Saciid Binu Caamir Al Jumaxi




Kumannaan dad ah ayaa meel barxada iskugu soo baxay, oo soo dareeray. Goobtu  waa meesha la yidhaa Tanciim, oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay.  Sababa la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Benu Cadi oo ka mid ah Asxaabtii Nebi Muxammed. Dadka goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir.
Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaad la toogan ka hor. Hadalkiisii deggannaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaa uu tukanayay waxa eegayay Caamir Binu Saciid, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.”  
Caamir, wuxuu xaadiray, oo indhihiisa ku eegayay tolkii oo qaybqayb u googaynaya Khubayb oo nool. Jidhkiisa ayay qurubqurub u jarjarayeen iyaga oo ku leh: “ Ma jeclaan lahayd inuu Nebi Muxammed booskaagaa jooga, oo aad adna badbaadid?” Khubayb oo dhiiggu ka tifiq leeyahay ayaa lahaa: “ Wallaahi, ma jeclaadeen in Nebi Muxammed qodaxi muddo, aniga oo ehelkayga iyo carruurtayda la jooga oo nabadqaba.” Markaasay dadkii qaylyeen oo ku dhawaaqayeen: “ Dila, dila, dila.” Saciid Benu Caamir, ayaa eegay Khubayb oo oo indhihiisa samada u jeediyay, geedkii lagu daldalayay dushiisa, isaga oo leh: “ Allow tiradooda koob. Dhammaantood laa oo waxba haka tagin.”
Intaa wixii ka danbaysay wiilkan yare eee Saciid, maskaxdiisa kamay maqnaanin sidii Khubayb loo galay. Marka uu seexdo wuu ku qarwi jiray. Marka uu soo jeedana wuu sawiran jiray. Waxaa markasta hor iman jiray Khubayb oo si wanaagsan Labadii Ragcadood u tukanaya.  Khubayb oo la googoynayo. Saciid, dilkii Khubayb ka dib, wuxuu bartay wax aannu intii hore aqoon. Wuxuu bartay in nolosha dhabta ahi ay tahay Caqiidada wanaagsan, iyo Jihaadka. Waxa kale, oo uu bartay in Iimaanka qofka ku degay uu qofka ku sababo inuu sameeyo waxyaabo layaableh. Ugu danbayn, wuxuu ogaaday in ninka ay Asxaabtiisu jecelyihiin inuu yahay Nebi Samada laga taageersanahay oo dhaba.
Intaas ka dib Alle wuxuu laabtiisa ku sharxay Islaamnimada Saciid. Wuxuuna sheegay in uu bari ka yahay waxa ay Qureyshi caabuddo, iyo waxa ay samaynayaanba, Diinta Allena uu galay. Saciid, wuxuu u hijrooday Madiina. Rasuulka ayuu ku taxmay. Wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Khaybar, iyo dagaalladii kale ee ka danbeeyay. Markii uu Rasuulku dhintay wuxuu aad ula shaqeeyay oo la saaxiibay Labadii Asxaabi ee Abiibakar, iyo Cumar.  Wuxuunna tusaale u noqday qof adduunyadiisii aakhiro ku iibsaday, oo Raalligelinta Rabbi ka doorbiday wixii ay naftu jeclayd, iyo wixii jidhku u hamuunqabayba.
Labadii Khaliif ee Abiibakar, iyo Cumar ba talada Saciid aad bay u weelayn jireen. Camar markii uu talada qabtay ayuu Saciid u soo galay, markaasuu Saciid ku yidhi: “ Cumaroow, waxa aan kuu dardaarmayaa in aad Alle dadka uga cabsato, oo waa in uuna hadalkaagu khilaafin ficilkaaga. Hadalka ka ugu wanaagsani waa ka uu ficilku ka runsheego e.” Dardaaranna kale, oo badan ayuu Cumar siiyay.
Maalin kale, ayuu Saciid ku yidhi: “ Cumaroow, hagaaji arrinta uu Alle Muslimiinta kuugu dhiibay ka dhaw iyo dheer ba. La jecloow waxa aad naftaada, iyo cidda kuu dhaw la jeceshahay. U nac waxa aad naftaada iyo cidda kuu dhaw u nacdid. Xaqa badhtanka u gal, oo mid canaananaya canaantii ha uga biqin.” Markaasuu Cumar ku yidhi: “ Saciidoow, yaa karaya arrintaa?!” Markaasuu Saciid yidhi: “ Waxa karaya nin sidaada Alle u dhiibay taladii Ummadda Nebi Muxammed, oo ayna isaga iyo Alle waxba u dhexayn.”
Intaas ka dib Cumar, waxa uu la tashaday ciddii u dhawayd. Wuxuunna Siciid ku yidhi: “ Waxa aan kuu dhiibayaa talada Ximis.” Markaasuu Siciid yidhi: “ Cumaroow, Alle ayaan kugu dhaariyee ha I fidnayn.” Cumar baa yidhi: “ Hooge, talada ayaad ii dhiibteen oo qoortayda saarteen, markaas ayaad igu cidlaynaysaan!!” Ugu danbayn Saciid, waxaa laga dhigay guddoomiyaha Ximis. Wax xoolo ah in la siiyo ayaa la wayddiiyay. Wuu diiday in wax loo dhiibo. Hadda, ogoow oo waxba muu haysan.
Waxyar ka dib ayuu Cumar dad uu ku kalsoonyahay ku yidhi: “ Magacaanta dadka saboolka ah ee ku nool Ximis ii soo qora.” Waa loo soo qoray. Waxa lagu soo daray Saciid Benu Caamir. Markaasuu Cumar Benu Khaddaab yidhi: “ Saciidkuna waa ayo?” Markaasay yidhaahdeen: “ Waa Guddoomiyahayaga!” Cumar baa yidhi: “ Guddoomiyihiinnu ma saboolbaa?” Markaasay yidhaahdeen: “ Haa. Wallaahi baan ku dhaarannee, maalmo badan oo aan gurigiisa dab laga shidin ayaa na soo maray.” Cumar baa ooyay, oo ilmadii gadhkay qubatay. Dabadeedna, Kun Diinaar ayuu laalaabay oo Boorso ku riday, markaasuu yidhi: “ Salaan iga gaadhsiiya Saciid. Waxaanad ku tidhaahdaan intan waxa kuu soo diray Madaxweyinihii Muuminiinta, si uu kuugu kaalmeeyo.” Wafdigii siday lacagta ayaa u yimid Saciid. Markay lacagtii u dhiibeen ayuu iska fogeeyay oo yidhi: “ Innaa Lilaahi Waa Innaa Ilayhi Raajicuun, sidii oo ay masiibo dhacday!” Xaaskiisii ayaa soo boodday, markaasay tidhi: “ Maxaa kugu dhacay, Saciidoow? Ma Amiirkii Muuminiinta ayaa dhintay?” Markaasuu yidhi: “ May, wax ka wayn baa dhacay!” Markaasay tidhi: “ Maxaa ka way ee dhacay?” Markaasuu yidhi: “ Adduunyadii ayaa iisoo gashay, si ay aakhiradayda iiga fasahaadiso. Gurigaygiina Fidno ayaa ku kaliyaysatay!” Markaasay tidhi: “aynu qaadanno, iyada oo aan waxbadan ka fahansanayn.” Markaasuu yidhi: “ Miyaad igu kaalmaynaysaa arrintaas?” Markaasay tidhi: “ Haa.” Dabadeedna, wuxuu qaaday Danaaniirtii/lacagtii  oo intuu Kiish ku riday ayuu dadka saboolka ah u qaybiyay.
