Sideed u noqon kartaa qof joogtayn iyo anshax leh (Disciplined)?

  



Waxa aad niyadda ku haysaa in anshaxa iyo nidaamka hawlaha loo qabto la dhiso, balse ayna ahayn wax la iska rajeeyo oo niyadda uun ayna ahayn.

1-    Ha sugin waqti ku habboon

Dadka qaarkood hawlaha ma bilaabaan, waayo waxa ay raadinayaan kalsooni, dhiirrigelin ama xaaladda ugu fiican, balse waxa aad ogaataa in anshaxa lagu abuuro ficil, balse aan lagu abuurin caaddifad, marka aad ka hortagtid cudurdaarkuna waa marka anshaxa iyo nidaamku kuu bilaabmayo.

2-   Waxa aad samaysataa xilli hawshaada ku habboon, xiligaasna joogtee oo ilaali

In qofku xilli xaddidan samaystaa waxa ay meesha ka saartaa go’aanka isku soo haadka ah, marka qofku iska dhaafo go’aannada isku soo haadka ahna wuxuu meesha ka saaray cudurdaarka naftiisa, waayo qofka ku socda jadwalku isma waydiiyo inuu hawsha u taal qabto— wuxuu fuliyaa uun qorshihiisa.

3-   Ka fogow dhabqiyayaasha halkii aad kala dagaallami lahayd

 Doonista dadku way koobantahay, balse deegaanka iyo bay’adu waa mid awood leh- sidaa darteed dadka adag iskuma halleeyaan keliya  xakamaynta nafta uun— waxa ay iska tuuraan Applications ka jihad aka leexinaya, waxa ay iska xidhaan Wabsaydyo, waxa ay baddelaan qolalkooda, waxayna dib u habeeyaan deegaanka ku hareeraysan oo dhan— sidaa darteed anshaxa iyo laylyidda naftu waxa uu noqonayaa mid naftu si caadiya ula qabsato, qofkuna kuma jirayo gebidhaclayn joogto ah.

4-   Marka hore qabo  waxyaabaha adag ama shaqooyinka culus

Shaqooyinka ad’adag ee aad inta badan iska ilaalisid waa kuwa noloshaada hore u wadi kara ee horumar degdega gaadhsiin kara, markasta oo aad degdeg u qabatidna waxa aad dhisaysaa xamaasad iyo tixgelin shakhsiyadeed oo aad waxkasta oo noloshaada ah oo kale ku qaban kartid.

5-   Jidhkaaga si joogto ah u layli

Layliga jidhku wuxuu neerfaha habdhiska barayaa inay degganaadaan marka culays jiro, qofka sida joogtada ah jidhkiisa u dhisaa wuxuu ogaanayaa in murugada iyo degganaan la’aantu tahay wax laga badbaadi karo, taasi oo keenaysa in nidaamka qofku sii shaqeeyo, lacagta iyo jacaylkuna noqdaan kuwo fudud.

6-   La soco caadooyinkaaga si adag, joogto ah oo aan marmarsiiyo lahayn

 Wax kasta oo aad la socoto way kuu caddaadaan, waxa kuu caddaadana waad xakamayn kartaa; sababtoo ah tirooyinku been ma sheegaan, aragtida guulahaaga isdabajoogga ah ama guuldarrooyinkaagana waxay kugu khasbaan daacadnimo iyo islaxisaabtan.

7-   Ilaali ballamaha aad naftaada la gasho

Mar kasta oo aad jebiso ballan aad naftaada la gashay waxa aad wiiqaysaa kalsoonida aad naftaada ku qabto; kalsooni la’aanteeduna waxa ay keentaa inuu burburo anshaxa iyo aadaabta naftu, maxaa yeelay edebtu ma aha qasab iyo xoog, balse waa inaad noqoto qof eraygiisa ilaaliya.

8-  Aqbal caajiska, hana ka cararin

 Horumarku waa wax soo noqnoqda oo inta badan caajis ah; dad  badanna uma joojiyaan shaqada inay adagtahay darteed, balse waxay u joojiyaan inayna ahayn mid xiiso leh oo ayna xiiso u hayn. Sidaas darteed, barashada u adkaysiga caajiska waa xirfad anshax nafsadeeda oo qarsoon.

9-   Xakamee rabitaanka iyo raaxada degdegga ah, haddii kale adigaa lagu xakamayn doonaa

Filimada anshax xumada ah, cuntooyinka aan manfaca lahayn, isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada, iyo raaxooyinka fudud waxa ay saameeyaan nidaamka abaalmarinta maskaxda, taasi oo ka dhigaysa in dadaalku u muuqdo mid culus, isla markaana diiradsaariddu ku adkaato maskaxda; waana sababta ay ragga anshaxa nafsadeed lihi si ula kac ah u yareeyaan raaxada degdegga ag, si ay u ilaashadaan dhiirrigelinta, hammiga, iyo awoodda dadaalka.

10-       Jooji naftaadan aad dadka u sharraxayso ama barayso

Sharraxaaddu waxa ay keentaa dood, iyo in qofku raadiyo in la aoonsado- waxayna sababtaa dibudhac. Dadka anshaxa waxqabad leh natiijooyinkooda ayaa hadla, Si deggan oo aan buuq lahayn ayay u shaqeeyaan, Horumarka dhabta ah ayaa caddeeya saxnimadooda, ma aha ra’yiga dadka kale.

 

W/Q: Mastering Manhood

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

Jeenaweri 20, 2026

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Muhiimadda Shaqada