dhacday bisha Rabiicu Saanii, Bishan waxa xoojiyay Imaamu Nawawi.


 Culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen dheelmintu waxa ay ahayd bisha Dulqacda. Culimada qaar ka mid ahina waxa ay yidhaahdeen waxa ay ahayd bisha Ramadaan. Sidoo kale, Culimada qaar baa tidhi bisha Rejab ayay ahayd. Gorfaynta arrimahan laga sameeyay way badanyihiin, mas’alooyin badan baa laga yidhi. Aqwaashan waxa aan ka dhadhansan karnaa in Salafka agtooda ayna bisha iyo maalintu muhiim ka ahayn, balse arrinta muhiimka ahi ay tahay dhacdada. Cayimidda waqtiga ay dhacday dhacdadu iskumay waafaqin culimadu, balse iskuma diiddana goobta ay ka dhacday dheelmintu. Arrintu waxa ay ka bilaabantay Masjidka sharfan ee Masjidu  Al Xaraam, waxayna ku dhammaada Masjidka Al Aqsaa ee ku yaalla Qudus.


Su’aasha iswayddiinta mudan waxa ay tahay: Dheelmintu ma waxa ay ka bilaabantay gurigiisa? Mise waxa ay ka bilaabantay guriga Ummu Haani? Mise waxa uu ka bilaabmay Masjidka Al Xaraam? Saddex qawl oo kala duwan ayaa laga yidhi. Balse, waxa dhaba inuu ka bilaabmay Masjidka Xaramka, Maka na dhammaanteed xurmo ayay leedahay. Culimadu intooda badan waxa ay isku raaceen inuu ka bilaabmo masjidka Xaramka, halka gurigiisa iyo Guriga Ummu Haanina uu ku danbeeyay oo ka dib markii uu Xaramka ka soo bilaabay ku xigsiiyay. Taariikhyahannadu  waxa ay isku waafaqsanyihiin in dheelmintu dhacday ka dib dhimashadii Nebiga Adeerkii Abu Daalib, Abu Daalib oo Nebiga u ahaa garab wayn oo difaaca. Sidoo kale, waqtigaas waxa iyadna geeriyooday Nebiga Xaaskiisii Sayidatu Khadiija Bintu Khuwaylid. Abu Daalib Nebiga garab wayn ayuu uga ahaa Fidinta dacwadda dhinaca debadda, halka Khadiijana garab wayn uga ahayd dhinaca gudaha. Waqtigaas ay geeriyoodeen wuxuu ahaa markii Nebigu SCW ka soo laabtay safar halis badnaa oo uu ku tagay Daa’if, halkaas oo uu dadkii Madiina ku noolaa kala soo kulmay dhibaato wayn. Wuxuuna Maka ku soo laabtay isaga oo niyadjabsan.


Ujeeddadii Dheelminta


Suuradda Al Israa Alle waxa uu kaga warramay ujeeddadii iyo hadafkii dheelminta, Alle wuxuu yidhi “ Waxa aannu u dheelminnay si aannu u tusno Aayadahayaga…” May ahayn safar xog raadin ah kaliya, ama safar dalxiis. Balse, wuxuu ahaa safar gaar ah oo loogu talagalay qof gaar ah oo tagaya meel gaar ah. Qofkaasi oo ka tegaya meel gaar ah, una sii jeeda oo ku socda meel gaar ah. Qofkaasi oo gaadiid gaar ah raacaya. Safarkaasi intii uu dhulka marayay waxa Nebigu raacay gaadiid cajiiba oo la yidhaahdo ‘ Buraaqa’ oo ah afarlugood leh waxoogaa ka yar Faraska, kana wayn Baqasha. Waxa ay lugaheeda dhigaysay halka araggeedu qabto/ku dhaco. Safarkan Nebigu SCW wuxuu soo arkay Nebiyadii, isaga ayaana hoggaaminayay oo Salaad buu tujiyay oo Imaam buu u noqday. Safarkaa samada waxa Nebiga la socday oo ku wehelinayay Jibriil SCW, ujeeddada dheelmintuna waxa ay ahayd in Nebigu soo arko ama ogaado ballaadhnida kawnka, iyo inuu soo ogaado waxa Alle dunida ku dul abuuray ( kuwo muuqda iyo kuwo qarsoon ba), si uu u rumeeyo hadalkii Alle ee ahaa ‘ لقد رأى من آيات ربه الكبرى ) .’


Ujeeddada ah ‘ Si aan u soo tusno aayadahayaga’ waa ujeeddada ugu horraysa, uguna muhiimsan. Balse, muxuu safarku u ahaa mid ka bilaabma masjidka Xaramka, kuna dhammaaday Masjidka Barakaysan ee Al Aqsaa? Muxuu Nebigu SCW Maka intuu ka bilaabo Samada uun aayar u tagi waayay? Waxa jirta ujeeddo siyaasiya oo wayn, taasi oo ah xidhiidhka wayn ee ka dhexeeyay labada masjid ee Xaramka iyo Al Aqsaa. Meesha laga tagayaa waa hal meel uun. Sidaas darteed buu Cumar Al Faaruuq gacanta ugu dhigay furayaashii Qudus. Kelidii uun ma ahayn. Sidaas darteed cidna uma habboona inay ka gaabiyaan xaqa Masjid Al Aqsaa. Se qofka ka gaabiyaa, kuma sugan dariiqadii Nebiga SCW diin ahaan iyo ilbaxnimo ahaan ba. Ummaduna kamay tanaasulin xaqii taariikheed ee ay ku lahayd masjidkan, balse way diideen inay qabsadaan Yuhuuddu masjidan Sharfan ee Al Qudus, mana aha inay daciifnimo ama sababo kale oo liita uga tanaasulaan xaqiisa. Macquulna maaha in loo oggolaado Yuhuddu inay qabsato masjidkan. Waa masjidkii saddexaad ee ummaddan, qofka xaqiisa ka gaabiyaana shaki la’aan wuxuu ka gaabiyay xaqii Masjidkan xurmaysan, sidaas darteed bay culimadu tawjiih cajiiba u saaraan Aayadahan ‘ ( سبحان الذى أسرى بعبده ليلا من المسجد الحرام إلى المسجد الأقصى.’ Waxa ay culimadu yidhaahdeen Aayaddan waxa si cad loogu sheegay Masjidka Al Xaramka iyo Masjidka Al Aqsaa.


Cashirro aynu ka baran karno


Waxa jira cashirro badan oo muhiim u ah dhammaan ummadda heerarkeeda kala duwan, gaar ahaan marka ummaddu ku nooshahay lababoglayn sida ay waaqican tahay oo kale, waxaana ummadda agyaalla waxa ugu wanaagsan oo ah Siiradii Nebiga SCW. Cashirradan ayaan ka baran karnaa:

-          Faa’idada ay leedahay xaaska wanaagsan: Waa muhiim xaaska wanaagsan, waxa aan aragnay in Nebiga SCW Khadiija garabkiisa ahayd waqtigii uu dacwadda waday ee dagaalku ku socday. Dad hortii ayay rumaysay Khadiiji Nebiga SCW. Khadiiji xoolaheedii ayay Nebiga SCW siisay markii ay dadku u diideen, waxayna la garab istaagtay xoolaheedii, caqligeedii iyo nafteedii ba.

-          Waa lagama maarnaan in Dacwaddu hesho rag ilaaliya: Waa muhiim inay rag heshaa, xataa ragaasi yna ahaanin ba Muuminiin, Abuu Daalib Diinta iyo Nebigaba wuu difaaci jiray isaga oo aan rumaysan. Cashir muhiima ayaa ugu sugan dadka Ducaadda ah ee Diinta faafiya, waana in bulshada la geliyo fekrad ah inay dacwadda ilaaliyaan.

