Posts

Showing posts from April 15, 2018

Isma Oga Agoon iyo Ninkii Aabbahood Dilay!

Image
                       Waa wiil 16 jir ah, aabbihii isaga oo yar ayuu hooyadii furey; hooyadii waxa ay ka shaqeysaa sarriimadda oo xawaash iyo khudaarta noocyadeed kala duwan ayey ku iibisaa. Wuxuu dhigtaa dugsi sare, aroorkasta waalla soo eryaa ama wuu habsaamaa. Mararka qaar macallimiinta ayuu isku taagaa oo la dagaallamaa, waana la soo eryaa. Mararka qaar cashirka ayuuna qorin, oo waalla soo eryaa. Mararka qaar sheeko iyo ciyaar ayuu Fasalka ku bilaabaa oo looma aabbo yeelee waalla soo eryaa. Mararka qaar ardeyda ayey islaayaan, waana la soo eryaa. Marka la soo eryo ee uu hooyadii soo kaxeeyana waalagu hor canaantaa, hooyadiina maalinkasta waalla ciilaa oo waxa ay macallimiinta iyo maamulku ku yidhaahdaan “Saaqidkan aad dhashey waxba ma baranayo!” Lacagta fiida hooyadii dirqi ayey ku bixisaa. Intaa waxa ay isleedahay isdhib oo inankaagu wax hakuu barto, isaga ayaa mar ku caawin doonee! Isagu waxan ba uma jeedo, ciyaar iyo dheeldheel ayuu iskaga jiraa, mana oga, dhegna jal