Isma Oga Agoon iyo Ninkii Aabbahood Dilay!


                      


Waa wiil 16 jir ah, aabbihii isaga oo yar ayuu hooyadii furey; hooyadii waxa ay ka shaqeysaa sarriimadda oo xawaash iyo khudaarta noocyadeed kala duwan ayey ku iibisaa. Wuxuu dhigtaa dugsi sare, aroorkasta waalla soo eryaa ama wuu habsaamaa. Mararka qaar macallimiinta ayuu isku taagaa oo la dagaallamaa, waana la soo eryaa. Mararka qaar cashirka ayuuna qorin, oo waalla soo eryaa. Mararka qaar sheeko iyo ciyaar ayuu Fasalka ku bilaabaa oo looma aabbo yeelee waalla soo eryaa. Mararka qaar ardeyda ayey islaayaan, waana la soo eryaa. Marka la soo eryo ee uu hooyadii soo kaxeeyana waalagu hor canaantaa, hooyadiina maalinkasta waalla ciilaa oo waxa ay macallimiinta iyo maamulku ku yidhaahdaan “Saaqidkan aad dhashey waxba ma baranayo!”
Lacagta fiida hooyadii dirqi ayey ku bixisaa. Intaa waxa ay isleedahay isdhib oo inankaagu wax hakuu barto, isaga ayaa mar ku caawin doonee! Isagu waxan ba uma jeedo, ciyaar iyo dheeldheel ayuu iskaga jiraa, mana oga, dhegna jalaq uma siiyo waxan ay hooyadii ku hammiyeyso! Waxbarashadu daacad kama aha, kaliya wuxuu is leeyahay hooyadaa quusi, oo in aad Dugsi dhigato ha  mooddo! Alla islaantu hammi fiicanaa, wiilkeeguna caqli xumaa! Xaaladdu waa “ Isma oga agoon iyo ninkii aabbahood dilaye.”

Buug iyo agabkii uu wax ku dhiganayey oo dhan ayay hooyadii u soo iibisay. Bilkastana lacag badan oo wiilkeeda lagu ganaaxey iyo fiidii ayaa u dheer. Bil uuna wejigu ka xumaan oo ayna macallimiinta hortagin ma jirto. Nususaacaha lacag fiican oo uu ku dhergo ayey siisaa wiilkeeda, duhurkii markuu yimaaddana Qado fiican oo horey loo kariyey ayaa dhakhso loogu ridaa. Hooyadu iyadu halkey aroortii fadhiisato, cadceed dhaca ayey ka soo kacdaa, inta ay afkeeda wax saartaana way yartahay. Sida wiilkeeda marna ma qureecato, marna nususaace ma cunto, marna qado. Halkaas ayey cadceedda kulul iyo habaaska dhacayaan ku dilaan, oo kolba dhinac alaabta uga daadiyaan!

Meeshaa bacadka ah ee ay fadhido iyadu hal hammi ayey leedahay oo waa “ Haddii inankaagu wax kuu baranayo, habaaska iyo qorraxdu waxba sheegi maayaan, waligayba waan fadhiyi”, ayey niyada ku dhisataa. Maalinta la soo eryo ee uu wiilkeedu u yimaado niyada ayaa ka xumaata oo maalintaa oo dhan waxyaabo badan ayey is wayddiisaa, kana fekertaa.
Hooyadaa, mararka qaar waxaa soo mara dhiigmarato cashuur wayddiisa oo waxaa yare e ay iibinaso ee risiqa ka dayayso naftana ku sasabaso wax keen yidhaa, haddey diiddana ka kala daadiya oo u hanjaba. Kolba wiilyar oo cawlan oo suuqa laga soo kexeeyay oo hooyadaa ku cawaandadooda oo alaabta ka daadaadiya, una xoog sheegta!
Xaaladda nafeed ee dhabta ah ee hooyadu ku sugantahay ma fahmayo wiilkeedu, oo wuxuu moodayaa wax kale. Xaaladda nafeed ee dhabta ahna ma fahmaso hooyadu oo waxa ay moodasaa in wiilkeedu wax u baranayo, waxna u xasilinayo. Maalinba maalinta ka danbeysana ay usii dhawaanaso nolol fiican, maadaama inankeedii Dugsigii dhamaynayo. Balse, ma saasaa?!

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
April, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?