Posts

Showing posts from April 26, 2020

Saciid Binu Caamir Al Jumaxi

Image
Kumannaan dad ah ayaa meel barxada iskugu soo baxay, oo soo dareeray. Goobtu   waa meesha la yidhaa Tanciim, oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay.   Sababa la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Benu Cadi oo ka mid ah Asxaabtii Nebi Muxammed. Dadka goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaad la toogan ka hor. Hadalkiisii deggannaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaa uu tukanayay waxa eegayay Caamir Binu Saciid, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.”   Caamir, wuxuu xaadiray, oo indhihiisa ku eegayay tolkii oo qaybqayb u googaynaya Khubayb oo nool. Jidhkiisa ayay qurubqurub u jarjarayeen iyaga oo ku leh: “ Ma jeclaan lahayd inuu Nebi Muxammed booskaagaa joo

Sooyaalka Asxaabta: Anas Binu Maalik Al Ansaari (1)

Image
Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nebi Muxammed na SCW magaalada Maka. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nebigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nebi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nebi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nebi Muxammed SCW, ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nebiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qabto.” Nebigu, wuu farxay, Anas ayuu madaxa ugu salaaxay gacantiisii sharaf

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Image
Hordhac Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!” Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga. Waxa uu ka koobanyahay   257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedka Adna Aadan.   Waxa aan isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud soo koobo. Nuxurka buugga Buugga intaanad gelin dhinaca hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, waxa ay ku