Sookoobidda Buugga “ 100 Sheeko iyo Sheeko”



Hordhac

Buugga aynu faallaynayno waxa la yidhaahdaa “ 100 Sheeko iyo Sheeko.” Waxa qoray maxamed Xasan Cali oo ku magacdheer Weji. Buuggu waxa uu  ka hadlayaa  sheekooyin iyo qisooyin waaqica nolosha ka hadlaya. Qoraaga buugga qoray waa qof inta badan lagu barto sheekooyinka, xikaayaadka iyo qisooyinka waaqica ah eek u saabsan qaybaha kala duwan ee nolosha. Waa qof ku caan ah ka qoslinta, xiisagelinta, sharraxaadda iyo metelaadda waaqica nololeed ee kolba lagu jiro.

Buugta mawduucan ku saabsan ka Soomaali ahaan way yaryihiin, balse ka sheekaynta iyo warinta sheekooyinka iyo qisooyinku waa mid ay Soomaalidu ku caantahay oo gole kasta iyo madalkasta lagaga sheekaysto.

Sheekadu waxa ay u kala baxdaa laba qaybood: Sheeko dheer ( Novel), sheeko dhexdhexaad ah, iyo sheeko gaaban ( Short Story). Saddexdaas qaybood ba buuggu wuu iskugu jiraa, waana sheekooyin waaqica nolosha uun uu ka sameeyay, ma aha kuwo dhab ahaan u jira sida uu xusayo.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 142 bog. Sheeko ahaanna waa dhawr iyo siddeetan  sheeko oo isku xigxiga. Sheekooyinka uu Maxamed soo gudbinayaa waaqica ayay toos u abbaarayaan. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban buugga u dul maro.

Gudaha Buugga

 

Sheekadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee dhacdooyinka, sooyaalka, iyo waxkasta oo bulshada loo sheegayo lagu gudbiyaa. Bulshada ayaa lagu wacyigeliyaa, waa lagaga qosliyaa, waa lagu maddadaaliyaa, waa lagaga qosliyaa, waxbaa lagu baraa, waxbaa loogu sarbeebaa IWM. Sidoo kale, waxyaabo badan oo sarbeeb ah ayaa loogu sheegaa sheekada.

Sheekooyinka uu qoraagu buugga ku soo gudbinayaa noocyo kaladuwan ayay iskugu jiraan. Waxa ka mid ah kuwo ka hadlaya  dhaqan, dadnimo, arrimo bulsho, deeqsinnimo, dhaqaale, bakhaylnimo, IWM. Waxyaabo badan ayay iskugu jiraan, waana kuwo waaqaca taabana.

Aynu soo qaadanno sheeko ka mid ah kuwa buugga ku jira. Ila eeg sheekada qoraagu ugu magacdaray ‘ Anaa Ducaynaya.’

Laba nin oo saaxiibbo ah oo dabeecaddooduna isku mid tahay, ahaana laba nin oo xaasidnimo ku caanbaxay, dadkuna u yaqaannaan caydh faramadhan ayaa waxa maalin Jimce ah ka horyimid addoon ilaahay oo aanay maalintaas ka hor arag, waxaanu ku yidhi: “ Waxyar I dhegaysta, waxa aan ahay addoon Ilaahay, waan ogahay inaad tihiinrag caydh ah oo aan maanta xilo iyo xoolo midna haysan, waxa aan idiin hayaa war farxad leh, kaasi oo saacaddaan hadda joogno waa saacatal Ijaaba, labadiinna ka duceeya ee Ilaahay baryaa waxa wayddiisto ayuu helayaa, ka aamiin yidhaahdana waa loo labalaabayaa. Dhakhsada oo midkiin ha duceeyo, ka kalana aamiin ha yidhaahdo, dhakhsada. Labadii xaasid ayaa mid waliba doonay inuu ka kale duceeyo si uu labanlaab isagu u helo. Markay muddo adigu ducee, iyo adigu ducee isku celcelinayeen ayaa ninkii canaantay oo yidhi: “ Waar dhakhsada saacaddu way dhacaysaaye.” Labadii xaasid oo isku cadhaysan ayaa mid yidhi anaa ducaynaya oo hoos u yidhi “ Ilaahoow il iga tuur.” Kii kale oo aan hadalkiisa maqlayn ayaa yidhi “ Aamiin.” Kii hore il buu beelay, kii labaadna labadaba.

Buugga inta aad akhriyaysid sheekooyin qosol iyo maad leh ayaad ku arkayaa, aadna way kuu farxad gelinayaan akhriskoodu. Bal aynu mid kale soo qaadanno. Sheekadan waxa la yidhaahdaa ‘ Bilee uu Sujuudaa.”

