Dham’idda Nolosha!
Dham’iddu waa in aad garan
waydo meel aad usocoto iyo meel aad ka socoto. Tusaale; qofbaa in uu suuqa tago
doonayey waqti habeen, suuquna wuxuu ka xigaa waqooyi. Xaafaddii ayuu ka soo
baxay dhinacaa iyo Koonfur ayuu u dhaqaaqey isaga oo suuqii moodaya! Wuxuunna
moodayaa in uu Waqooyi oo suuqii ka xigo u socdo! Koonfurna wuu socdaa! Kkkkk.
Taasaa la yidhaa dhama’. Haddii aad taa’ ila fahantay; kanna ila eeg.
Waxaynnu ku jirnaa qarnigii
21aad, Waxaa la marayaa waqti casiri ah halkii waliba ugu danbaysay, nasiibdarro se waxa aad
mooddaa in casriga laftiisu burburinayo oo is baabiinayo! Haddii aynnu Soomaali
nahay waxaynnu xiisaynaa kolba wixii indhaha u fiican, balse aan qalbiga u
fiicneyn. Dhaqan ahaan waxaynnu u lahayn xoolo’dhaqato’beerallay, dhaqan gaar
ah oo adduunku indhaha ku hayo ayaynu lahayn, balse, hadda waa gabaaabsi. Taasi
waa ilbaxnimo oo in aad soojireenkaaga xajisato waa mid ammaanan, balse, in
lagaala wareego ayaa ka xun, cidhib xumo ka qadhaadhna ma jirto in inta
waxaagii lagaa qaato, haddana la sheegto.
Gumeystihii caddaa ee inna dul yuururey meel
innoo fayaw innoogama tagin, waxtarna ha ii danbeeyabee. Wuxuu innaga diley
dhammaan qaayosoorkii iyo soojireenkii aynnu kusoo caanomaalney qarniyada
badan. Kaaga daranta, waliba intuu wixii
fiicnaa ka qaatey ayuu innagana innoo qadhaadheeyey. Intuu waxeennii cideeyey
ayuu isagu malabaysatay! Intuu innagu yidhi wixiinnu waa dib0-u-dhac ayuu isagu
hoosta ka qaatey. sidirigam!
Horta dhaqanka intuu kufsadey
ayuu haddana diley, dabadeed aayar god madaw intuu u qodey dhulka Soomaaliyeed
dhexdiisa ku hubsadoo ku aasay. Iyagu way daawanayeen qaarna dillaal ayeyba ka
ahaayeen oo waxa ay u kala dillaalayeen dhaqanka iyo caddaanka! Halkaa waxaa
god madaw oo aan cidina kasoo saari karin galey oo haddana ku jira dhaqankii
Soomaaliyeed. Illaa dadkiisu gumeysiga noocyadiisa kala duwan iska dul
qaadayaana wuu ku jirayaa godkaa, hadduuna ku baabi’inba!
Oo ma gumeysibaa hadda
Soomaalida lagu hayaa? Haa. Siddeennimo? Waxa aad u fiirsataa wiilka ama
gabadha Soomaaliyeed ee dalka jooga. Oo
maxay sameeyaan? Wiilka iyo gabadhuba intuu
dhammaan noloshiisa wixii mudnaa in la tixgaliyo ka saaray ayuu kuyar oo London
ama Maraykan joogga sidiisa u dhaqmaa, wuxuu sameeeyana wuu sameeyaa, wuxuu
diiddana wuu diida, hadduu sare u kaadi yidhaa wuu u kaashaa! Anigu malihin
yaan ilbaxmida caalamka lala socon, basle waxa aan leeyahay waar wixii idin
anfacaya ka qaata intaan iska daysaan raacidda
indho la’. Oo noloshiinna haku xadhka xidhina wiilka caddaan ka ah ee
Maraykan joogga. Hana u hanqal taagin wuxuu gacantiisa ku samaystay e waxa aad
u hanqaltaagtiin waxa ay Aabbayaashiin gacantooda ku samaysteen.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere, Boorame, Awdal
Soomaalilaan.
06-12-2017, 18-03-1439, Maalin Arbaco ah,
7:00-08:00 Am.
Email: drwadaad.yare@gmail.com
Comments
Post a Comment