Posts

Showing posts from April 28, 2019

Dareentaabad!

Image
Hooyaday dhimirka ayay ka xanuunsanayd. Waxa loo yaqaannay ' Mad Setara.' Aabbahay ayaa xadhig ku ilaalin jiray. Waxa ay ku noolayd, oo hoy u ahaa xerada Lo'dayada. Guri may lahayn, oo sariir kumay ladin tan iyo laga soo bilaabo maalintii ay guursatay. Guurkeedii ka dib Aabbahay wuxuu u baahday dhammaan hantideedii. Meel ayay Lo' iyo Riyo ula guurtay. Dhalashadaydii waxa ay ahayd mid lamafilaan ah. Markii aan adduunka imid Ayayday ayaa Hooyaday iga fogaysay, waxaynna si degdeg ah iskugu dayday oo u bilowday inay Aabbahay u diyaariso guurkiisii labaad. Waxa ay ku doodeen inaan u baahanahay Hooyo caafimaadqabta. Balse, waxyar ka dib arooskii, Hooyadaydii labaad waxa ay igaga tagtay geerka Webi agtayada ahaa, aniga oo kaliya labaatan maalmood jira. Qofna ma garanayn sida Hooyo xanuunsanaysaa ay maalintaa ii badbaadin lahayd, ama waxa ku qasbi kara inay guriga aan kaayaga ahayn ay ka qaxdo. Kaliya waxa aan garanayaa in ay ii qaadday meel fog, oo aannu 31 cisho ku w