Posts

Showing posts from January 18, 2026

20 Xirfadood ee ay adeegsadaan dadka caqliga badani

Image
  1-       Waxay kuu oggolaadaan inaad adigu hadalka bilowdo si aad adigu naftaada u fashiliso (ama u muujiso waxa aad wado). 2-     Iyagu way isdejiyaan oo xasillooni ayay muujiyaan halka qofka kale wax ka falcelinayo ee kacsanyahay. 3-     Waxa ay hadlaan wax yar, in bandanna way isxakameeyaan. 4-     Waxa ay qofka/dadka weydiiyaan su’aalo halkii ay jawaabo ka bixin lahaayeen. 5-      Waxa ay eegaan oo u fiirsadaan habdhaqanka soo noqnoqda, ee ma eegaan uun hadallada oo kaliya. 6-     Waxa ay dib u dhigaan jawaabta si ay u tijaabiyaan samirka qofka. 7-      Waxa ay xakameeyaan dareenkooda, balse ma xakameeyaan duruufaha iyo xaaladaha- macne ahaan ‘ awooddu ma aha beddelidda xaaladda, balse waa xakamaynta nafta.’ 8-     Marna si hore ama degdega uma muujiyaan dhammaan wixii ay hayaan iyo qorshayaashooda ( Hal mar ma wada bandhigaan qorshayaash...

Sideed u noqon kartaa qof joogtayn iyo anshax leh (Disciplined)?

Image
   Waxa aad niyadda ku haysaa in anshaxa iyo nidaamka hawlaha loo qabto la dhiso, balse ayna ahayn wax la iska rajeeyo oo niyadda uun ayna ahayn. 1-      Ha sugin waqti ku habboon Dadka qaarkood hawlaha ma bilaabaan, waayo waxa ay raadinayaan kalsooni, dhiirrigelin ama xaaladda ugu fiican, balse waxa aad ogaataa in anshaxa lagu abuuro ficil, balse aan lagu abuurin caaddifad, marka aad ka hortagtid cudurdaarkuna waa marka anshaxa iyo nidaamku kuu bilaabmayo. 2-     Waxa aad samaysataa xilli hawshaada ku habboon, xiligaasna joogtee oo ilaali In qofku xilli xaddidan samaystaa waxa ay meesha ka saartaa go’aanka isku soo haadka ah, marka qofku iska dhaafo go’aannada isku soo haadka ahna wuxuu meesha ka saaray cudurdaarka naftiisa, waayo qofka ku socda jadwalku isma waydiiyo inuu hawsha u taal qabto — wuxuu fuliyaa uun qorshihiisa. 3-     Ka fogow dhabqiyayaasha halkii aad kala dagaallami lahayd  Doonista dadku way koobantahay, ...

Mucjisinnimada Quraanka

Image
    -           Malaku Jibriil oo Quraanka soo dejiyay wuxuu noqday Malagii ugu fadliga badnaa Malaa’igta. -           Nebi Muxamed oo Quraanka lagu soo dejiyay wuxuu noqday qofka ugu fadliga badan dadka. -           Quraanka oo loo soo dejiyay Ummadda Nebi Muxammed waxa ay noqotay ummadda ugu khayrka badan ummadaha. -           Bisha Ramadaan oo Quraanka la soo dejiyay waxa ay noqotay bisha ugu fadliga ama khayrka badan bilaha. -           Habeenka Laylatul Qadarka oo Quraanka la soo dejiyay wuxuu noqday habeen fadli badan oo ka khayr badan kun bilood. Bal ka warran haddii Quraanku degi lahaa qalbiyadeenna? Allow Quraanka qalbiyadayada ku sug. Cabdirisaaq Sandheere