Posts

Showing posts from December 12, 2021

Faallaynta Buugga “ Xasuusihii Guwaantanaamo”

Image
  Hordhac   Buuggan aynu maanta faallaynayno waxa la yidhaahdaa “ Xasuusihii Guwaantanaamo.” Cinwaan hoosaadkiisuna waa “ Markhaatiga Maxbuus Hore.” Waxa luuqadda Carabiga ku qoray Mudane Waliid Maxamed Xaaji, oo ah qoraa iyo aqoonyahan wayn. Waliid, waxa uu ku dhashay dalka Suudaan, gaar ahaanna caasimadda Khartuum. Markii uu dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare wuxuu ku biiray Kulliyadda shareecada, balse duruufaha nololeed ayaa u saamixi waayay inuu jaamacadda sii wato. Dalka Baakistaan ayuu tagay sannadkii 1999kii, haddana waxa uu uga sii gudbay Afgaanistaan isaga oo ku biiray ururka dhaqdhaqaaqa Daalibaan.   Markii muddo laba sano ah uu ka ag dagaallamayay ururka Daalibaan ayuu markale go’aansaday inuu ku laabto dalkiisii Suudaan si uu u guursado, balse, dhacdooyinkii 11kii Sibtanbar ayaa dhacay. Waliid, waxa uu hadda ku noolyahay dalka Suudaan. Waxa luuqadda Af Soomaaliga ku turjumay Cabdicasiis M. Iimaan. Buuggu waxa uu ka hadlayaa xasuusaha uu qoraagu kala kulmay jeel

Maskaxda Hal’abuuraha Ganacsiga

Image
    Labadan sifo dadka leh ayaa had iyo jeer kaa soo horjeedsan doona oo lid kugu ahaan doona: Xaasidnimada, iyo cadhada. Marar badan waxa dhaca ama jira dad aan weligaa ku arag ama aan kula kulmin oo haddana ku karha, haddii aad qalbigaaga dib ugu noqotid oo aad iswayddiisid waxa aad ku samaysayna waxa kuu soo baxaysa inaanad waxba ku samayn. Miyayna sidaas ahayn?! Dadku inta badan waxa ay kuwa kale kula tartamaan waxyaabo ka baxsan xayndaabka ganacsiga oo gaar ah. Taasi way qaldantahay, inta badanna waxa ay keentaa ama sababtaa xaasidnimo. Shayga kale ee ku xiga ee iman karaa waxa weeyi inay cadaawadi kugu dhacdo oo aad cadaawad u qaaddid qof aan waxba kugu samayn. Dad kalana cadho ayay u qaadaan qof, waayo waxa ay diidayaan halka uu qofkani asal ahaan ka yimid.   Hal’abuur ganacsi ahaan xaasidnimada iyo cadhadu dhab ahaan waxa ay sababi kartaa ama keeni kartaa inaad ku waydid fursado, oo xataa waxa ay dhaawici kartaa ama saamayn kartaa ganacsigaaga. Tusaale ahaan, waxa aan

Sookoobidda Buugga “Getting Things Done~ Hawshaada Qabso.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “Getting Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray   David Allen . David, waa qoraa iyo lataliye. Waxa uu inta badan ka hadlaa oo caan ku yahay maamulidda waqtiga. Buugaag kala duwan ayuu qoray. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “   Ready for Anything: 52 Productivity Principles for Work and Life .” Oo uu 2003dii soo saaray. Waxa kale, oo uu qoray “ Making It All Work: Winning at the Game of Work and Business of Life” oo uu 2008dii soo saaray. Buuggan “Getting Things Done” waxa uu soo saaray sannadkii 2001dii. Maralbaad waxa uu dib u daabacay sannadkii 2015kii. Waa 267 bog. Waxa uu kaga warramayaa in qofku wuxuu qorsheystay fuliyo, oo ficil u baddelo, iyo in qofku uu werwer iyo wax la mid ah iska ilaaliyo si uu waxsoosaarkiisu u bato. Nuxurka Qoraagu waxa uu yara sharraxayaa ‘ Diiqadda iyo werwerka’ wuxuunna ku sheegayaa inay yihiin wax qofka ka dhiga mid aan dhammaystirnayn, oo kala dhantaalan. Werwerka waa la yarayn karaa,