Posts

Showing posts from July 3, 2022

Shaqo ka tegidda oo Dunida ku soo badanaysa!

Image
  Xilligan dunida culaysyadu ka jiraan, waxa soo badanaya dadka shaqooyinku ka kacayaan, iyo kuwa shaqadoodii ka tegaya. Maqaal ay daabacday Harvard Business Review ayay qayladhaantan ku sheegtay. Maqaalka waxa qortay aqoonyahanad Jennifer Moss , oo ah khabiir ku takhasustay shaqooyinka, iyo arrimaha la xidhiidha shaqada iyo shaqaalaha. Judha hore waxa ay xusaysaa in dadkii afka ciidda dareen oo shaqadii soo koobantay. Shaqadu inay koobnaato oo si guud shaqooyinkii yaraadaan waxa sababay culaysyada ay ka midka yihiin xanuunnada, dhaqaale yarida IWM. Maxay tahay sababta dadku shaqada uga tagaan? Madasha ‘ The Microsoft Work Trend Index ’ oo ka warranta heerarka shaqaalaha iyo shaqada ayaa cilmibaadhis ay sannadkan 2022ka samaysay waxa ay ku sheegtay in inka badan 31,000 qof oo ku kala nool 31 waddan ay si joogto ah uga hadlaan culayskan shaqo ee yimid. Cilmibaadhistu waxa ay heshay in 43% la filayo inay shaqada ka tegi doonaan sannadka soo socda. Haddaba ujeeddada ugu wayn ee sh