20 Xirfadood ee ay adeegsadaan dadka caqliga badani
1- Waxay kuu oggolaadaan inaad adigu hadalka bilowdo si aad adigu naftaada u fashiliso (ama u muujiso waxa aad wado).
2- Iyagu way isdejiyaan oo xasillooni ayay muujiyaan halka qofka kale wax ka falcelinayo ee kacsanyahay.
3- Waxa ay hadlaan wax yar, in bandanna way isxakameeyaan.
4- Waxa ay qofka/dadka weydiiyaan su’aalo halkii ay jawaabo ka bixin lahaayeen.
5- Waxa ay eegaan oo u fiirsadaan habdhaqanka soo noqnoqda, ee ma eegaan uun hadallada oo kaliya.
6- Waxa ay dib u dhigaan jawaabta si ay u tijaabiyaan samirka qofka.
7- Waxa ay xakameeyaan dareenkooda, balse ma xakameeyaan duruufaha iyo xaaladaha- macne ahaan ‘ awooddu ma aha beddelidda xaaladda, balse waa xakamaynta nafta.’
8- Marna si hore ama degdega uma muujiyaan dhammaan wixii ay hayaan iyo qorshayaashooda ( Hal mar ma wada bandhigaan qorshayaashooda).
9- Waxa ay ka dhigaan aamusnaantoodu in ay qofka kale ku cadaadiso inuu sheego xog ama wax qofka kale u muhiima.
10- Waxa ay u dhaqaaqaan si aamusan, laakiin ficilkoodu waa mid go’aan leh oo saamayn keena.
11- Waxa ay jecelyihiin inay sharraxa naftooda ku muujiyaan ficilkooda, oo halkii ay hadalka ku sheegi lahaayeen ee sharraxaad dheer geli lahaayeen ficilkooda ayaa muujiya natiijadooda.
12- Waxa ay abuuraan muuqaal been ah si ay u qariyaan ujeeddadooda dhabta ah (muuqaalka waa dabin; ujeedadu waa qarsoon tahay).
13- Waxa ay awoodaha qofka ka dhigaan kuwo daciif ah.
14- Waxa ay maamulaan sida dadku wax u arkaan, balse ma beddelaan xaqiiqada dhabta ah.
15- Waxay ahaadaan kuwo aan la saadaalin karin si ay u sii haystaan xakameynta iyo maamulkaba.
16- Waxa ay qofka ka ka dhigaan inuu ka shakiyo xusuustiisa.
17- Waxa ay isticmaalaan ammaan ama bogaadin si ay qofka u dejiyaan oo u xeeladeeyaan.
18- Waxa ay xakameeyaan sheekada ama sida wax loo arko si ay u qaabeeyaan aaminsanaanta dadka.
19- Waxa ay isku dayaan go'doomiyaan qofka si ay kugu kordhiyaan ku-tiirsanaanta iyaga iyo baahida loo qabo taageeradooda.
20- Waxay abaalmariyaan marka qofku raaco ama oggolaato waxa ay doonayaan, waxayna ciqaabaan ama waxyeelleeyaan qofka marka uu diiddo ama iska caabbiso waxay rabaan.
W/Q: Brotherhood Empire.
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment