Sannadguuradii 2aad ee Xogkorodhsi
Hordhac
Dhammaadkii Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii waxa aan
bilaabay Barnaamij aan ugu magacdaray #Xogkorodhsi. Waxa weeyi Barnaamij aan ku
faalleeyo, ku soo koobo, kuna gorfeeyo buugaagta aan isleeyahay bulshada way
anfacayaan, waxna way ka taransanayaan. Aniga oo Sandheere ah ayaa barnaamijka
abuuuray, misana diyaariya, qora, isku hawla, duuba oo soo jeediya.
Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa inaan ku qiimeeyo muddadaas 2 Sano ah barnaamijku waxa aan isleeyahay wuu taray, sida ay bulshadu ila socotay, buugaagta aan
sookoobay ama gorfeeyay, caqabadaha, iyo guud ahaan wax ku saabsan barnaamijka Xogkorodhsi.
Waa Maxay
Xogkorodhsi?
Xogkorodhsi waa barnaamij lagu falanqeeyo, faalleeyo,
sookoobo, ama lagu gorfeeyo buugaagta ugu saamaynta badan dunida. Waa barnaamij
toddobaadle ah, oo maalmaha usbuuca maalinta Jimcaha ayaa la soo geliyaa
Channelka Yuutubta Xogkorodhsi. Buugaagta la falanqeeyaa saddex luuqadood ayay
ku qoranyihiin: Luuqadda Ingiriiska, Carabiga, iyo Af Soomaaliga.
Muxuu Xogkorodhsi la Gaaryahay?
1-
Waa barnaamij duuban, oo
qofku dhammaan buugaagta la falanqeeyay si bilaash ah uga daawan karo Yuutubka
Xogkorodhsi.
2-
Waxaa inta badan lagu
baahiyaa faallaynta qoraal ahaan iyo muuqaal ahaanba.
3-
Waa barnaamij buugaagta
lagu faalleeyo loogu caddaalad sameeyo, dhallil iyo ammaan waxa buugga lagala
kulmo ayaa la sheegaa
4-
Wuxuu faahfaahin
wanaagsan ka bixiyaa nuxurka buugga.
5-
Hal mawduuc kaliya kuma
koobna, waxaa lagu faalleeyaa mawduucyo kaladuwan oo dhinacyo kaladuwan ku
saabsan.
U
jeeddooyinka Xogkorodhsi Loo Sameeyay?
1-
Inay dadka akhriska iyo
qoraalka xiiseeyaa ay si fudud ku heli karaan xog badan oo caawinaysa aqoontooda
guud.
2-
Meesha xogta ugu badan
laga helaa waa buugaagta, markaa si taasi u fududaato Xogkorodhsi waxa uu isku
dayayaa inuu dadka taas ka caawiyo.
3-
Waa in qofka xog rabaa
uu waqti kooban ku heli karo xogta.
4-
Waa in bulshada
Soomaaliyeed heli karto madal ay ugu soo hagaagi karto buugaagta diyaarsan.
5-
Qof waayay buug uu rabay
inuu akhristo, oo aan soo gaadhin meesha uu joogo waa inuu nuxurka buuggaas Xogkorodhsi
si fudud uga daawadaa.
6-
Qofku inuu xulan karo
buugaagta marka uu buugta kaladuwan daawado.
7-
Dhiirrigelinta akhriska.
Siduu Xogkorodhsi Labadaas sano ee Noofanbar
2019- Noofanbar, 2021 u socday?
Bishii Noofanbar sannadkii 2019kii ayaan bilaabay
Xogkorodhsi. Waxa aan ka bilaabay magaalada Boorama. U jeeddada ugu way nee aan
u bilaabay waxa ay ahayd inaan bulshada la wadaago buugta aan akhriyo, maadaama
aan ahay akhriste. Si nafhurnimo ah ayaan ku bilaabay, ma jirin cid iga
caawisay barnaamijka. Sidoo kale, may jirin dano dhaqaale ama dano kale oo aan
ka lahaa, marka laga reebo inaan dadka u faa’ideeyo oo waxa aan akhriyo isku
hawlo sidii aan bulshada ugu kordhin lahaa.
Maalintii aan bilaabay illaa maanta oo 2 sano laga joogo waxa
aan bulshada la wadaagay 50 buug. 50 kaas buug qaar baa xalqado ahaa, markaa
xalqo ahaan waxa ay noqonayaan 57 Xalqadood. Taasi waxa ay ka dhigantahay inaan
bishiiba celcelis ahaan 2 muuqaal soo gelin jiray. Waxaa ka dhex maqan waqti
kooban oo cillad farsamo jireen oo Kamaraddu nala meeraysatay. 50 kaas buug 9 buug ka mid ahi waxa ay asal
ahaan ku qornaayeen Carabi, 1 buugna Soomaali, halka 40 buugna ay ahaayeen
Ingiriis.
