Maskaxda Hal’abuuraha Ganacsiga

 

 

Labadan sifo dadka leh ayaa had iyo jeer kaa soo horjeedsan doona oo lid kugu ahaan doona: Xaasidnimada, iyo cadhada. Marar badan waxa dhaca ama jira dad aan weligaa ku arag ama aan kula kulmin oo haddana ku karha, haddii aad qalbigaaga dib ugu noqotid oo aad iswayddiisid waxa aad ku samaysayna waxa kuu soo baxaysa inaanad waxba ku samayn. Miyayna sidaas ahayn?!


Dadku inta badan waxa ay kuwa kale kula tartamaan waxyaabo ka baxsan xayndaabka ganacsiga oo gaar ah. Taasi way qaldantahay, inta badanna waxa ay keentaa ama sababtaa xaasidnimo. Shayga kale ee ku xiga ee iman karaa waxa weeyi inay cadaawadi kugu dhacdo oo aad cadaawad u qaaddid qof aan waxba kugu samayn. Dad kalana cadho ayay u qaadaan qof, waayo waxa ay diidayaan halka uu qofkani asal ahaan ka yimid.

 

Hal’abuur ganacsi ahaan xaasidnimada iyo cadhadu dhab ahaan waxa ay sababi kartaa ama keeni kartaa inaad ku waydid fursado, oo xataa waxa ay dhaawici kartaa ama saamayn kartaa ganacsigaaga. Tusaale ahaan, waxa aan rabaa inaan samaysto xaalad aan qof ku nici karo, oo ka soo qaad boos baan haystaa, waxa aan karhayaa waxa qof kale samaynayo [ balse qof ahaan uma nacayo]. Waxa jira shay muhiim ah oo mudan in aad tixgelisid: sheygaasi waa inaad garatid ama si fiican u baratid naftaada. Haddii aad dulqaad yartahay oo walaacu kugu badanyahay ma tihid hal’abuure ganacsi- gaar ahaanna Qaaradda Afrika. In aad u dulqaadan kartid culaysyada iyo walaaca ku soo wajahaa waa furaha tayada in aad guul ka gaadhid hal’abuurka ganacsi ee Afrika.

 

Haddii aanad haysan qaraabo xooggan ama aanad taageere kale helin waxa macquula inaad markasta culays ku saarmo oo iskubuuq ama werwer ku la soo darso, gaar ahaanna marka aad Afrika ku nooshahay. Anigu waxa aan kuu sheegayaa in aad hadda iyo hadhaw ba ka digtoonaatid khatarta kaaga iman karta kuwa kugu la talinaya inaad walaaca iska ilaalisid. Shakhsi ahaan anigu dulqaad badan ayaan u leeyahay walaaca, si fudud uma walaaco, waa sifo aan leeyahay, haddii aan walaacana hore uma degi karo.

Dulqaad yeelo, halgankana ha joojin.

 

W/Q: Strive Masiyiva.

Turjumid: Cabdirasaaq Sandheere

13 Diisanbar, 2021.

Comments

  1. Mashallah qormoo qima ku fadhida weyee alla haku xiftiyo 💯😍

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?