Ardaygu Marka uu Jaamacadda Dhiganayo Maxaa la gudboon?

 



Hordhac

 

Waqtiga waxbarashada heer Jaamacadeed la dhiganayo waa muhiim in qofku waxyaabo badan ku baraarugsanaado. Waxba waxbay ka muhiimsanyihiin qofku marka uu ardayga yahay waxa ku waajib ah inuu ogaado waxa uu xaq u leeyahay, waxa isaga xaq loogu leeyahay, waxa laga rabo, iyo guud ahaan inta uu ardayga yahay waxyaabaha u muhiimka ah.

Qoraalkan kooban waxa aynu kaga warrami doonnaa waxyaabaha ardaygu u baahanyahay inta uu waxbarashada ku jiro, gaar ahaanna waxbarashada heer jaamacadeed.

Ardayga Heer Jaamacadeed maxaa laga rabaa?

 

Ardayga Jaamacad ku jira waxa aan qiyaasayaa inuu waxbadan ogyahay marka hore. Kulliyadda iyo qaybta uu dhigtana waa mid uu inta badan isagu doortay, walow ay marar badan dhacdo in qofka lagu qasbo kulliyad ama qayb aanu isagu niyad ahaan jeclayn. Haddaba ardeyga waxa la gudboon waxyaabahan:

1-     Inuu xaqa uu goobta waxbarashada ku leeyahay garto

Marka argaygu waxbaranayo waxa waajib ah inuu garanayo xaqa uu ku leeyahay goobta uu wax ka baranayo haddii ay tahay dugsi, Kooleej iyo haddii ay tahay goob kalaba. Waayo, haddii ardaygu garan waayo xaqa uu isagu leeyahay waxba ma baranayo. Xaqa ugu wayn ee ardaygu goobta waxbarasho ku leeyahay waa inuu helo waxbarasho tayo leh, tilmaamayaal aqoon wanaagsan leh, goob ku habboon waxbarasho, waqti ku filan, iyo ixtiraam u qalma. Haddii uu intaas mid ka mid ah waayo ardaygu waxa wanaagsan inuu raadsado meel uu intaas ba ka wada helo. Waqtiga uu qofku heer jaamacadeed yahay waa waajib inuu waxyaabahaas ku baraarugsanaadaa.

2-    In Ardaygu isku dayo inuu fahmo  waxa Jaamacadda gudaheeda ka jira

Marka aad jaamacadda bilowdid isku day inaad fahantid waxa jaamacadda ka dhex jira. Waayo, waxa aad ku jirtaa marxalad nololeed oo adag, haddii aanad fahmin waxa ka jirana waad anbanaysaa, ama waa lagaa dheeraynayaa.

3-    Inuu ardaygu dadaalo

Marka ardaygu waxbarasho Jaamacadeed ku jiro waxa waajib aan laga baryayn loogu leeyahay inuu dadaalo. In waxa uu baranayo dadaal iyo waqti geliyo. Haddii uu dadaali waayo waxba caadi uma baranayo, tacabkii iyo waqtigii la gelinayayna waxa ay noqonayaan tacabkhasaar, iyo biyo col dhaanshay.

4-    In Ardaygu Waxbarashada Daacad ka ahaado

Waqtiga ardaygu waxbarashada heerka jaamacadeed ku jiro waxa muhiim ah inuu daacad ka yahay waxa uu baranayo. Waxyaabaha qofku wax ku baran karo waxa ka mid ah in asalkaba qofku waxan uu baranayo daacad iyo ka go’aan ka tahay. Balse, haddii ayna qofka niyaddiisa ka soo gu’in waxba ma baran karo. Ardayda jaamacadaha ku jirta waxa laga rabaa daacadnimo.

5-    In ardaygu cashirrada akhriyo

Marka qofku waxbaranayo waa muhiim in uu akhriyo waxyaabaha uu baranayo. Akhrinta cashirrada waxa aynu ka wadnaa in qofku tacabgeliyo akhrinta cashirrada uu sida maalinlaha ah u barto.

6-    In Ardaygu waqti u huro

Inta badan waxa dhacda in qofka waxbaranayaa xilliga uu fasalka tagayo uun waqti siiyo waxbarashada, balse aannu wax waqti gelinnin xilliyada kale. Taasi maaha wax ardayga heer jaamacadeed ah wadaysa. Ardayga waxa laga rabaa waqtiga uu fasalka tagayo waqti aan ahayn inuu waxbarashada diyaarinteeda geliyo, haddii ay tahay akhris iyo haddii ay tahay waxa kale ee waxa uu baranayaa ka rababa.

