Taariikhda Sh. Yuusuf Al Qardaawi
Hordhac
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii Sibtanbar 2022kii waxa
geeriyooday Sheekh Yuusuf Cabdullaahi Al Qaradaawi. Wuxuu ku geeriyooday da’da
ah 96 sano jir. Sheekh Yuusuf, waxa uu ahaa aqoonyahan Islaam ah oo ku
takhasusay culuumta kala duwan ee Islaamka, waxa uu baac dheer u lahaa aqoonta
Diinta Islaamka. Sidoo kale, waxa uu ahaa Mufti, iyo Wadaad wax taxliiliya oo
mas’alooyin badan aqoontiisa darteeda wax ku darsaday.
Dhalashadii,
Barbaarintii iyo Waxbarashadii Qardaawi
Sh. Yuusuf, sannadkii 1926kii ayuu ku dhashay dalka Masar,
gaar ahaanna tuulada la yidhaahdo Saft Turab. Wuxuu asal ahaan u dhashay dalka
Masar, oo uu ka soo jeeday. Waxa uu ka dhashay qoys sabool ah oo beeralay ah,
waalidkii waxa ay ahaayeen oo ku shaqaysan jiray xirfadda beeraha. Aabbihii
ayaa geeriyooday isaga oo laba sano jiray, wuxuuna agoonnimo ku dareemay da’da
laba sano jir ah. Markii aabbihii dhintay waxa soo koriyay adeerkii.
Sh. Qardaawi waxa uu dhashay iyada oo dalkiisii Masar uu gumaysto
Ingiriisku. Isla markiiba Qaradaawi waxa uu noqday u dhaqdhaqaaqe ka soo horjeeda
gumaystihii Ingiriiska, taasi waxa ay keentay in marar kala duwan la xidho.
Isaga oo 9 sano jira ayuu Quraanka bartay oo dusha ka qaybay. Intaas
ka dib wuxuu ku biiray Machad ku yaalla magaalada Tanta, si uu uga barto
aqoonta Diinta Islaamka, Machadkaasna 9 sano ayuu dhiganayay. Intii uu
Machadkaas ku jiray waxa uu bartay Sh. Xasan Al Bannaa oo ahaa aasaasihii
Ururka Ikhwaan Al Muslimiin; Sheekh
Xasanna waxa ay isku barteen Machadkaas uu Qardaawi dhiganayay ayuu Sh.
Xasan Muxaadaro ka jeediyay. Qaradaawi, wuu ka warramay Sh. Xasan Al Bannaa,
wuxuuna yidhi Qardaawi: “ Sh. Xasan waxa uu ahaa Cabqari diineed oo ku
noolaaday dhaxalkii Nebiga.”
Markii uu Machadkaas dhammaystay Sh. Qaradaawi waxa uu u
guuray caasimadda Qaahira, halkaas ayuu kaga biiray Jaamacadda guunka ah ee Al
Azhar, sannadkii 1953kii ayuu Shahaadada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda,
wuxuuna bartay culuumta caqiiqada, wuxuuna noqday ardaygii kaalinta koowaad
galay. Machadka Cilmibaadhista Carabta ayuu ka qaatay Shahaado ku saabsan
Luuqadda Carabigaa iyo Suugaanta. Sidoo kale, waxa uu Jaamacadda Azhar
marlabaad ka qaatay Shahaadada heerka labaad ee Mastarta, isaga oo ku
diyaariyay Culuumta Quraanka iyo Barashada Usuusha Axaadiista, sannadkii 1960kii.
Sannadkii 1973kii wuxuu Shahaadada heerka saddexaad ee Ph.D ka dhammaystay
Jaamacadda Al Azhar, wuxuuna ku diyaariyay Sakada, wuxuuna cinwaankii uu
diyaariyay ee buugga ka qoray ahaa “ Sakada iyo saamaynta ay ku leedahay
xallinta dhibaatooyinka bulshada.”
Sh. Yuusuf Sannadkii 1962kii Jaamacadda Azhar ayaa u dirtay
Dugsi ku yaallay dalka Qadar, kaa si oo lagu baran jiray Arrimaha Diinta la
xidhiidha. Sannadkii 1977kii wuxuu ku biiray maamulka Jaamacadda Qadar, wuxuuna
ka dhex aasaasay Kulliyadda Shareecada iyo Barashada Islaamka, wuxuuna noqday
hormuudkii kulliyaddaas. Sidoo kale, sannadkii 1977kii waxa uu aasaasay Xarunta
Cilmibaadhista Sunnada iyo Shareecada. Wuxuuna Jaamacaddaas hormuud iyo
Cilmibaadhe ka ahaa illaa sannadkii 1990kii.
