Posts

Showing posts from February 20, 2022

Sookoobidda Buugga “ 100 Sheeko iyo Sheeko”

Image
Hordhac Buugga aynu faallaynayno waxa la yidhaahdaa “ 100 Sheeko iyo Sheeko.” Waxa qoray maxamed Xasan Cali oo ku magacdheer Weji. Buuggu waxa uu   ka hadlayaa   sheekooyin iyo qisooyin waaqica nolosha ka hadlaya. Qoraaga buugga qoray waa qof inta badan lagu barto sheekooyinka, xikaayaadka iyo qisooyinka waaqica ah eek u saabsan qaybaha kala duwan ee nolosha. Waa qof ku caan ah ka qoslinta, xiisagelinta, sharraxaadda iyo metelaadda waaqica nololeed ee kolba lagu jiro. Buugta mawduucan ku saabsan ka Soomaali ahaan way yaryihiin, balse ka sheekaynta iyo warinta sheekooyinka iyo qisooyinku waa mid ay Soomaalidu ku caantahay oo gole kasta iyo madalkasta lagaga sheekaysto. Sheekadu waxa ay u kala baxdaa laba qaybood: Sheeko dheer ( Novel), sheeko dhexdhexaad ah, iyo sheeko gaaban ( Short Story). Saddexdaas qaybood ba buuggu wuu iskugu jiraa, waana sheekooyin waaqica nolosha uun uu ka sameeyay, ma aha kuwo dhab ahaan u jira sida uu xusayo. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 142 bog. She

Sookoobidda Buugga “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha. Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “I Know How She Does It.” Buuggani waxa uu ka koobanyahay 173 bog. 3 qaybood ayay u qaybinaysaa. Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”   Qaybta ku xigtana ‘ Maxay guuleystayaashu qabtaan laba maalmaha toddobaadku dhammaanayo ee fasaxa ( Weekend). Qeybta saddexaad ee u danbaysa waxa ay kaga warramaysaa “ Maxay dadka guuleystayaashu qabtaan markay shaqada joogaan?” Si guud ayaynu nuxurka saddexdaas qaybood u dulmari. Nuxurka Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”   Marka ay dhiraandhir