7-     In ardaygu badiyo  akhriska guud

Marka ardaygu waxbaranayo waxyaabaha kaba ee muhiimka ah waxa ka mid ah akhriska. Akhriska aynu ka hadlaynaa hadda maaha in qofku cashirrada kaliya ku koobnaado, balse waa in uu qofku cashirrada fasalka loogu dhigo dhaafaa oo waxyaabaha isaga kabaya si madaxbannaan u akhriyaa.

8-   In ardaygu barto Akhriska xorta ah

Akhriska xorta ahi waa akhriska uu qofku isagu si madaxbannaan iskaga akhristo ee naftiisa u dooro, isaga oo aan cidina ka rabin, lagu qasbin, macallin ka rabin, fasalna aan u diyaarinayn. Inta ardaygu waxbarashada ku jiro waxyaabaha fogaan’araggiisa dhisa waxa ka mid ah akhriska xorta ah. ardaygu akhriska waxa uu ka bilaabi kara maqaallada, buugta iyo waxyaabaha kookooban ee uu isagu jecelyahay, ka dibna waxa uu ku xigsiin karaa waxyaabaha kale ee kabaya. Qarnigan hadda la marayo waxyaabaha dhismaha shakhsiyadda qofka ka qaybqaata waxa ka mid ah akhriska xorta ah.

9-    In ardaygu barto xirfado cusub

Inta ardaygu Jaamacadda ama guud ahaan waxbarashada ku jiro waxa muhiim ah inuu barto xirfad cusub. Xirfad cusub marka aan leennahay waxa aynu ka wadnaa farsamo aanu hore u aqoon inuu korodhsado. Waxa qofku baranayaa waa inay ahaadaan wax aanu hore u aqoon. In xirfadahaas uu bartaa waxa ay u saamaxaysaa inuu hadhaw isaga oo dhinackasta ka dhisan jaamacaddii dhammeeyo.

10-                       In ardaygu naftiisa dhiso

Naf dhisid hadda waxa aynu ka wadnaa waxkasta oo qofku ku horumari karo, haddii ay tahay qofka oo barta wax cusub, qofka oo garaadkiisa si madaxbannaan u kordhiya, qofka oo dad barta IWM. In qofku xilligan isasii dhiso hadhaw bay nafacaysaa waa mid ka mid ah waxyaabaha waxbarashadiisa kabaya.

11-  Inuu xidhiidhka bulshada dhiso

Waqtiga ardaygu waxbaranayo waa waqti uu qofku u baahanyahay inuu wax korodhsado, waxyaabaha uu korodhsanayo hadhawna anfacaya waxa ka mid ah inuu dad barto. Dad barto marka aynu leennahay waxa aynu ka wadnaa in ardaygu barto dad ku shaqeeya ama ka agdhaw kulliyadda uu barto. Sidoo kale, waxa muhiim ah in ardaygu barto shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya waxa uu barto.

12-                        In ardaygu raadiyo fursado uu Naftiisa ku horumarinayo

Ardaygu marka uu waxbarashada jaamacadeed ku jiro waa muhiim inuu naftiisa horumariyo. Waxyaabaha uu waqtigaas naftiisa ku horumarin karo waxa ka mid ah inuu ka qaybgasho siminaarro, shirar, khudbaha iyo waxyaabaha la mid ah.

13-                         In Ardaygu hibooyinkiisa Horumariyo

Qofkastaa waxa uu leeyahay hibo u gaar ah ama uu dadkaba la wadaago. Marka ardaygu waxbarashada ku jiro waa muhiim inuu ogaado hibadiisa; marka uu hibadiisa ogaadana waa inuu horumariyaa. Ardayoow hibadaada horumari.

Gebagebo

 

Ardaygu marka uu waxbaranayo waxyaabaha uu beerto ee uu sameeyo ayaa mustaqbalkiisa danbe intifaacsan doonaa. Haddii ay tahay xirfad uu bartay, haddii ay dad buu wax ka korodhsaday, haddii ay tahay xidhiidhkiisa oo uu kordhiyay, haddii ay wax cusub, iyo haddii ay tahay waxkalaba. Markaa waa muhiim in ardaygu baraarugo oo akhriska, dad barashada, dadaalka iyo waxkasta oo naftiisa anfacaya ku dadaalo xilliga uu waxbaranayaba.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Boorama, Awdal.
20 jannaayo, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?