DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN!

  DUMARKU DHIBTA DHAXAL UMAY HELIN!


Hooyooyinka ama dumarka xaaskooggii ka dhintay ama ay is isfureen ee Magaalooyinka ku nooli way dhibbanyihiin- oo waxa ay la daalaadhacayaan nolol maalmeedka Magaalada. Waayo Magaaladu lama mid aha miyiga, oo qofka miyiga deggani lama baahi aha ka Magaalada deggan. Kan Magaalada deggan ayaa kun jeer ka baahi badan. Oo Magaalada dadka badankoodu waxa ay galaan guryo dhis ah ama Bangakooyin, halka miyiga dhammaan waxa degani galaan Aqal Soomaali. Haddaba gabadha aan haysan wax ay guri ku kiraysato ama ku dhisato waxa ku qasab ah in ay Magaalada buul ka dhisato halka jaarkeeduna BANGALO ama Qasri weyn galo! Haddaba gabadha noocaa ahi intee in leeg oo werwer nololeeed iyo niyadjab adduun ayaa ku dhacaya?!

Sidoo kale, Dumarkaasi wax shaqo ah ma hayaan, kuwa ugu rooni waa kuwa khudaarta iibiya, halka qaarkoodna markay waayaan KUULIGA galaan! Aheey ah! 
Kuwa khudaarta iyo xawaashka iibiya ee baxadka fadhiistana cashuur iyo baad ayaa laga qaadaa, waxna looma qabto; mararka qaarkoodna waa lagu tacaddiyaa oo meesha ay fadhiyaan ayaa laga kiciyaaba! Aheey ah!

Dumarkaasi noocaa ah waxa ay ku dhex noolyihiin ama ba jaar yihiin qaar lacagta barkada oo kibir waxa ay ka qabaan meel aan loo baahneyn ku bixiya. Mararka qaarna dibbirodhacsi ku lumiya! Aheey ah!

Dumarkaasi qaarkood waxaa nolosha seejiyey rag, oo intay guursadeen oo ay afar ama Shan carruur ah ka dhaleen ayey caydhiyeen oo iska soco yidhaahdeen! Aheey ah!

Dumarkaasi qaarkood waxa ay la dhibbanyihiin cashuur maalinkasta laga qaado oo aan waxbana loogu qaban e wixii bacadkaa ay la fadhiyeen niman ku qayilaan! Guryana ka dhistaan! Aheey ah!

Dumarkaasi qaarkood waxa ay haystaan hablo/rag waaweyn oo intay wax barasho ku dareen, lacagtii fee-ga Dugsiga loogu dhiibay dariiqyada ku cuna, waxna aan barannin ee meelahaa ku qayila! Aheey ah!

Waxaas oo dhibaato ah iyo kuwa kalaba waxaa la nool Dumar aan dhaxal u helin e adduun xaalkii halkaa dhigey! Ummaddii ay la noolaayeenna ay ciyaar ka moodayaan, kuna tumanayaan xuquuqdoodii iyo xarragadoodii!

#Dumarku_dhibta_dhaxal_uma_helin.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?