Buugta aan faalleeyay waxa ay u badanyihiin Ingiriisi, iyo
Carabi- gaaar ahaanna Ingiriisi. Sababta aan sidaa u sameeyay waxa ay tahay in
dadkeennu fahmi karaan Soomaaliga, se sida ay Soomaaliga u wada fahmaan ayna
dhammaantood u wada akhrin karin, una fahmi karin luuqadaha qalaad ( Maaha
dadka oo dhan, se qaarkood). Si kuwa aan wada fahmi karin Ingiriisku wax uga
korodhsadaan kuwa yaqaannaana faa’ido kale ugu noqoto ayaan u sameeyay sidaas.
Bulshada daawatay waxa ay yihiin 101,000 qof ayaa daawaday
oo la socday.Waa dad kooban marka la eego inta daawata barnaaminka riwaayadaha,
qosolka, Baraankiga IWM. Se waxa aan rejo badan ka qabaa in waqti kale la fahmi
karo oo dad badan ku soo xidhmi doonaan.
Magacda
Buugta Xogkorodhsi Lagu Falanqeeyay?
Buugta Xogkorodhsi ku duuban, ee maqaal iyo muuqaal ba iyaga
oo Af Soomaali la heli karo waynu tixi; waana buugta uu Xogkorodhsi Sannadkaas
2019-2020 soo kordhiyay.
Waa kuwan Liiskoodu:
1-
‘ Essentials of Argument
~ Seeska Doodda.’ Waxaa qortay Nancy V. Wood, 2005. Maqaalka iyo muuqaalkaba dhammaadkii sannadkii
2019kii ayaa laga diyaariyay.
2-
The Language of
Argument, waxa qoray Daniel McDonald, iyo larry W. Burton, 1999.
3-
Buuggan la yidhaa “تعليم المتعلم طريق
التعلم.” Waxa qoray Sheekh
Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji.
4-
Dead Aid, by Damiso Moya
( 2009).
5-
Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa
ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu
shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki.
6-
Art of War, waxa qoray
Sun Tzu.
7-
Buugga la yidhaa ‘
Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray
McMrimmon, soosaaristiisii 5aad.
8-
The science of Getting
Rich, waxa qoray Wallace D. Wattles.
9-
Rich Dad and Poor Dad,
by Robert T. Kiyosaki.
10- Buugga
la yidhaahdo “اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك.” Oo uu qoray Saajid Al Cabdali.
11- Buugga
la yidhaahdo ““حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.” Oo uu qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu
Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray.
12- Buugga
la yidhaa “ Show Your Work.’
13- Buugga la yidhaahdo “ Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man.”
14- Buugga
la yidhaahdo “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa
qoray Wallace Delois Wattles.
15- Buugga la yidhaa “The 29
Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta.”
16- Buugga la yidhaahdo “ Hammigaygu waa inaan nin
DILO” oo ay Qortay Sucaad Suldaan, luuqadda carabiga ayuu ku qornaa.
17- Buugga la yidhaahdo “The
Rules of Work.” Oo uu qoray Richard Templer.
18- Buugga
la yidhaahdo “ Masuuliyadda Ardeyga’ oo uu Cabdicasiis Ibn Baas qoray ayaan soo
koobay.
19- Buug la yidhaahdo “ Ego is the Enemy’ ayaan
soo koobay.
20-
Buugga la yidhaa “ How
Successful People Think’ ayaan soo koobay.
21- Buugga la yidhaahdo “How to Win Friends and
Influence People.” Oo uu qoray Dale
Carnegie.
22-
Buugga la yidhaahdo “ A
women of Firsts” oo ay qortay Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaan gorfeeyay. 3
Xalqadood ayuu ahaa.
23-
Buugga la yidhaahdo “
Atomic Habits” oo uu qoray James Cream ayaan soo koobay.
24-
Buugga la yidhaa “ 12
Rules of Life” oo uu qoray Jordan ayaan soo koobay.
25-
Buugga la yidhaahdo “Getting
Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray David Allen ayaan
soo koobay.
26-
Buugga la yidhaahdo “ 21
Lessons of 21 Century’ oo uu qoray Yuval Harrari ayaan soo koobay.
27-
Buugga la yidhaahdo
“From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad” oo uu qoray
Lee Yew ayaan sookoobay.
28-
Buugga la yidhaa “
Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” oo ay qortay Mary Harper
ayaan gorfeeyay. 2 xalqadood ayay ahayd.
29-
Buugga la yidhaa “ Istrategic Interest of
Turkey’s Foreign Policy in Somalia.’ Oo uu qoray Cumar Yuusuf Cabdulla ayaan
gorfeeyay.
30-
Buugga la yidhaa “ 7
Habits of Highly Effective People” ayaan sookoobay.
31- Buugga la yidhaa “ Maan Guursadeen” oo uu
qoray Axmed Deeq ayaan gorfeeyay.
32-
Buugga la yidhaa “
Masuuliyadda Indheergaradka’ oo uu qoray Cali Shariicatii ayaan soo koobay.
33-Buugga
la yidhaa “3 Sirood ee Waqtiga Looga Midhadhaliyo?’ oo uu qoray Cali
Shariicatii ayaan soo koobay.