-          In la hindiso fekrad shaqaynaysa oo ku salaysan mashruuca faafinta Diinta oo wadata qorshaheedii iyo asluubteedii: Nebigu SCW wuxuu sameeyay inuu ballaadhiyo qaabkii loo faafinayay dacwadda, wuxuuna qorsheeyay qorshe ku saabsan sidii uu Diinta ugu faafin lahaa meelaha Maka ka baxsan. Qaar badan oo asxaabtiisa ka mid ah wuxuu u diray dhulka Xabashida, si ay dacwadda ugu faafiyaa, si la mid ah sida uu isaguba Daa’if u tagay ee Diinta u faafinayay.

-          In la dhiiso jiil Muslimiina oo rukun adag u ah Dacwadda: Dacwadi ma jirto rag la’aan, ragna ma jirayaan tarbiyad la’aan, tarbiyad la’aanna ma jirayso manhaj la’aan, Manhajkuna waa Kitaabka, Murabbigii koowaadna waa Rasuulka SCW, jiilkii koowaadna tiir wayn ayay u ahaayeen Dacwaddii Nebi Muxammad SCW.

-          Dacwaddii Nebi Muxammed SCW kaliya may ahayn Dacwad ruuxi ah, sidii ay ahayd Dacwaddii Nebi Ciise, balse waa dacwad shaamil oo waxkasta kulmisay oo hadafkeedu yahay dhisidda ummadda. Dawladdu waxa ay ka shaqaysaa dhismaha ummadda. Dr. Axmed Riisuuni wuxuu yidhi: “ Dhismaha dawladdu waa waajib, balse ma aha wajibka koowaad, balse waa waajib laga horreeyo oo kuwa kale ku xidhan…’ Balse Dr. Al Marsuuqi wuxuu ku adkaystay in dhismaha dawladdu kelideed waajib tahay, ummadduna ayna macno lahayn dawlad la’aan.’ Marka aynu fiirinno Aayadaha waxa aynu ogaanaynaa in hadalka uu yidhi Marsuuqi uu u dhawyahay ruuxda nusuusta.

-          Alle tabaaraka watacallaa wuxuu la jiraa muuminiinta, oo noloshooda wuu garabjoogaa: Alle weligii kama tagin ama naxariistiisu kamay madhnaan muuminiinta, balse wuu imtixaanayaa oo jarribayaa. Imtixaanku waxa uu noqonaysaa mid wayn, balse cidhibta danbe iyo guusha waxa leh dadka Alle ka cabsada. Waana Sunno ka mid ah Sunnaha nolosha sida uu Alle sheegay ‘… Ha murugoon Alle ayaa innala jira…’


Dacwaddu si ay u guulaysato waxa ay u baahantahay Samir uu dariiqa dacwadda ku maro. Dariiqan Dacwadda Alle lagu gudbinayaa maaha mid ay ubaxyo yaallaan, balse waa mid qodxo leh oo qodxo yaallaan. Ma jiro qof dariiqaa dacwadda wadi kara marka laga yimaaddo cid Alle ku xidhan, Kuna dayanaya Rasuulka SCW, Manhajna ku xidhan, akhlaaq ahaanna dhisan oo akhlaaqdiisu hufantahay.

Rasuulku SCW ma joojin dacwaddiisii, sidoo kale maalinna ma joojinin qaabkii uu dacwadda u waday, tarbiyadii iyo halgankii uu ku jiray. Wuxuu diiday in Dacwadda wax lala simo, wuxuuna yidhi: ‘ Wallaahi haddii ay cadceedda gacantayda midig saaraan, gacantayda bixidna dayaxa saaraan arrintan ( dacwaddan) aan wado kama tagayo illaa Allle daahiriyo ama aan dhimanayo). Qofka guulaystay waa ka aan joojinnin dacwadda xaaladkasta iyo si kasta. Nebiguna halkan ayuu addoonnimada Rabbi ku caddeeyay, waana Addoon Alle markasta.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir ( Af Carabi)

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere ( Af Soomaali).

27 Rejab 1446.

Jeenawari 27, 2027

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”