Shaqooyinkii
uu qabtay Sh. Qardaawi
Sannadkii 1997kii Sh. Yuusuf waxa uu madax ka noqday Xarunta ‘ European Council for Fatwa and Research, ’ oo ka shaqayn jirtay baadhidda,
qoridda fatwada Cilmibaadhista la xidhiidha Islaamka, xaruntaasi oo ay ku
urureen aqoonyahanno Diinta Islaamka ku xeeldheer oo u fatwooda Muslimiinta
wadda Yurub ku nool. Sidoo kale, waxa uu madax ka soo noqday Ururka Caalamiga
ah ee Midawga Aqoonyahannada Islaamka (International Union for Muslim
Scholars).
Sh. Qaradaawi, waxa uu lataliye sharci ka ahaa Bangiga Al
Taqwa, sidoo kalana saami ayuu ku lahaa Bangiga. Bishii Ogosto sannadkii
201okii bangiga ayaa laga saaray liiska hantidii ay ku lahaayeen shakhsiyaadkii
lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada Al Qaacida, waxaana
ilaalin jiray Golaha Nabadda Qaramada Midoobay (United Nations Security Council.).
Sannadkii 2008dii codayn la sameeyay Sh. Qardaawi waxa uu
noqday qofka ugu horreeya ee hoggaaminaya Indheergaradka dunida.
Hayaankii
iyo Halgankii Sh. Qardaawi
Sh. Qaradaawi, waxa uu taageeray oo ku biiray Ururka Ikhwaanul
Muslimiin, Ururkaas oo ahaa Ururka Diineed ee ugu way nee ka jiray waqtigaas
Dalkiisa Masar, Ururka waxaa la aasaasay sannadkii 1928kii.
Sannadkii 2011kii markii kacdoonku ka bilaabmay dalka Masar
ayuu ku soo laabtay, Masar waxa ugu danbaysay markii uu ka tegay oo ahayd 1961kii.
Waqtigaas waxa Masar si xooga awoodda looga qaaday Madaxwaynihii waqtigaa mudan
Xusni Mubaarik. Waqtigaas ay kacdoonnadu Masar ka socdeen wuxuu markii koowaad
ka jeediyay Khudbad dad wayne, waayo Masar wuu ka maqnaa waxaana muxaadaro uu
ka jeediyo ugu danbaysay markii uu ka tegay sannadkii 1961kii. Khudbadda waxa
ka soo qaybgalay malaayiin dad ah oo iskugu jiray Islaam iyo Kiristaan ba, waxaana lagu qiyaasaa in ay ahaayeen dadkaasi
2 Milyan oo Masaari ah. Dadkaasi waxa ay ka sinnaayeen muddaharaadkii lagu
diiddanaa keligiitaliye Xusni Mubaarik. Waxyaabaha uu khudbaddaas kaga hadlay waxa
ka mid ahaa xaaladdii uu markaas dadkiisu ku sugnaa oo kacdoon ahayd.
Dulmidiide kuwa xukunka jecel neceb ayuu ahaa.
Markii Xusni Mubaarika la riday waxa Madaxwayne loo doortay
Maxamed Mursi oo ahaa madaxwaynihii ee si xora Masar loo doorto, waxaana la
doortay Bishii Juun sannadkii 2011kii. Maxamed Mursi waxa uu ka mid ahaa Ururka
Ikhwaanul Muslimiin, waxa ayna ahayd markii koowaad ee ururka dalka Masar
awoodda Diineed ku lihi in ay noqdaan Madaxwayne. Waxa ayna ahayd guul cimri
gaaban. Sannad ka dib Maxamed Mursi waxa afgenbiyay oo xilkii hannaan afganbi
ah kala wareegay Wasiirkii Difaaca Mudane Cabdifataax Al Siisi.
Markii Cabdifataax Al Siisi, afganbiga dalka kula wareegay
waxa uu xidhxidhay dadkii ugu badnaa ee ka mid ahaa ururka Ikhwaanul Al
Muslimiin, dadka la xidhxidhay waxa ka mid ahaa Madaxwayne Maxamed Mursi. Dad
badan baa la laayay, oo dil lagu xukumay, qaar kalana waa la xidhxidhay. Dadka
dilka lagu xukumay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Al Qaradaawi, balse sheekhu
dalka wuu ka maqnaa, waxaana sannadkii 2015kii lagu xukumay xukun dila oo
maqnaanshiyo ah.
Sheekhu Fatwooyin badan ayuu soo saaray, qaar waxa ay ahaayeen
kuwo la xidhiidha arrimaha xukunka, siyaasadda, madaxwaynayaasha IWM.
Fatwooyinkiisa waxa ka mid ahaa inuu banneeyay in la dili karo Madaxwaynihii
Liibiya Mucammar Al Qaddaafi, wuxuuna fatwadaas soo saaray 21 Febraayo 2011kii.
Mursi sannadkii 2019kii ayuu ku dhintay Jeelkii uu sannadaha ku xidhnaa.
Sidoo kale, sannadkii 2014kii Sh. Yuusuf wuxuu ku dhawaaqay in
ururka ISIS ay suuradxumaynayaan Shareecada Islaamka.
Intii uu ku noolaa dalka Masar, Sh. Qaradaawi marar kala duwan
ayay mnaamulladii jiray xidheen, markii uu boqor Faaruuq xukumayay Masar sannadkii
194oyadii wuu xidhay Qaradaawi, sidoo kalana Madaxwayne Jamaal Cabdinaasir wuu
xidhay Qaradaawi intii uu xukumayay Masar.
Sannadkii 2011kii waxa uu si cad oo shaacsane ah ( Public) ah
u taageeray gugii Carabta, si gaara waxa uu u taageeray kacdoonkii
Keligiitaliyaha la iskaga xoreeyay ee dalkiisa Masar ka socday.
Taageeradii uu Sh. Qardaawi taageeray kacdoonkii gugii Carabta
iyo Mucaaradaddii uu ku sameeyay Madaxwayne Cabdifataax Al Siisi waxa la
sheegaa inay ka mid ahaayeen sababaha xiisadaha siyaasadeed ka dhex dhaliyay
dalka Qadar iyo waddamo ka mid ah dalalka Carabta.
Sh. Yuusuf Qardaawi inantiisii Calaa ayaa la xidhay 2017kii, waxaana
lagu xidhay dalka Masar, waxaana lala xidhay saygii iyada qabay, waqtigaasi
waxa ay ahayd waxyar ka dib markii xiisaddii go’daanka Qadar iyo Waddamada
Carabtu dhacay 2017kii. Afar sano ka dib ayaa Calaa jeelka laga sii daayay,
balse, waxa jeelka lagaga reebay saygeedii Xasam Khalaaf. Lammaanahaas waxa
lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waayo
ururkaas dalka Masar waa laga mamnuucay, waxaana loo diwaangeliyay inuu yahay
urur argagixiso ah ka dib markii Cabdifataax Al Siisi afganbi kula wareegay
Masar.
Sannadkii 1961kii ayuu Sh. Qaradaawi si rasmi ah ugu guuray
dalka Qadar, halkaas ayuuna shaqadiisii ka bilaabay, oo markii hormuud
Kulliyadda Shareecada Jaamacadda Qadar ah ka noqday sidii aan hore u soo
xusnay. Sannadkii 1968kii ayaa si rasmiya loo siiyay dhalashada dalka Qadar.
Ururkiisii Midowga Aqoonyahannada Islaamka ( International Union of Islamic Scholars) waxa uu
waddamo badan kaga qoranyahay ama ay ka aaminsanyihiin argagixiso. Waddamada
argagixisada ururku kaga liis garaysanyahay waxa ka mid ah: Masar, Sucuudi
Carabiya, Iskutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn IWM.
Fidintii
Diinta Islaamka
Sheekhu waxa uu si toos ah ugu biiray Telefishanka Caalamiga
ah ee Al Jazeera, halkaas oo uu marti ku ahaan jiray barnaamijyada ku saabsan
Diinta, iyo Fatwada shareecada Islaamka, wuxuuna lahaan jiray barnaamij caana
oo la odhan jiray ‘ Shareecada iyo Nolosha’ oo uu ka sii dayn jiray
Telefishanka Al Jazeera. Waxa barnaamijkaas ku taxnaa Malaayiin qof oo daafaha
dunida ku kala nool.
Sheekh Yuusuf waxa uu aad uga soo horjeestay aragtiyaha ururka
Al Qaacida iyo ururrada kale ee argagixisada, arrintaas khudbado badan iyo
muxaadarooyin badan ayuu ka jeediyay, goobo kala duwan iyo qaabab kala duwanna
wuu uga hadlay.
Sheekh Yuusuf, waxa sidoo kale muddo badan ka hadlayay
qaddiyadda Falastiin, wuxuuna taageersanaa dhinaca Falastiin, buug iyo maqaallo
bandanna wuu ka qoray, buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo ‘
Qudus yaa iska leh?’
Sidoo kale, Sh. Yuusuf waxa uu aad uga soo horjeeday fekerka
Tagfiiriga, oo ay dad badan aad u buunbuuniyaan. Buuggiisa “Te Law of
Jihad ” waxa uu
ku xusay dhalliisha uu Selefiyada Jihaad doonka ku dhalliilayo aragtidaas, iyo
sida uu u taageerayo qawaaniinta caalamiga ah.
Sh. Yuusuf, waxa uu aad uga hadli jiray xuquuqda dumarka,
wuxuuna aad uga soo horjeeday tacaddiyada dumarka lagula dhaqmo, waxa xusid
inuu fatwo ku mamnuucay Gudniinka Fircooniga ah ee hablaha lagu sameeyo.
Waxsoosaarka
Sh. Qardaawi
Sh. Yuusuf, waxa uu ahaa maktabad socota, waxa uu qoray buug
aad u tira badan, buugta uu qoray waxa weeyaan 120 buug. Sidoo kale, kumannaan
maqaal ayuu qoray, kumannaan muuqaal ayuu duubay, kumannaan muxaadaro ayuu
jeediyay, sidoo kale, boqollaal shir iyo barnaamij oo waddamo kala duwan ka
dhacay ayuu ka qaybgalay.
Buugta uu qoray waxa ay ka warramaan mawduucyo kala duwan sida
Caqiidada, Fiqiga, fekerka, Axaadiista, Suugaanta, Fatwada IWM.
Buugta uu qoray waxa xusi karnaa:
1-
Fiqhu
Sakaat.
2-
Fiqhu Jihaad.
3-
Qudus Yaa leh?
4-
Fiqhu Dawla.
Sheekh Yuusuf, waxa la siiyay abaalmarinno badan. Abaalmarina
la siiyay sababta loo siiyay waxa ay ahayd qaadhaanka aqooneed iyo fekerka uu
aqoonta iyo Diintaku darsaday darteed. Abaalmarinahaas waxa ka mid ah:
1-
Abaalmarinta
la yidhaahdo “ The Islamic Development Bank (IDB)” oo lagu siiyay dhaqaalaha Islaamka ( Islamic
Economics) qaadhaanka aqooneed ee uu ku darsaday awgeed, waxaana la
siiyay sannadkii 1991kii.
2-
Abaalmarinta
la yidhaahdo “ King Faisal International Prize”
oo lagu siiyay daraasaadka ISLAAMKA, waxaana la siiyay sannadkii 1994kii.
3-
Abaalmarinta
la yidhaahdo “Sultan Hassanal Bolkiah (Sultan of Brunei) ” waxaana la siiyay sannadkii
1997kii.
Maxaa
laga baran karaa Sh. Yuusuf?
Waxa laga baran karaa:
1-
Fatwooyinka uu soo saaray.
2-
Buugta tirada badan ee uu qoray.
3-
Muxaadarooyinka uu jeediyay.
4-
Dadaalkiisa aqooneed iyo halganka uu diinta
geliyay.
Gebagebo
Sh. Yuusuf Al Qaradaawi, waxa uu lahaa laba xaas, wuxuuna
dhalay 7 carruur ah.
Noloshiisa inta ugu badan waxa uu Sh. Yuusuf ku qaatay u
adeegidda Diinta. Waqti badan ayuu geliyay barashada, baridda, wax ka qoridda,
fatwada, iyo arrimaha la xidhiidha Diinta Islaamka. Wuxuu ahaa caalim ummadda
Islaamka oo dhan ka dhexeeya, ma ahayn nin Carabta uu ku dhashay uun ku kooban.
Shalay oo ay taariikhdu ahayd 26kii bishii Sibtanbar sannadka
2022kii ayuu sheekhu geeriyooday. Wuxuu ku dhintay da’da 96 sano jir, wuxuuna
ku dhintay dalka Qadar. Waxa uu dhintay isaga oo gacanta ku haya oo qoraya
buug. Alle ha u naxariisto.
Xigashooyin
1- MiddleEast.net:
(Yusuf
al-Qaradawi: Influential Muslim cleric dies at 96 | Middle East Eye).
2- Yusuf
al-Qaradawi - Wikipedia
3- يوسف
القرضاوي - ويكيبيديا (wikipedia.org)
W/Q:
Cabdirisaaq Sandheere
27 Juun,
2022.
Comments
Post a Comment