Waxyar ka dib dadkii uu maamulayay ayaa 4 arrimood kaga soo cabtay Saciid. Cabashadii waxa ay gaadhay Cumar. Cumar baa dadkii ku yidhi: “ maxaad kaga cabanaysaan?” Markaasay yidhaahdeen, waxaannu kaga cabanaynaa: “Ma soo baxo illaa maalintu soo dheeraato.”  Cumar baa yidhi: “ Saciidoow, maxaad kaga jawaabaysaa?” Markaasuu Saciid, intuu inyar aamusay yidhi: “ In aan arrintaa sheego waan diiddanaa, se hadda waa lagamamaarmaan. Xaafaddayda ma joogo shaqaale. Aroorkasta waan kacaa, oo qooshka ayaan garaacaa. Dabadeed, inyar ayaan sugaa intuu khamiirayo. Deedna xaafaddaan u dubaa. Dabadeedna, waan waysaystaa oo Salaadda ayaan u baxaa.”
Cumar baa haddana yidhi: “ Maxay kale ee aad kaga cabanaysaan?” Markaasay yidhaadeen: “ Habeenkii qofna ma ajiibo?” Cumar baa yidhi: “ Saciidoow, maxaad ka leedahay arrintaas?” Saciid baa yidhi: “ maan doonayn inaan sheego, se qasab bay noqotay. Maalintii ayaan iyaga u daayay, habeenkiina Alle.”
Markaasuu Cumar haddana yidhi: “ Maxay kale ee aad kaga cabanaysaan?” Waxa ay yidhaahdeen: “ Maalin ka mid ah Bisha nooma soo baxo.” Cumar baa yidhi: “ Maxaad ka leedahay Saciidoow?” Saciid baa yidhi: “ Amiiroow, xaafaddayda ma joogo shaqaale. Dharna ma lihi kaa aan xidhanahay mooyee waxkale. Bishii mar ayaan maydhaa kanna, oo waxa aan sugaa inta uu qallalayo. Dabadeedna, maalinta inteeda danbe ayaan soo baxaa!”
Cumar baa yidhi: Maxay kale ee aad kaga cabanaysaan?” Waxa ay yidhaahdeen: “ Mararka qaar ayuu miyirdoorsoomaa. Oo qofkii la fadhiyay meesha ku cidleeyaa?” Cumar baa yidhi: “ Saciidoow, maxaad ka leedahay?” Saciid, waxa uu yidhi: “ Waxa aan goobjoog ka ahaa dilkii Khubayb aniga oo gaal ah, waxa aan arkayay Qureysh oo jarjarayay, iyaga oo ku leh: “ Ma jeceshahay in Muxammed Booskaaga ku jiri lahaa? Markaasuu isna lahaa Wallaahi, ma jeclaadeen in Nebi Muxamnmed qodaxi muddo, aniga oo ehelkayga iyo carruurtayda la jooga oo nabadqaba… Markaan maalintaa xasuusto sidii aan ahaa ee aanan ugu gargaarin waxa aan u maleeyaa inuuna Alle ii danbi dhaafaynba, markaasaan MIYIRDOORSOOMAA!
Intaas ka dib Cumar, waxa uu yidhi: “ Allihii aan malahayga igu hoojin ayaa mahadleh. Deedna Cumar Kun Diinaar ayuu soo saaray oo uu ku yidhi baahidaada ku dabool. Saciid, xaaskiisii oo aragtay lacagta ayaa tidhi: “ Alle ayaa mahad leh.  Raashin innoo soo sii. Shaqaalana innoogu soo qabo.” Markaasuu Siciid, yidhi: “ miyayna jirin nwax arrintaa innooga khayr badani?” waxa ay tidhi: “ Waa maxay?” Wuxuu yidhi: “ Ciddii innoo timaad ayaan siinaynaa, si aan u helno marka aan maanta ka baahi badannahay?” Waxa ay tidhi: “ Taasi waa tee?” Wuxuu yidhi: “ Alle ayaan qardi xasana amaahinaynaa.” Waxa ay tidhi: “ Haa. Wanaag baad samaysay.”Intuu Kiish ku riday ayuu qofku u dhiibay oo ku yidhi: “ U tag Carmashii hebel oo u gee. U gee Agoontii hebel. Masaakiinkii hebel.”
Allah haka raalli noqdo Saciid, waxa uu ka mid ahaa kuwa adduunyada Aakhiro ka doortay.

W/Q: Cabdirasaaq Sandhere
27 Abril, 2020.
04 Rabadaan, 1441







Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?