Sookoobidda Buugga “Getting Things Done~ Hawshaada Qabso.”

 



Hordhac

Buuggan la yidhaa “Getting Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray  David Allen. David, waa qoraa iyo lataliye. Waxa uu inta badan ka hadlaa oo caan ku yahay maamulidda waqtiga.

Buugaag kala duwan ayuu qoray. Buugaagta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Ready for Anything: 52 Productivity Principles for Work and Life.” Oo uu 2003dii soo saaray. Waxa kale, oo uu qoray “Making It All Work: Winning at the Game of Work and Business of Life” oo uu 2008dii soo saaray.

Buuggan “Getting Things Done” waxa uu soo saaray sannadkii 2001dii. Maralbaad waxa uu dib u daabacay sannadkii 2015kii. Waa 267 bog. Waxa uu kaga warramayaa in qofku wuxuu qorsheystay fuliyo, oo ficil u baddelo, iyo in qofku uu werwer iyo wax la mid ah iska ilaaliyo si uu waxsoosaarkiisu u bato.

Nuxurka

Qoraagu waxa uu yara sharraxayaa ‘ Diiqadda iyo werwerka’ wuxuunna ku sheegayaa inay yihiin wax qofka ka dhiga mid aan dhammaystirnayn, oo kala dhantaalan.

Werwerka waa la yarayn karaa, ama meeshaba waa laga saari karaa ayuu qoraagu leeyahay. Waxa loo yarayn karaa:

1-      In qofku qorshe yeesho.

2-    In qofku isxisaabiyo.

Qofku waa inuu waxa uu ku fekerayo ficil u baddelaa. Waxa uu ficil ugu baddeli karaa isaga oo tallaabooyinkan mara:

1-      Inuu waxa uu qabanayo sawir ka haysto.

2-    Inuu caddeeyo.

3-     In uu habeeyo ( Organize).

4-    Inuu ka falceliyo.

5-     Inuu sii wato oo gudagalo.

Qoraagu waxa uu ka warramayaa ‘ Fulinta’ oo qofku waa inuu fuliyaa hawsha uu qorsheysto.

Allen, waxa kale oo uu xoogga saarayaa laba qodob oo muhiim ah: Xakamaynta iyo qofku dhinaca uu wax ka eegayo ( perspective.) Waa inuu qofku labadaa arrin isku beegaa, oo iska dhisaa.

Waxa kale, oo uu qoraagu ka warramayaa lix heer oo ah “ Noocyada Diiradda.” Lixda dhinac ee diiradda la saarayaa waa:

1-     Nolosha.

2-     Hiraallada dhaadheer.

3-     Yoolasha 1-2 sannada ah.

4-     Meelaha diiradda la saaro, iyo masuuliyadda.

5-     Mashruucyada socda.

6-     Ficillada/shaqooyinka socda.

Gebagebo

Qoraagu waxyaabaha aynu soo sheegnay ayuu kaga warramayaa. Si guud ayaynu u dulmarnay. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

29 Abril, 2020.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?