Sookoobidda Buugga “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.”

Hordhac

Buuggan la yidhaa “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha.

Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “I Know How She Does It.”

Buuggani waxa uu ka koobanyahay 173 bog. 3 qaybood ayay u qaybinaysaa. Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”  Qaybta ku xigtana ‘ Maxay guuleystayaashu qabtaan laba maalmaha toddobaadku dhammaanayo ee fasaxa ( Weekend). Qeybta saddexaad ee u danbaysa waxa ay kaga warramaysaa “ Maxay dadka guuleystayaashu qabtaan markay shaqada joogaan?”

Si guud ayaynu nuxurka saddexdaas qaybood u dulmari.

Nuxurka

Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”  Marka ay dhiraandhirin badan, iyo tijaabooyin badan oo la sameeyay sheegto waxa ay sheegaysaa in guuleystaashu aroortii sameeyaan waxyaabahan:

1-      Waxa ay kobciyaan xirfaddooda: Macne ahaan, waxa ay dejiyaan istaraatijiyado, oo waxa ay diirradda saaraan shaqadooda.

2-    Waxa ay kobciyaan xidhiidhkooda: Waxa ay si wanaagsan u sii xoojiyaan xidhiidhka eheladooda iyo asxaabtooda.

3-     Waxa ay sii horumariyaan nadtooda: Waxa ay sameeyaan JIMICSI, waxa ay xoojiyaan ruuxdooda, sidoo kale waxyaabo naf ahaan u wanaagsan ayay sameeyaan.

Qofku markuu soo tooso sida uu u maamulo waqtigiisa ayay maalinta oo dhanna noqotaa. Qoraayaddu waxa ay xusaysaa sida qofku aroortiisa u hagaajisan lahaa. Dhawrkan qodob ayay kugula talinaysaa:

1-      Waqtigaaga habee.

2-    Aroortaada wanaagsan eed rabto sawiro.

3-     Caado samayso.

4-    Qabo waxyaabaha kuu muhiimka ah.

Qeybta 2aad, qoraayaddu waxa ay kaga warramaysaa ‘ Maxay guuleystayaashu qabtaan laba maalmaha toddobaadku dhammaanayo ee fasaxa ( Weekend)?” Waxa ugu weyn ee ay qaybtan ku sheegayso inay guuleystaaashu qabtaan toddobaadka waa inay QORSHE leeyihiin. Waxa ay xusaysaa in intayna gaadhin labada maalmood ee fasaxa ee toddobaadka ku jira inay qorshe samaystaan guuleystayaashu. Inta labadaas maalmood lagu jirana qorshahaas fuliyaan.

Waxyaabaha ay qabtaanna waxa ka mid ah:

1-      Caado ay samaysteen ayay qabtaan labadaas maalmood.

2-    Madaddaalo.

3-     Socod, ama orod.

Qeybta 3aad, waxa ay qoraayaddu kaga warramaysaa “ Maxay dadka guuleystayaashu qabtaan markay shaqada joogaan?” Qoraayaddu waxa ay xusaysaa inay yihiin dad waxsoosaar leh oo shaqadooda siday tahay u qabsada. Waxa ay ku foogganyihiin waxa ka mid ah:

1-      Saacadahooga ayaa u xisaabsan, oo ay maskaxda ku hayaan.

2-    Qorshe ayay leeyihiin.

3-     Guushooda ayay rumeeyaan.

4-    Waxa ay garanayaan shaqadu tahay. ‘

5-     Waxa ay sameeyaan way ku celceliyaan.

Gebagebo

Saddexdaas qaybood ayuu buuggu ku dhanyahay. Waynu sheegnay qaybkasta intii ugu muhiimsanayd. Intaas ayaan ku soo koobayaa. Nabadeey.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

25 Abril, 2020.
2 Rabadaan, 1441.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?