34-
“ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad” oo
uu qoray Najdi Kaamil ayaan gorfeeyay.
35-Buugga
la yidhaahdo “ leadership Development~ Horumarinta Hoggaaminta.”
36-
Buugga la yidhaahdo “
Obstacles on the Way ~ Caqabadaa jira.” Ayaan soo koobay isna.
37-Buugga
la yidhaahdo “ U Samafalka labada Waalid.”
38-
Buugga la yidhaahdo “
Oral Poetry and Somali Nationalism.” By
Saciid Sh. Samatar.
39-
Buugga la yidhaahdo “ 15
Secrets Successful People Know About the Time
Management.”
40-
Buugga la yidhaahdo “
Working With The Enemy.”
41- Buugga
la yidhaahdo “ Ku Raaxayso Noloshaada.”
42-
Buugga la yidhaahdo “
Before You Quit Your Job.”
43-
Buugga la yidhaahdo “
Think and Grew Rich.”
44-
Buugga la yidhaahdo “
Awoodda Bini’aadanka~ Daaqatul Bashariya.”
45-
Buugga la yidhaahdo “
Hilinka Guusha ~ Dariiqu Ilal Imtiyaas.”
46-
Buugga la yidhaahdo “ 13
Things Mentally People About Time Management.”
47-
Buugga la yidhaahdo “
The Rules of Work.”
48-
Buugga la yidhaahdo “
The Power of Positive Thinking.”
49-
Buugga la yidhaahdo “I
Know How She Does It.”
50-
Buugga la yidhaahdo “
Creating A World Without Poverty.”
Caqabadaha
Barnaamijka
Caqabadaha aan labadaas sano kala kulmay
Xogkorodhsi way badanyihiin. Mana soo koobi karo. Sababta u wayna waxa ay ahayd
maadaama uu ahaa barnaamij aan taageero helin, se kaliya uu ku socday jeebka
hal qof! Taasi waxa ay keenaysaan in culaysku hal qof kaliya fuulo. Dabcanna
way dhacday, oo aniga kaliya ayaa caqabadahaa iyo waxkasta la dabbaalanayay.
Caqabadaha waxa aan ka xusayaa:
1-
Waqti: Marka aan
diyaarinayo ee dib u qorayo, marka aan jeedinayo intuba waqti bay iiga
baahnayd.
2-
Dhaqaale: Soo iibsashada
Buugaagta, Kamaradda iyo waxyaabaha la midka ahi waxa ay u baahnaayeen dhaqaale
gaar ah oo u baahan in wax loo diyaarsho.
3-
Dadaal: Marka aan buugga
akhriyayo waa inaan aad ugu fiirsadaa oo dadaal geliyaa.
Maxaa Laga
Faa’iday?
Markii aan Barmaamijka bilaabayay u jeeddooyin ayaan u
aasaasay. U jeeddooyinkii aan u sameeyay waxa aan isleeyahay badankoodii
wuu haqabtiray, kuwa dhimanna wuu buuxin
doonaa. Waxyaabaha aan isleeyahay waa laga taransaday waxaa ka mid ah:
1-
In la helay madal
faallada buugaagta loogu soo hagaago.
2-
In dad badan buugaag ay
waayeen ay nuxurkooda heleen.
3-
In dad badan
dhiirrigelin ay buugta ku akhriyaan uu u noqday.
4-
Dad badan ayaa helay
buug diyaarsan oo la soo shiilay.
5-
Faallooyin kooban oo
maqal iyo muuqaal ah ayay dad badan wax ka taransadeen.
6-
Buugaag halkan lagu soo
bandhigay ayay dad badan xusheen oo intay dib u raadsadeen ka sii faa’ideystay.
Farriinta
Daawadayaasha iyo Akhristayaasha
Daawadayaasha iyo Akhristayaasha sharafta
leh marka koowaad waxa aan leeyahay waad mahadsantihiin. Marka labaad na waxa
aan leeyahay Alle ha idinku anfaco. Marka saddexaad waxa aan leeyahay weeleeya
oo ku dhaqma, asxaabtana sii gaadhsiiya si ay innoola soo eegaan buugaagta,
ugana faa’idaystaan.
Gebagebo
Muddo laba sano ah ayuu Xogkorodhsi socday.
Barnaamij isxilqaan ah ayuu ahaa. Mana jirin cid si gaar ah ula socotay oo wax
ku taageeri jirtay, iyo cid maalgelin jirtay. Se nafhurid ayaan ku waday. Waxa
aan rejaynayaa inaan sii wado haddii duruuftu ii saamaxdo. Haddii se uu joogsado
in wuxuun uu taray bulshada ayaan qabaa. Cidda dhegaysata/akhrisata/daawata ee
la socota Alle ha ku anfaco. Iyaguna bulshada ha sii gaadhsiiyaan.
Halkan
ayaad kala socon kartaa Xogkorodhsi: https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA/videos
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Noofanbar, 2021
Comments
Post a Comment