Posts

Showing posts from May 9, 2021

Sookoobidda buugga “ Ku Raaxayso Noloshaada~ استمتع بحياتك”

Image
      Hordhac Buuggan ladhkiisa la yidhaahdo “Ku Raaxayso Noloshaada ~ استمتع بحياتك ” Waxa qoray Dr Maxammed Ben Cabdiraxmaan Al Cariifi. Luuqadda carabiga ayuu sheekhu ku qoray oo u doortay asal ahaan. Dr Cariifi, waa daaci islaam ah oo Sucuudiga u dhashay. Waxa uu wax ka dhigaa jaamacadda Boqor Mascuud ee Dalka Sucuudiga. Shahaadada sare ee Ph.D ayuu diyaariyay, wuxuunna ku qaatay Usuulu Diin, Caqiidada. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdicasiis Ibn Baas. Kutub badan oo kale ayuu qoray, waxa ka mid ah “ نهاية العالم (في أشراط الساعة ). .” iyo “ تجربتي في ربع قرن (نصائح للداعية المبندئ ) .” Buuggu wuxuu ka koobanyahay 290 bog. Qaybo badan ayuu iskugu jiraa. Habdhaqanka, iyo hababka dadka lagula dhaqmo ayuu ka warramayaa. Diktoorku muddo 20 sano ah inuu wado baadhidda iyo qoraalka buugga ayuu xusayaa. Qoridda buugga waxa ku dhalisay sida uu xusay, waxa uu sheegay in markii uu jiray da’da 26 sano jir uu buugga la yidhaa “ Fanka dadladhaqanka ” oo uu qoray Dale