Posts

Showing posts from February 18, 2018

DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN!

Image
  DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN! Hooyooyinka ama dumarka xaaskooggii ka dhintay ama ay is isfureen ee Magaalooyinka ku nooli way dhibbanyihiin- oo waxa ay la daalaadhacayaan nolol maalmeedka Magaalada. Waayo Magaaladu lama mid aha miyiga, oo qofka miyiga deggani lama baahi aha ka Magaalada deggan. Kan Magaalada deggan ayaa kun jeer ka baahi badan. Oo Magaalada dadka badankoodu waxa ay galaan guryo dhis ah ama Bangakooyin, halka   miyiga dhammaan waxa degani galaan Aqal Soomaali. Haddaba gabadha aan haysan wax ay guri ku kiraysato ama ku dhisato waxa ku qasab ah in ay Magaalada buul ka dhisato halka jaarkeeduna BANGALO ama Qasri weyn galo! Haddaba gabadha noocaa ahi intee in leeg oo werwer nololeeed iyo niyadjab adduun ayaa ku dhacaya?! Sidoo kale, Dumarkaasi wax shaqo ah ma hayaan, kuwa ugu rooni waa kuwa khudaarta iibiya, halka qaarkoodna markay waayaan KUULIGA galaan! Aheey ah!   Kuwa khudaarta iyo xawaashka iibiya ee baxadka fadhiistana cashuur iyo baad ayaa laga

CUFKA SHINBIRAHA

Image
                                  CUFKA SHINBIRAHA Sheygaa Shimbirtu ku fadhido waxaa la yidhaa Buul amma Cuf. Waxaanna ay ka sameysaa cawska, gargoorka, daaqa iyo wixii dhulka ka baxa. Inta badan waxa ay samaysaa, guga marka uu roobku da'o ee dhirta iyo geeduhu is gaadhaan. Buulkani, waxa ay shinbirtu maalintii ku aamintaa oo dhigtaa "Ugxanteeda". Waxaynna Buulka ku samaysaa geedaha dusheeda gaar ahaan waliba laamaha. Wuxuunna leeyahay hal afaaf ama kadin (Albaab) oo Shimbirtu ka soo gasho kana baxdo. Haddaad aragto waad ku farxasaa oo jiiqjiiqda Shimbiraha iyo codkooda ayaad ku nafisasaa! Inta badanna shinbiruhu way isku ag samaystaan buulka. Marka jiilaalka la gaasho way ka guurtaa oo way digarogataa, cufkuna wuu qallalaa maadaama uu caws ka samaysnaa! W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Dham’idda Nolosha!

Image
                              Dham’idda Nolosha! Dham’iddu waa in aad garan waydo meel aad usocoto iyo meel aad ka socoto. Tusaale; qofbaa in uu suuqa tago doonayey waqti habeen, suuquna wuxuu ka xigaa waqooyi. Xaafaddii ayuu ka soo baxay dhinacaa iyo Koonfur ayuu u dhaqaaqey isaga oo suuqii moodaya! Wuxuunna moodayaa in uu Waqooyi oo suuqii ka xigo u socdo! Koonfurna wuu socdaa! Kkkkk. Taasaa la yidhaa dhama’. Haddii aad taa’ ila fahantay; kanna ila eeg. Waxaynnu ku jirnaa qarnigii 21aad, Waxaa la marayaa waqti casiri ah halkii waliba   ugu danbaysay, nasiibdarro se waxa aad mooddaa in casriga laftiisu burburinayo oo is baabiinayo! Haddii aynnu Soomaali nahay waxaynnu xiisaynaa kolba wixii indhaha u fiican, balse aan qalbiga u fiicneyn. Dhaqan ahaan waxaynnu u lahayn xoolo’dhaqato’beerallay, dhaqan gaar ah oo adduunku indhaha ku hayo ayaynu lahayn, balse, hadda waa gabaaabsi. Taasi waa ilbaxnimo oo in aad soojireenkaaga xajisato waa mid ammaanan, balse, in lagaala wareego