Posts

Showing posts from September 9, 2018

Buugga (Fire and Fury inside the Trump white house) waxaa akhriyey Kim Jam Un ( Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya)! Muxuu kala kulmay

Image
    Kim Jam Un: Buuggan magacii? Cadho iyo Dab: Waxaa la   yidhaa ( Fire and Fury~ Dab iyo cadho)! Kim Jam Un: Oo muxuu ka hadlasaa? Cadho iyo Dab: Waa dhigane laga qorey MD Donald Trump ( Madaxweynaha Maraykanka)? Kim Jam Un: kkkkk. Oo ma taariikhdiisa dahabka ah baa?! Cadho iyo Dab: May, odeygu taariikh dahab ah malaha e, wuxuu ka warramayaa in uuna caafimaad qabin! Kim Jam Un: kkkk. Alleylehe baga'. Waar Duqa illayn waa wuxuu ani iiga dhammaan la'yahay! Cadho iyo Dab: Oo adi muxuu ku leeyahay? Kim Jam Un: In aan Maraykan weeraro oo isaga gantaal ku gano sidii adeerkey ayuu ka cabsoonayaa! Oo maalin kasta wuu I sasabaa! Cadho iyo Dab: Ma adeerkaa ayaad dishay? Kim Jam Un: Haa, waliba meel uu ku dhacay ayaa la waayey, lafahiisiina lama arag. Cadho iyo Dab: Gartey. Dhiganahani Trump, beerkuu shanqadhiyey oo in uu joojiyo ayuu isku dayey ba? Kim Jam Un: In uu joojiyo aa?! Waar Habaarqabuhu ma joojin karo, wakaa aniga oo is haynaba waddankeyga iigu yimid! Hmmmm