Dareentaabad!


Hooyaday dhimirka ayay ka xanuunsanayd. Waxa loo yaqaannay ' Mad Setara.' Aabbahay ayaa xadhig ku ilaalin jiray. Waxa ay ku noolayd, oo hoy u ahaa xerada Lo'dayada. Guri may lahayn, oo sariir kumay ladin tan iyo laga soo bilaabo maalintii ay guursatay.

Guurkeedii ka dib Aabbahay wuxuu u baahday dhammaan hantideedii. Meel ayay Lo' iyo Riyo ula guurtay. Dhalashadaydii waxa ay ahayd mid lamafilaan ah. Markii aan adduunka imid Ayayday ayaa Hooyaday iga fogaysay, waxaynna si degdeg ah iskugu dayday oo u bilowday inay Aabbahay u diyaariso guurkiisii labaad.

Waxa ay ku doodeen inaan u baahanahay Hooyo caafimaadqabta. Balse, waxyar ka dib arooskii, Hooyadaydii labaad waxa ay igaga tagtay geerka Webi agtayada ahaa, aniga oo kaliya labaatan maalmood jira. Qofna ma garanayn sida Hooyo xanuunsanaysaa ay maalintaa ii badbaadin lahayd, ama waxa ku qasbi kara inay guriga aan kaayaga ahayn ay ka qaxdo.

Kaliya waxa aan garanayaa in ay ii qaadday meel fog, oo aannu 31 cisho ku wadaqaadannay Duurka. Wax fekrada kama haysan waxa ay cunto, sida ay ii maamusho, iyo sida ay ii dhaqaalayso.

Qofkastaa waxa uu foorjeeyaa oo waxa uu iigu yeedhaa ' Wiilka Duurka.' Qaar waxa ay rumaysanyihiin inay Hooyaday saaxirad ahayd. Qofna weligii ma awoodo inuu aniga iyo Hooyaday na kala dhexgalo, faalladooduna nama dhibayso. Hooyaday gadaasheed waxa aan noolaa Afartan sano. Ilamay hadal waligeed. Kaliya way qosli jirtay haddii aan wax wayddiiyo. Maalmaha qaar way ku wareeri jirtay inay nala lugayso, waxaanan u qaaday Madbakha, waxbaanan siiyay oo waan quudiyay.

Dhabarkayga ayaan ku qaaday, oo xagga Wabiga ayaan la aaday, si ay u maydhato. Kelinnimo ma dareemin, inkasta oo Hooyaday aynna nolosheeda intii danbe aynna hal eray i odhan. Ka dib markii uu Dhakhtarka Tuuladu ii sheegay inay maalin, iyo ilbidhiqsi uun dhiman doonto, Bilo ma seexan. Garaaca wadnaheega iyo Neefsigeeda ayaan taabtay, maalmana way ii jawaabtay, waxaynna u qososhay sidii Ilmaha. Waxa aan rabay inaan u qaado Duurka, aniga oo waliba dhabarka ku xambaaraya, si aan u gala cararo dhimashada.

Maalintii ay dhimatay, Qabrigeedii ayaan ka qoday Duurka dhexdiisa. Qofkasta waxa uu isku dayay inuu iga joojiyo. Balse, dheg jalaq uma siin oo ma dhagaysan. Halkaasi waa meesha kaliya ee ay farxad ku heli karto, oo qofna kumay xidhnayne way madaxbannaanayd.

That is the only mysterious place of her success at raising her own child alone. I wanted to bury her body there and tried to bring some peace to her soul. Every morning after Fazaar prayer, I go to her grave and I hear nothing but her giggles.

Halkaasi waa meesha kaliya ee qarsoon guusheeda ee ay Ilmaheega kula kaliyoobi karto. Halkaas ayaan rabay inaan jidhkeeda ku aaso oo naxariis u rajeeyo. Aroorkasta Salaadda ka dib, Qabrigeeda ayaan tagaa. Waxba shanqadha ma maqlo.....

- Jobbar Miah
~GBM ayaa Ingiriisi ku qortay.
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
April, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?