Posts

Showing posts from September 25, 2022

Qorshaha Qalijebinta ka dib

Image
   Bishan waxa geyiga Soomaalida guud ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay. Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa. Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo. Maadaama ardaygu muddadaas wax soo baranayay, wuxuu u baahanyahay talo iyo tusaale, waayo waxa uu gelayaa marxalad nololeed oo tii hore ka duwan. Sida uu marxaladdaas u la qabsan lahaana waqti bay qaadanaysaa, awood riixdana way u baahantahay. Mar haddii ardaygii qalinjebiyay waxa laga filayaa isbeddel badan, oo dad ay ugu mudanyihiin kuwii ku soo tabcay waxa ay ka sugayaan inuu iyaga waxtaro. Arrinta ugu muhiimsani waa shaqo, shaqana waqtigan la joogo sida lagu helaa way adagtahay. Ardayoow, muddo badan baa lagugu

Barashadii Saaxiibkay: 7 sano oo Saaxiibtinnimo & Walaalnimo

Image
Xalay waxa aan satoogiyay saaxiib igu qaali ah. Toddoba sano ayaan saaxiibbo dhaw oo isku meel ku wada nool ahayn. Waa halkii maahmaahdii Soomaalidee wadajoog rag waayahaa diidaye waxa na kala gaysay duruuf nololeed oo qasab noqotay, balse ma aha mid aan ku kala dheeraanayno, qalbiyadayadu way   wada joogaan, waxaanan wehel wayn noo noqon doona xasuusihii aan soo wada qaadannay ee 7 sano hortood bilaabmay. Isku qabiil maanaan ahayn, walaalo hooyo wada dhaleen iyo ilma adeer iyo qaraabo kale toona maanaan ahayn. Se intaaba wuu iiga dhaawaaday, wuuna iiga wacnaa. Ujeeddada kaliya ee isku kaaya keentay waxa ay ahayd isfahan iyo isku dareen wada raba, isku dhinac u wada socda. Waan isduruuf ogayn, waanan iska warhaynay. Waxa aan isbarannay waqti aannu labadayaduba barbaar wada ahayn, waa waqtiga saaxiibtinnimadu qiimaha leedahay ee qofka haddii ay ka xumaato saamayn taban oo nololeed ku keento, haddii ay u samaatana saamayn togan u keento. Abuubakar waxa aan isku barannay Masaajid,

Taariikhda Sh. Yuusuf Al Qardaawi

Image
Hordhac Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii Sibtanbar 2022kii waxa geeriyooday Sheekh Yuusuf Cabdullaahi Al Qaradaawi. Wuxuu ku geeriyooday da’da ah 96 sano jir. Sheekh Yuusuf, waxa uu ahaa aqoonyahan Islaam ah oo ku takhasusay culuumta kala duwan ee Islaamka, waxa uu baac dheer u lahaa aqoonta Diinta Islaamka. Sidoo kale, waxa uu ahaa Mufti, iyo Wadaad wax taxliiliya oo mas’alooyin badan aqoontiisa darteeda wax ku darsaday. Dhalashadii, Barbaarintii iyo Waxbarashadii Qardaawi Sh. Yuusuf, sannadkii 1926kii ayuu ku dhashay dalka Masar, gaar ahaanna tuulada la yidhaahdo Saft Turab. Wuxuu asal ahaan u dhashay dalka Masar, oo uu ka soo jeeday. Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah oo beeralay ah, waalidkii waxa ay ahaayeen oo ku shaqaysan jiray xirfadda beeraha. Aabbihii ayaa geeriyooday isaga oo laba sano jiray, wuxuuna agoonnimo ku dareemay da’da laba sano jir ah. Markii aabbihii dhintay waxa soo koriyay adeerkii.   Sh. Qardaawi waxa uu dhashay iyada oo dalkiisii Masar uu gumayst