Sooyaalka Asxaabta: Anas Binu Maalik Al Ansaari (1)




Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nebi Muxammed na SCW magaalada Maka.
Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nebigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nebi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nebi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay.
Markii uu Madiina waxyar joogay Nebi Muxammed SCW, ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nebiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qabto.” Nebigu, wuu farxay, Anas ayuu madaxa ugu salaaxay gacantiisii sharafta lahayd.
Anas, waqtigaa uu Nebi Muxammed raacay wuxuu ahaa 10 sano jir. Halkaas ayuu madarasaddii Rasuulka SCW kaga biiray. Muddo badan ayuu Diinta ka baranayay, Axaadiisatana ka warinayay. Nebiga illaa intii uu dhimanayay wuu la noolaa. 10 sano markii uu la joogay ayuu Nebigu dhintay SCW. Intii uu la noolaa dhaqan wanaagsan ayuu kala kulmay.
Anas, wuxuu ka sheekeeyay Qiso isaga iyo Nebi Muxammed dhexmartay. Wuxuu sheegay in maalin Nebigu meel u diray. Dabadeedna, uu arkay carruur ciyaaraysa. Wuu yaraa, oo waqtiga ay carruurtu yaryihiin ciyaarta ayay jecelyihiine Anas carruutii ayuu ku leexday oo ciyaartii ayuu la bilaabay. Markii ciyaartu dhammaatay, ayuu arkay nin dabataagan. Wuu eegay, waaba Rasuulkii SCW oo dhoollacaddaynaya. Nebiga ayaa ku yidhi: “ Anasyarooe, ma tagtay meeshaan kuu diray?” Markaasuu Anas yidhi: “ Haa. Hadda ayaan tagayaa.”
Anas, wuxuu yidhi: “ Wallaahi baan ku dhaartee, 10 sano ayaan Nebi Muxammed u shaqaynayay. Wax aan sameeyay ima odhan maxaad u samaysay. Waxa aan samayn waayayna ima odhan maxaad u samayn wayday.” Dhaqan wanaagsan, oo ixtiraam, iyo jacel ku dheehanyahay ayuu Nebigu SCW lahaa.
Wuxuu ku dadaali jiray inuu Nebiga qaato wixii uu amray, wixii uu ka nahiyayna inuu ka tago. Wuxuu Anas, yidhi: “ Laba maalmood ayaan aad u xasuustaa Nebiga. Waa: maalintii aan la kulmay, iyo maalintii uu geeriyooday.” Maalinta uu la kulmay markuu xasuusto wuu farxijiray, oo waa maalintii ugu horraysay ee uu arko qofkii uu jeclaa. Halka maalinta  uu dhintay Nebi Muxammed marka uu xasuusto uu murugoonjiray ee ooyijiray.
Nebigu SCW wuu u duceeyay Anas, oo wuxuu yidhi: “ Allow, ku arsaaq xoolo iyo carruur, una barakee.” Alle, wuu u aqbalay ducaadaa, oo Anas wuxuu ka mid noqday Ansaartii kuwii ugu hantida badnaa. Carruur badanna wuu dhalay, oo waxaa la sheegaa in carruurtii uu dhalay, kuway sii dhaleen ay illaa 100 gaadheen. Da’dana Alle wuu u barakeeyay, oo wuxuu gaadhay 100 sano jir.
Markii uu dhimanayay, wuxuu dardaarmay in Shahaadada loo laqimo, Nebigana lagu ag aaso. Ballantii waa loo fuliyay. Sidaas ayuu ku geeriyooday Asxaabigii qaaliga ahaa ee aqalka Rasuulka ku soo barbaaray. Alle haka raalli noqdo.

Waxa aan ka soo turjumay Kitaabka “ Suwaru in Xayaati Saxaaba.” Oo uu qoray Sh. Cabdiraxmaan Al Baashaa.

Waa innoo Xalqadda Xigta
Rabadaan, 1441.

Cabdirasaaq Sandheere



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?