Juxa ayaa kiraystay cariish duuga oo tiirarka uu ku taaganyahay iyo kuwa dadbadan ee saqafkuba ay dildillaaceen, qaarkoodna aya jajabanyihiin. Habeenkii marka ay dhinaca dhigaan isaga iyo carruurtiisu ayaa cariishku wada sanqadhi jiray, saqafkii ayaa jiiqjiiqda ka baxaysa iyo habaaska ka soo daadanaya uu cabsigelin jiray oo ay ka biqi jireen inuu ku soo dumo. Muddo yar ay ku jireen cariishka Juxa iyo reerkiisu hurdo macaan may seexan. Juxa ayaa doontay ninkii cariishka lahaa ee ka kireeyay isaga. Juxa oo aad u xanaaqsan ayaa ninkii u sheegay cariishkiisu inuu dumayo. Ninkii ayaa Juxa wayddiiyay “ Maxaad aragtay ee aad ku ogaatay  in cariishkaygu dumayo?” Juxa ayaa u sheegay in habeen oo dhan saqafka cariishku jiiqjiiqda hayo tiirarka uu taaganyahayna ruxmaan. Ninkii oo dhoollacaddaynaya ayaa Juxa ku yidhi: “ Waar Juxa maanad fahmin sanqadha aad maqlayso. Cariishku wuu Tasbiixsanayaa oo Cabsida Ilaahay ayuu la jiiqjiiq leeyahay!”  Juxa oo qoslaya ayaa ninkii ku  yidhi: “  Waa runtaa, laakiin waxa aan ka baqayaa in baqdinta Rabbi ku badato oo khushuuc ku siyaado oo uu u rukuuco, ka didbna sujuudo oo nagu fadhiisto.

Qaybo kaladuwan oo nolosha ah ayuu buuggu taabanayaa, weliba waxa uu ku jac dhigay waxa uu soo qaadanayaa sheeko nuxur leh oo kaalin nololeed tilmaamaysa.

Buuggu waxyaabaha jaadgooniga la yahay waxa ka mid ah aftahannimada. Sheekooyinka uu ka waramayaa dhammaantood waa kuwo geyiga Soomaalida laga wada fahmi karo, waana xerudhalad oo ma aha kuwa la soo waariday, waa kuwo la wada fahmi karo.

Maxaynu buugga ka baran karnaa?


1- Aftahannimada: Buuggu waxyaabaha uu sida dadbadan uga warramayo waxa ka mid ah aftahannimada, afmiishaarnimada, iyo sida hadalka badan loo soo koobo. Buugga waxa ku jira sheekooyin badan oo tilmaamaya hadallo kookooban oo dadku iswaydaarsadeen.

2- Hadalka Xikmadaysan: Buugga waxa kun jira sheekooyin badan oo ku saabsan hadallo xikmadaysan oo si kooban oo xarrago ka muuqato loo soo koobay.
3- Sheeka samaynta: Sheekooyinka ku jira buuggu waa kuwo si dadbadan u tilmaamaya sida sheeko loo abuuro. Qoraagu si toos ah ugama warramayo, balse sheekada qoran ayuu akhristuhu ka fahmi karaa sheeko samaynta.

4- Maadda: Waxa aynu ka baran karnaa buugga sida dadka looga qosliyo ee loogu sameeyo sheekooyin maad leh, oo qaybaha nolosha taabanaya.

Gebagebo

 

Sheekadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee dhacdooyinka, sooyaalka, iyo waxkasta oo bulshada loo sheegayo lagu gudbiyaa. Bulshada ayaa lagu wacyigeliyaa, waa lagaga qosliyaa, waa lagu maddadaaliyaa, waa lagaga qosliyaa, waxbaa lagu baraa, waxbaa loogu sarbeebaa IWM. Sidoo kale, waxyaabo badan oo sarbeeb ah ayaa loogu sheegaa sheekada.

Qoraa Weji, waa nin ku caan ah samaynta sheekooyinka kala duwan ee waaqica nolosha saamaynaya. Buugga sheekooyin kaladuwan oo waxbadan laga baran karo ayuu ku soo gudbinayaa. Waxyaaba uu ku gudbinayaa way badanyihiin, waana muush; noocyo badana oo  kaladuwan ayay iskugu jiraan. Waxa ka mid ah kuwo ka hadlaya  dhaqan, dadnimo, arrimo bulsho, deeqsinnimo, dhaqaale, bakhaylnimo, IWM. Waxyaabo badan ayay iskugu jiraan, waana kuwo waaqaca taabana.

Waxyaabaha sheekooyinka laga baran karo waxa ka mid ah: Aftahannimada, sheeko samaynta, hadallada kooban ee xikmadaysan, hadallada qosolka ah, kuwa maadda ah, IWM.

Si guud ayaynu u dulmarnay. Waxa aan rejaynayaa in wuxuun laga fahmay nuxurka buuggu daaranyahay.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Boorama, Awdal. 

29 Diisanbar, 2021.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?