Buugga (Fire and Fury inside the Trump white house) waxaa akhriyey Kim Jam Un ( Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya)! Muxuu kala kulmay


   


Kim Jam Un: Buuggan magacii?
Cadho iyo Dab: Waxaa la  yidhaa ( Fire and Fury~ Dab iyo cadho)!
Kim Jam Un: Oo muxuu ka hadlasaa?
Cadho iyo Dab: Waa dhigane laga qorey MD Donald Trump ( Madaxweynaha Maraykanka)?
Kim Jam Un: kkkkk. Oo ma taariikhdiisa dahabka ah baa?!
Cadho iyo Dab: May, odeygu taariikh dahab ah malaha e, wuxuu ka warramayaa in uuna caafimaad qabin!
Kim Jam Un: kkkk. Alleylehe baga'. Waar Duqa illayn waa wuxuu ani iiga dhammaan la'yahay!
Cadho iyo Dab: Oo adi muxuu ku leeyahay?
Kim Jam Un: In aan Maraykan weeraro oo isaga gantaal ku gano sidii adeerkey ayuu ka cabsoonayaa! Oo maalin kasta wuu I sasabaa!
Cadho iyo Dab: Ma adeerkaa ayaad dishay?
Kim Jam Un: Haa, waliba meel uu ku dhacay ayaa la waayey, lafahiisiina lama arag.
Cadho iyo Dab: Gartey. Dhiganahani Trump, beerkuu shanqadhiyey oo in uu joojiyo ayuu isku dayey ba?
Kim Jam Un: In uu joojiyo aa?! Waar Habaarqabuhu ma joojin karo, wakaa aniga oo is haynaba waddankeyga iigu yimid! Hmmmm.
Cadho iyo Dab: Yaa kuu keenay adi?
Kim Jam Un: Nin Maraykank joogga oo aannu saaxiib nahay ayaa diyaarad khaas ah isoo saaray illaa 5000 kun oo nuqul.
Cadho iyo Dab: Haa. Oo maad la socotey buugga in uu soo baxey?!
Kim Jam Un: Haa. Waan farxey markaan maqley oo aniga wuxuuba ii noqonayaa faa'ido.
Cadho iyo Dab: Maxaad is leedahay waad ka faa'idi?
Kim Jam Un: Waar waxa igu muhiimsan ee uu ii noqonayaa waa " Dacaaya, erayo xanaf leh, iyo arrimo diblomaasiyadeed oo aan uga faa'ideysto dhiganahan".
Cadho iyo Dab: Maxaad Madaxweynayaasha kale ku odhan lahayd?
Kim Jam Un: Waxa aan odhan lahaa " Waar Iibsada oo akhrista buugga, waa wada run qadhaadh e!"
Cadho iyo Dab: Adigu maalgalinta ma ka qayb qaadan doontaa?!
Kim Jam Un: Haa, oo waliba dalkeygan North Korea, waxa aan ku qasbayaa in ay akhriyaan 90%.
Cadho iyo Dab: Waayo?
Kim Jam Un: Waar Trump, habfekerkiisa iyo habdhaqankiisa ha bartaan oo hana ogaadaan in Maraykan nin waalan u taliyo, dalkoogan Waqooyiga Kuuriyana nin geesiya oo caafimaad qabaa utaliyo, waa magabbade Kim Jam Un e!
Cadho iyo Dab: Haa. Dhiganaha waxaa ku qoran ma wada sax baa ayaad is leedahay?!
Kim Jam Un: Haa, 100% waa sax.
Cadho iyo Dab: Haa, akhris wacan, Magabbade Kim Jam Un.
     
         SIDEE BUU BUUGGA DONALT TRUMP U ARKEY?

Dhiganahan laga qorey MD: Donald Trump, waa mid odeyga shiiley, oo isaga oo taagan intuu disdi ku ridey, markuu karsamay intuu soo saarey calaliyey! Waxooggaa markuu calaliyey, liqi Kari waayey, haddana ku celiyey, markuu ku celiyey ayuu jilcey, markaasuu feentay! Hmmm.
Odeyga erayo iyo hadallo wadnaha dhaqaajiyey ayuu ku ganay sida baaruudda- oo markuu maqley waa ka jiif iyo joog midna xammili waayey ee sarajoogga ayuu ku talleejiyey. Fadh..fadh!
Odeyga aad ayuu ugu miisey, oo wa taa ku ku kaliftey in uu caafimaadkiisii ka shikiyo oo yidhaahdo " Anigu Donald Trump, ahaan, caadi baan ahey, oo waan caafimaad qabaa maskaxdeyduna waa sax, nin waalanna ma ihi, nin ganacsade oo qaniyana waan ahey..." Hmmm!

Dhiganuhu waa ba cajiib! Oo waa mid maangal ah; aragti shiil iyo xis naqdina ku salaysan. Walow, uuna ka badbaadin "personal Attack~ Shakhsi weerar"- Haddana waa xul; oo aragti, feker iyo faallo guud oo qofeed ayuu ku mashquuley. Waa nooca la rabbo, in qof ka loo dhilo- oo haraga uun loo amaansiiyo! Hmmm!
Odey Trump, in uu dhiganaha suuqa ka qabto oo intuuna soo bixin ka hortego ayuu naawilayey. Balse, way la go'dey oo waadaan baa la degtey. Imikana yaab iyo amakaag ayaa kasoo hadhey. Wuxuuna ku calaacalayaa " Maad iska sasabtid, xoog waadigaa ku qaban kari waayee! Maxaad ninka u eriday! .." Oohin baa ka dhammaatey! Hmmm!

 Odeyga waa lagu wiirsadey, oo saaxiibkii Kim Jam Un ( MADAXWEYNTA KUURIYADD WAQOOYi) oo ay is hayeenna wuu ku farxey- oo isaga oo dhoosha ka qoslaya ayuu akhriyey, intuu sidaa u eegayna yidhi " Odeygii Trump, ee burjiga xumaa, wataa la helay". Hmmm!

  W/Q: Cabdirasaaq Cabdirashiid Sh. Maxamed ( Sandheere).


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?