Posts

Showing posts from November 28, 2021

Sannadguuradii 2aad ee Xogkorodhsi

Image
  Hordhac Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray #Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way anfacayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, duuba oo soo jeediya.   Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa inaan ku qiimeeyo muddadaas 2 Sano ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan barnaamijka Xogkorodhsi. Waa Maxay Xogkorodhsi? Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo, sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan dunida. Waa barnaamij toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo