Barashadii Saaxiibkay: 7 sano oo Saaxiibtinnimo & Walaalnimo


Xalay waxa aan satoogiyay saaxiib igu qaali ah. Toddoba sano ayaan saaxiibbo dhaw oo isku meel ku wada nool ahayn. Waa halkii maahmaahdii Soomaalidee wadajoog rag waayahaa diidaye waxa na kala gaysay duruuf nololeed oo qasab noqotay, balse ma aha mid aan ku kala dheeraanayno, qalbiyadayadu way  wada joogaan, waxaanan wehel wayn noo noqon doona xasuusihii aan soo wada qaadannay ee 7 sano hortood bilaabmay.

Isku qabiil maanaan ahayn, walaalo hooyo wada dhaleen iyo ilma adeer iyo qaraabo kale toona maanaan ahayn. Se intaaba wuu iiga dhaawaaday, wuuna iiga wacnaa. Ujeeddada kaliya ee isku kaaya keentay waxa ay ahayd isfahan iyo isku dareen wada raba, isku dhinac u wada socda.

Waan isduruuf ogayn, waanan iska warhaynay. Waxa aan isbarannay waqti aannu labadayaduba barbaar wada ahayn, waa waqtiga saaxiibtinnimadu qiimaha leedahay ee qofka haddii ay ka xumaato saamayn taban oo nololeed ku keento, haddii ay u samaatana saamayn togan u keento.

Abuubakar waxa aan isku barannay Masaajid, labadayada waa noo sharaf  inaan Dar Alle isku barannay, oo guriga Alle isku barannay. Masaajid ayaan markii danbe wax ku wada akhirsan jirnay, waqtina ku wada qaadan jirnay. Cibaadada in aanu ilaalinno waannu isku dardaarannay Allana waqtigaas wuu na waafajiyay.

Dugsiga Sare ee Ubaya Binu Kacab ayaan 2 sano wada dhiganaynay. Aroortii waannu, oo Dugsiga waannu u sii wada lugayn jirnay, Xilli biriiga isku meel ayaan ku biriigan jirnay, oo wax baan wada cuni jirnay, mar isaga ayaa bixin jiray, marna aniga; marba kii haya ayaa bixin jiray. Xilli rawaxaadda waannu israaci jirnay. Kala fasal ayaan ahayn; marmar waxaa dhici jirtay inaan kala horrayno; balse waan isa sugi jirnay. Haddii isagu iga horreeyo wuu isugu jiray, haddii aanan anigu ka horreeyana waan sugi jiray. Ardaygu waxa ayna moodi jireen laba qof oo hooyo iyo aabbo wada dhaleen oo walaalo ah.


Intii aan Dugsiga ku jirnay, Abuubakar waxa aan ka wada shaqaynay dhawr barnaamij oo ay ugu waynaayeen barnaamijyada daabuurka iskuulka, qaadhaan ururinta ardayda, caawinta kuwa taagta daran IWM. Aniga, Abuubakar iyo dhawr qof oo kale ayaa waxa aan xasuustaa in aan barnaamijyo kala duwan Iskuula ka hirgelinnay.

Waqtigaas aan Dugsiga dhigan jiray waxa aan kal shaqayn jiray urur uu muddo shaqadeeda waday, oo la odhan jiray Ducaysane Foundation. Waxa laga yaabaa marka urur la maqlo in loo qaato meel lacagi taallo, balse tani sidaas ma ahayn, magaciisa ayay wadataa wiilkaas yare e Dugsiga dhigta ayaa biriigiisa iyo waxa yar ee uu helo ugu talogalay inuu bulshada wax ugu qabto. Mararka qaar duhurkii 2da ayaan bixi jirnay oo inta aan magaalada ku soo wareegno dadka taagta daran xaaladdooda soo ogaan jirnay, ka dibna waxa aan gaadhsiin jirnay kolba wixii aan awoodno.

Waqtigaas Abuubakar caadooyin wanaagsan ayuu I baray, wuxuu I baray caadada akhiska. Abuubakar wuxuu ahaa qoraa iyo akhriyaa wayn oo markii hore ku soo barbaaray guri aqoonyahanno ah oo wax akhriya. Wuxuu haystay buug badan oo akhris ah, buugtii ayuu qayb ka mid ah ii dhiibay, marka aan mid dhammeeyaba mid kale ayuu ii dhiibi jiray. Ugu danbayn akhriska waan la qabsaday, caado wanaagsanna wuu ii noqday.

Marka qofku wax akhriyo ayuu QORAALKA u gudbi karaa. Anigu markii aan akhirks bartay waxa iigu xigtay in aan wax qoro, markiiba qoraalka ayaan bilaabay, Abuubakarna wuu igu dhiirrigeliyay, aadna wuu ii taageeray.


Abuubakar, waxa aan ka wada shaqaynay ururro kala duwan, oo aasaaskeeda uu qayb ka ahaa. Waxa aan ku aqaannay qof hal’abuur leh oo ururka iyo meesha uu ku jiraba waxbadan ku soo kordhiya, kana dhex muuqda.

Shanti sano ee ugu danbeeyay oo aan arday Jaamadeed ahayn Abuubakar waxa aan ku ogaa dadaal aan kala joogsi lahayn; arrimaha uu aadka uga shaqayn jiray waxa ka mid ahaa arrimaha bulshada, mutadawacnimada, naadiyada, dhiirrigelinta dhallinyarada IWM.

Sifooyinka intaas aan ka bartay waxa aan ka xusi karaa:

1-      Daacadnimo: Waa qof daacad ah oo aan munaafaqnimada aqoon.

2-    Hoggaamin: Waa qof hoggaamin leh oo hawlkasta oo la qabanayo hormuud u ah.

3-     Dad isku wad: Boqollaal qof oo kala duwan ayuu isku keenaa oo qofkasta gaarkiisa ula shaqeeyaa.

4-    Hal’abuur: Hal’abuur badan buu la yimaaddaa, shaqo kasta oo uu qabanayo wax buu ku soo kordhiyaa, oo hal’abuur cusub buu la yimaaddaa.

Ninkii sifooyinkaas lahaa, ayaa naga dheeraanayaa oo wadajoogayagii xidhiidhka ahaa dhammaaday! Bal sawirro qof aad 7 sano oo xidhiidh ah aad wadajoogteen oo aayar ku nabadgalyeeyay oo meel kaa fog tagay? Runtii waa dareen gaar ah.

Saaxiibkay nolol milgo leh ayaan u rejaynayaa meelkasta oo uu tago. Waxa aan ku rejo waynahay in annaga oo labadayaduba intan ka horumar ballaadhan, ka waawayn, ka aqoon badan, oo ka wacan meelo kale iyo duni kale isku arki karno.


Saaxiibkay waxa aan leeyahay “ Saaxiib, haddii maalmuhu inna kulmin waayaan, waxa inna kulmin doona xasuusihii aan soo wada qaadannay. Saaxiib haddii ishu ku arki waydo qalbigu ku ilaawi maayo.”

 

 W/Q: Cabdirisaaq Sandheere 30 Sibtanbar 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?