Posts

Showing posts from June 5, 2022

Ardaygu Marka uu Jaamacadda Dhiganayo Maxaa la gudboon?

Image
  Hordhac   Waqtiga waxbarashada heer Jaamacadeed la dhiganayo waa muhiim in qofku waxyaabo badan ku baraarugsanaado. Waxba waxbay ka muhiimsanyihiin qofku marka uu ardayga yahay waxa ku waajib ah inuu ogaado waxa uu xaq u leeyahay, waxa isaga xaq loogu leeyahay, waxa laga rabo, iyo guud ahaan inta uu ardayga yahay waxyaabaha u muhiimka ah. Qoraalkan kooban waxa aynu kaga warrami doonnaa waxyaabaha ardaygu u baahanyahay inta uu waxbarashada ku jiro, gaar ahaanna waxbarashada heer jaamacadeed. Ardayga Heer Jaamacadeed maxaa laga rabaa?   Ardayga Jaamacad ku jira waxa aan qiyaasayaa inuu waxbadan ogyahay marka hore. Kulliyadda iyo qaybta uu dhigtana waa mid uu inta badan isagu doortay, walow ay marar badan dhacdo in qofka lagu qasbo kulliyad ama qayb aanu isagu niyad ahaan jeclayn. Haddaba ardeyga waxa la gudboon waxyaabahan: 1-      Inuu xaqa uu goobta waxbarashada ku leeyahay garto Marka argaygu waxbaranayo waxa waajib ah inuu garanayo xaqa uu ku leeyahay goobta uu wa